Warbaahinta Sweden ayaa maanta qortay in Masjidka ugu weyn magaalada Malmö ay dhistay hay'ad uu leeyahay Mucamar Al-Qadafi madaxweynaha Libya ee lagu kacay. Hadaba su'aasha taagan ayaa ah maadaama hata Qaramada midoobey ay ku soo rogtay Qadafi iyo cidii xiriir la leh cunaqabatayn taasi ma saameyneysaa Masaajidka? Agaasimaha Masaajidka Bejzat Becirov ayaa sheegay in aysan saameyn ku yeelanahayn cunaqabateynta asagoo intaas ku daray in ay ka madax banaan yihiin Qadafi iyo Hay'adiisa. Bejzat Becirov ayaa sheegay in Hay'ada Qadafi ay iibsatay Masjidka ka dib markii sanadkii 2008 ay lacag la,aan ku dhacday oo bankiyadu ay xaraashi lahaayeen dhulka balse hay'adaas ay u soo gurmaday waxaa ku baxay qarash gaaraya 33.3 Milyan oo karoon. Qadafi ayaa sameeyay hayadiisa lagu magacaabo World Islamic Call Society si uu u kasbado jaceylka shacabka Muslimiinta caalamka. Isbuucaan ayaa Qaramada Midoobey ay cunaqabateyn ku soo rogtay Qadafi iyo dhamaan shaqsiyaadka xiriirka la leh ka dib markii lagu eedeeyay in ay gaboodfal ka geysanayaan dalka Libya.

Masjidka Malmö waxaa dhisay Qadafi

Warbaahinta Sweden ayaa maanta qortay in Masjidka ugu weyn magaalada Malmö ay dhistay hay’ad uu leeyahay Mucamar Al-Qadafi madaxweynaha Libya ee lagu kacay. Hadaba su’aasha taagan ayaa ah maadaama hata Qaramada midoobey ay ku soo rogtay Qadafi iyo cidii xiriir la leh cunaqabatayn taasi ma saameyneysaa Masaajidka?

Agaasimaha Masaajidka Bejzat Becirov ayaa sheegay in aysan saameyn ku yeelanahayn cunaqabateynta asagoo intaas ku daray in ay ka madax banaan yihiin Qadafi iyo Hay’adiisa.

Bejzat Becirov ayaa sheegay in Hay’ada Qadafi ay iibsatay Masjidka ka dib markii sanadkii 2008 ay lacag la,aan ku dhacday oo bankiyadu ay xaraashi lahaayeen dhulka balse hay’adaas ay u soo gurmaday waxaa ku baxay qarash gaaraya 33.3 Milyan oo karoon.

Qadafi ayaa sameeyay hayadiisa lagu magacaabo World Islamic Call Society si uu u kasbado jaceylka shacabka Muslimiinta caalamka.

Isbuucaan ayaa Qaramada Midoobey ay cunaqabateyn ku soo rogtay Qadafi iyo dhamaan shaqsiyaadka xiriirka la leh ka dib markii lagu eedeeyay in ay gaboodfal ka geysanayaan dalka Libya.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. Xamariya says:

    Asc dhaman umada islamka mel kastod jogtin wanaga alaha ni wafajiyo takale qadafi wa halyey islam iyo afrika mana aha masjidkan kali e masjidka qadafi e kambala ku yalba asa dhisay alaha ajar ka siye balse ninka waxa ku dhacay jiradi dunida sadaxad canka ku ahayde xukun jecelka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Saadaq says:

    Mr Jimcaale

    Salaan sare ka dib, maalmahaan war ma jiro miyaa aawey Gaafoow howshiisi halkee ku dambeysay, adigoo raali ah.

    Waad mahadsantahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. ahmed abdalla afrah .soohaad . says:

    waxaan ku nolahay wadankan sweden muddo laba sanadod iyo bar waxaan in muddo ah u kuur gelayey dhibatoyinka somalida ku heesta wadankan isla markasna anla arag ciid u doodda xuquqdoda sida ummadaha kale u helaan xaqooda hadaba waxaan talo ahaan uso jeedinaya in jakiyadaha iyo ururada ka jira wadankan la mideeyo oo ey yeshan halgudon owadjir isugu xiran wayo markaas ayey wax gooyan annagana wax noqadan karan danguud iyo mid gaar ahba wa bilahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. mahad oo idil waxa ey usugnaatay Allah SWT says:

    walalayaal, hadii udhisay Qadaafi masjidka Malmo oo sida darteed la cuna qabateyo, kan Göteborg o weyn aya inooharay waxba inagama dhibeyso inshAllah, waqtiyada muctamarada iyo hadii reer Malmö eykasogaraan waqtiyada ciida kusoodhawada masjidka Göteborg,ASc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. najma says:

    asc jimcaale.waa ku mahadsan tahay aqbarta nala socodsiso.waxaa kale jeclahay.ina dhaho qadafi.tow maanta sameynayo waa mid.xun.wanagi oo hore uu sameyaay wuxuu ku xijiyaya xumaan. sido dadki uu dhameynoyo.xata.dadka uu dagalamayo.waa dad masakinina.oo madow ah xata somali wey ku jirta.meeqo somaliya uu xiraan.oo wax lagu xirey la ogeynin.waxaa dhihi lahay dadka amanayo haa firsadaan aljasira.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0