Maxaa ka qaldan dhalinyada Soomaalida ee ku nool Sweden?

Bilihii la soo dhaafay waxaan u badnaa dhinaca Stockholm oo aan u tago arimo shaqo, Stockholm oo ah magaalada ay ku RINKEBYnoolyihiin Soomaalida ugu badan Sweden ayaa sidoo kale ah magaalo aad ku arkayso ceebta ugu badan ee Soomaalida. Maalmaha aan Stockholm tago ayaan mararka qaar waxaan booqasho ku tagaa xaafadaha Soomaalida sida Rinkeby, Tensta iyo Akalla.

Waxyaabaha aan ku arkay Stockholm ayaa waxaa runtii iigu xanuun badan dhaqanka dhalinyarada Soomaalida qaasatan kuwo ku koray wadankaan. Waxaad arkaysaa iyaga oo koox u taagan goobaha tareenada laga raaco oo aflagaadeynaya dadka shacabka ah, ama qaylinaya. Camal la’aan ayaa keentay in dhalinyaradaan ay la soo baxaan dhaqan gangistarnimo oo foolxun iyaga oo qaarkood aysan arkin gaangaastarnimada dhabta ah ee ka jidha Somalia.

Waxaad isweydinaysaa halka  ay wax ka qaldan yihiin. Waalidiintii soo korisay dhalinyaradaan maxaa ku dhacay? Waxaa guud ahaan qaldamay  qaabka dhaqanka, socodka iyo hadalka ee dhalinyarada. Waxaad arkaysaa dhalinyaro marka uu soconayo geesgees u liicaya oo aad leedahay war ninkaan ma dhabarka ayaa laga hayaa? mise waaba xarago iyo ha la’iarko. Marka ay wada hadlayaan ayaan areyga “fy fan” iyo waxa la mid ah uusan ka dhamaan afkooda.

Dhaqan xumada dhalinyada ayaa keentay in ay magac xumo u gasho guud ahaan Soomaalida ku nool wadanka. Dhalinyarada Somalida oo lagu yaqaanay sharaf iyo firfircooni ayaa hada lala xiriiriyaa dambiile nimo, gufsi iyo mashaqaystayaal. Hadaba yaa ka masuul ah dhibaatadaas? Waalidiinta Soomaalida maxay leeyihiin marka loo bandhigo mowduucaan? Maxaad wadankaan caruur u keenaysaa ama ugu dhalaysaa haddii aadan dhaqankooda toosin karin?

Waa su’aalaha muhiimka ah ee la doonayo in ay ka jawaabaan waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurta ku dhalay ama keenay wadankaan. Magacxumo iyo dambiile nimada waxay keenaysaa in iyaga uu mustaqbalka ka dhumo inagana ay nooga ciyaaraan magaca Soomaalida. Waxaa laga yaabaa in qaar ka mid ah waalidiinta ay eedeeyaan Dowlada Sweden iyo shaqo la’aanta balse xaqiiqada ayaa ah in adiga aad masuul ka tahay caruurtaada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

24 Responses

  1. caad says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 16

  2. Qunyar socod says:

    Wlhi marm marka qaar waxad arkeysa walidinta somaliada iyaga ma dhalin miya ayad is leda sida aysan ilmohooda uuga fikireen ama beri inu an foco kuma fikirayan miya ayad ledahay. lokalka inu so fadhisto ayu ku leyahay Aderr somaia maxa laga shegay, Waa nin tiisiba daayacay tu kale Day dayayo….wa cajiib natijada ka dhalaneysana wa tii aad adiga soo aragtay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  3. bravom says:

    waalidka ayaa masuul ka ah oo aanan siinin caruurtooda waqti waayo hadii aad waqti siiso awlaada dhaqanka fiican ayay lasoo baxayaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Jamaal ahmed Hussein... says:

    Qoraaga maqaalkan waxaa fiicnaan laheed inta uusan soo qorin, in uu marka hore sameeyo analys (tirokoob) sida meeqaa jaamacad dhigata, meeqaa xabsiyada ku jirta, ka soo maali ahaan dhaqaalaha intee ayeey ku leeyahiin Caasimada Sweden, heerka waxbarasho oo waaridiintu leeyahiin, iwm… laakiin ma uusan aheen in uu eedeyn kala dhaco dhalinta Soomaaliyeed,,, Aniga waxaan ka soo shaqeeyey Stockholm, waxaana idiin sheegayaa marka leys bar-bardhigo ajaaniibta kale & Somalida dhalinteeda in Somalida eey yahiin Dahab…..

