Masjid ku yaala Eskilstuna oo loogu hanjabay in la xirayo

Masjid ku yaala magaallada Eskilstuna gaar ahaan xaafada Årby ayaa waxaa la soo gudboonaatay wareer iyo handadaad kaga imam-arbytimid Shirkadii ay guriga ka iibsadeen, shirkada guriga iibisay ayaa sheegtay in albaabada la isugu dhufanayo oo la xirayo Masjidka haddii aynan bixin lacagaha ku harsan.

Shirkada guriga ka iibisay Muslimiinta magaalladaas Eskilstuna ayaa ku adacoonaysa in lacagtii laga doonayey Muslimiinta aynan wada bixin, sidaa awgeedna ay doonayaan in Muslimiinta dibada uga saaraan guriga.

Iimaamka Masjidka Abd Al Haqq Kielan ayaa waxa uu sheegay in aysan suurtagal ahayn in Muslimiinta dibada looga tuuro Masjidka oo laxiro maadaama buu yiri aynu joogno waddan sharci iyo nidaam kajiro,waxaana jira ama lawadaa khiyaano aan suurtagal ahayn, ayuu yiri Kielan.

Jimcahii taariikhdu ahayd 6 september 2013 ayaa si caadi ah loogu tukaday Masjidka oo ma aysan dhicin wax dhibaato ah.

WQ:- Cabdiaziiz Baliile

Faafi mowduucaan

C.Baliile

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 3 Thumb down 13

  2. osman says:

    Asc war midkaan caytamaayo wa maxay ileyn dadka aw caayo meesha loogamahadlin war katira midkaan qoraalkiisa pls

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. anaa ku waso says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 8

  4. osman says:

    War midkaan caaytamaayo katira meesha mase in layskucaayo ayaad rabtaa mamulka ma i maqlaa pls

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  5. anaa ku waso says:

    osman nin baa ceytamey oo qabiil dhan caayey ,oo leh sumcad marka raali ka noqo nijiskaas baan u jawaabayey dhamaan ha leyga raali noqodo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  6. Axmed says:

    Asc Misaajidka Eskilstuna waa mid aad u wayn dadka aan muslimiinta ahayna raali kama aha in uu furnaado Illaahoow badbaadi gurigaaga Ac

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  7. Gabadh Sool says:

    subxanallah ilahay ka baqoo cayda iyo qabiilka inaga daya wa waxa halkaa ina dhigay masjidkana ilahay galada haka qabto

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  8. layla says:

    subxaanallaah inta wanaaga jecel waxaan dhihi lahaa nin caytamey afkiisuu isku caayey wuxuuna rabaa inuu dadka dambaajiyo yaanana lala caytamin xataa qofka ujawaabey waxaan dhahaayaa walaalow ama walaaley magacaa labaxdey aaba ceeb ah hana lahadlin qofkaan oo kale masaajidkaan illaah haugargaaro hadii ey ku adkeystaana koley intii muslim ah habadbaadiso masaajidkaan maadaama meel lagu bartey iyo meel masaajidnoqoteyba ey tahay meesha illaah xaqqa hana waafajiyo…

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  9. asc dhamaan umadaha islaamka ah ilaahay waxaan ka baryayaa inuu masaajidkaas badbaadiyo oo gaalada ka qabto dhinaca kale maxaa meeshaan aflagaado keenay iyo in dadka loo gafo sow ma ogid walaal in kaligaa god laba mitir ah lagu dhigi doono maalin aysan caay iyo aflagaado wax kuu tari doonin war ilaahay ka baq oo ka towbad keen gafkaas iyo aflagaadadaas qofka kale ee u jawaabayna wanaag ma samayn isagana ee qalad ayuu qalad ku saxayaa waana waxa soomaalida haysta maanta oo qurbaha ina dhigay walaalayaal ilaahay halaga cabsado oo hala xusuusnaado aakhiro iyo in la is xisaabinayo maalin uu qabiil waxba kuu tari doonin wcsww.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  10. luul says:

    asc asxaabta webka iyo bahda somaliska.com wiilka maxaa ka qaldan arin muhiim ah ayaba laga hadlayaaye qofkii damiir islaam ku jirto waxa laga rabaa in uu sidaas si ka wanaagsan u hadlo mida kale waa in loo gurmado masaajidka oo lacagta laga bixiyo hadii ey sax tahay in lagu leeyahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  11. Abdi22 says:

    Masaajidka Ilaahey waa badbaadinoo Insha Allahu, ee walaalaha ka dhigtay webkaan meel la’isku aflagaadeeyo Ilaahey ka baqa, aflagaado waa ceeb iyo xadgudub.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. xawo says:

    maxa warlagahaya arinti 2sano qofkii wax cusub haya hasogudbiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. galada ellah naarta haku fogeeyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  14. Tänkare says:

    Islam madoo neyno,

    Waxaa dan noogu jirtaa in laxiro.

    Dhibkii ayaa batey hadaan nahay Somali.

    Waayo anagu manihin carab.

    Maxaa naga galey.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. suashaydu waa waa ruun islamka aya bixinaya lacagta hadu alle idmo surtana gaali mayso baytka alle in laa xidho wayo alle aya ilashanaya waa gurigi alle hadaysaan waxay wadan galadu joojin waxa mucjhiso ayag iyo dulinimo ku kenaya alle subaxnahu waa tacala jaalajalaluhu yaa raabi naga qaabo galada ad jire o jire illahay baa ino hilinaya hadaynu nahay dad illahay yaqana walwal inama hayo manshalah alle haa ino sahlo umuraha mahadsanidin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Mohamed says:

    Asc walaalayaal waxaan leeyahay dadka muslimiinta ah ee degan wadankan sweden, gaar ahaan kuwa Eskilistuna iney iska bixiyaan lacagaha lagu leeyahay haddii ay jiraan. waxaa haboon qofka inuu oofiyo balamaha uu galo hanoqdeen kuwa muslimiin ah amaba kuwa gaalada ah, laakiin waxaa dhib ah iyadoo nalagu leeyahay lacag fara badan haddana inaan ku andacoono waxaan joognaa wadan hormaray wax dhibaato nalama geysan karo wey ila qaldantahay. waxaa talo iga ah in dadkan gaalada macaamil wanaagsan iyo aqlaaq wanaagsan aan la yeelano asc.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0