    Marka 4 Tareenka hortiisa ka qeyl-qeylineysay ma ahan in aan maqaal aad ku bacdileysid soo qortid…

    Waa fikrad mawaadin Somaliyeed…….

    Fikrad lala dhacay Thumb up 19 Thumb down 4

  5. falis says:

    asc jimcale walal waad ku mahad santahay qoralkan ad so gudbisey wayo dhalanyarada sanadkan marka la dhaleyey ma bisinka loo qaban wayo walal aniga xitaa dhor dhalin yaro oo somali ah ayan arkey oo is calocinayo si wax dhabarka laga kala goyey camal ani ahan hadan fikir keyga ka dhibto wexey ilaa tahay waa ciyaal dorogo wayey kuwas

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. omar says:

    somaliska walahi suaashaas waa suaal aad u qoto dheer waxaas weey jiraan lakin waa dood qoto dheer in laga yeeshaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. saara says:

    aaba yaal kood ayaaba banaanka taagan caruurta marka hore waa in uu waalidka toosanyahay ka dib ayuu (canuga) toosayaa (tkans=

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. saara says:

    Your comment

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. naana says:

    aniga waxay ila tahay inay walidinta ka masuulyihin sababto ah hadii guriga dhaqankisa xun yahay ilmahas matosayan gedki awuurkisa xumado ma toso marka walidka aya laga raba inaay toosiyan ilmaha hadii hooyada ninkeda bacda banaan ka uu dhigto abahane uu iska wareegayo oo ilmo war loo hen gormey tosayan ilmha hooyada iyo aa baha aaalaga raba inaay wax toosiyan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Samsam says:

    Masuuliyado waalidka ayey saaran tahay laakin mushtamacuna ciyaalka korintooda wuu ka qayb qaata.Wadan gaala ah beynu joogna, dad aynu isku dhaqan iyo diin toona aheyn.Waalidki xoriyad xita caruurtisa uma korsan karo oo hadu is yidhaah toosi amba edbi wuxu ka baqaya ina caruurti laga qaado.

    Mushkilado ugu weyn ee somalida haysata waxa weyan, qoyski marku burburo aabayasha way yar yehiin inta caruurtoda xidhiidh la yeelata amba ka war haysa.Hadaad naagti kala tagten niman yahow caruurtina ka war haya…inamada siiba waxay baahan yehiin inu aabaho gacanta ku qabto oo la taliyo oo talaabtalaabo ula socodo tacliintooda iyo noloshoodo.

    Al hadaaya mina Allah, ilaahy ha so hadeyo inti wado qaloocan martay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. maxamed says:

    waxaan aaminsanahey in waalidka ay ka fekeraan oo keliya iney caruur dhallaan si ay xoogaa lacag ah ku helaan kama fekeraan iney wax soo saar dhab ah sameeyaan ama caruurtooda ku mashquulaan oo ay ogadaan hadba cunugiisa xaalka uu ku sugan yahey mowdiicaan jimcalle wan kugu raacsanahey waana mowduuc aad muhiim ah waxaadna ka hadashey waxyaabo badan oo xaqiiq ah oo jirta .
    aniga fekerkeyga waxaan msuuliyada dambiigaas saari lahaa waalidka caruurtaan dhaley teeda kale caruurtaan waxay u badan yihiin kuwo quruuc ah marka aan qarac leeyahey maaha qofka sineysta keliya inuu qarac dhalo kawaran cunuga aad xaaraan ku soo korisey ama aad ku dhashey in sxb kaaga dhaley qaar badan oo waalidka soomaalida ah waxaa u qoran iney caruurtan sxb ka dhaley waayo kala noolansho ayaa lagu dhaley lacag badan ayaa lagu qaadanayaa ka dibna lacagtaasi xaaran waaye hadaba cunug lacag xaaran ah lagu soo qoriyey faaido miyaa laga sugayaa alx qaar fiican wey jiraan lkn inta xun ayaa badan soomaalida qurbaha soo gshey ilah imaanka ha kusoo celiyo ilah imaankooda ha ku sooceliyo ilaah imaankooda ha ku soo celiyo ilaah imaankooda h ku soo celiyo ilaah xalaasha iyo xaaranta ha kla baro ilaah xaaranta iyo xalaasha ha kala baro waxyaabaha aan la qiirooda ayey ka mid tahey somaalo badan ayey ku weydiinayaan dadka cadaanka ah jawaabna uma heysid waxaa ka mid ah dumarka soomaalida caruurta sxb ayey ku dhallaan wey maxaa ku kalifey cml miyeysan dad muslim aheyn marka su aashaas la i weydiiyo saaid ayaan u xanaaq qofka i weydiiyey ayaan ku xanaaqaa runtiina wax jiro waye ceeb iyo sharaf dhac ayey noo soo jiideen iyagoo ka fekerayo lacag dhamaaneyso mey k fekeraan mustaqbalka magaca iyo sharafta umada soomaaliyeed mey qiimeeyaan diintooda sharafta badan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  12. Macallin says:

    To: Jamaal Ahmed Hussein
    Walaal dhibka in uu jiro iyo inkale hadii ay kaa joogto ma tihid nin xaalada soomalida Stockholm wax ka og, maxaa yeeley waxaad ilowsantahay dhalinyarada soomaaliyeed inta dugsiga sare ka baxda oo waxbarasho usii gudubta ayaa lagu qiyaasaa 5%. aaway 95% waxey noqdeen dad iska xamaasha iyo danbiile Tareenka daris la ah. Waxaad kaloo ogaataa in tirakoobka lagu sameeyey dhalinyarada dambiilayaasha ah ee degan Järva( Hjulsta, Tensta, Rinkeby, Kista Husby, Akalla) 70% in ay asal ahaan kasoo jeedaan Soomaali. Dhanka odayaasha ama waalidiinta 99% waxey fadhiistaan lookaalada la iskugu yimaado ha ahaado qof daalan oo shaqo ka yimid ama oday iska baagamuudo ah. Marka su’aasha waxey tahay. Maxaa xal ah?. Anaga hadaa ‘Soomaali nahay waan isgaraneynaa waxaan ku fiicanahay in aan isku qabqabsano sida ” Maqaalkaan waa sax ama qalad” intii aan ka hadli laheyn xalka. Xalka aniga waxaan u arkaa in ay adagtahay in aan ilmo ku korsano Sweden. Wixii dhacay waa dhaceen waana cadeyn cad in ay nagu adagtahay arintaas, waxaana marqaati ka ah hooya kasta iyo aabe kasta. Hala guuro

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. Yaaska Xaaji.. says:

    Ascww waxey ila tahay waxaa masuuliyada wada qaadayo waalidkii dhalay iyo dowlada sweden sababtoo ah wadankeeni markuu cunuga qalad weyn ku dhaco waa la canaanan jiray meshan dowlada ayadaa tiri ilmaha ayaa waalidka ka mudnaana badan taas ayaana meel walbo ha ahaato iskuul ama goobo kalaba keentay inuu ilmaha is yiraahdo lagulama hadli karo isla markaana uu caasi ku noqdo waalidkii oo uu sidaas ku seego aduun iyo aakhiro marka waalidka masuuliyada uu ku leeyahay waa inuu sabab u ahaa inuu ilmahan yimaado aduunka laakin sababta badankeeda waxaa iska leh ninkii u durbaan tumay caruurta waxaa lagu maah maahaa (((WELIGAA GARTODA HA GELIN WIIL IYO WAALID HADAAD GASHANA GARTA HA SIININ WIILKA))) micnaha wuxuu yahay hadii waqti walba wiilka lasoo taagnaado anigaa kaa gar leh waxaa dhumaaya ixtiramki waalidnimo…….

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. yusuf somali says:

    Asc dhamaan umada somaliyeed wax waliba in ay qaldanyihiin waa loo jeedaa somalida waxa ku jiro dad diinta alla ku dhaqmin ma kula tahay cunug ay iska dhaleen ilmaha hada la sheegayo inuu noqon doono qof fiican umada kale ee islamka ah mid ayeey nooga badalanyihiin taas oo ah in aysan aqoon wacalnimo ama sxbnimo ayaan wax isaga dhalnay marka ilaah xaqa ha inawada tuso dhul gaalo oo loo saa haajiro dhibkaa laga dhaxlo ma yaraan doono

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. stockholm says:

    waan idin salamay runti stockholm kaliya dhibatada ma taalo dunida mey walba ay somalida ayay ka jirta sababtana waa lawada ogyahay waalidinta iyo ilmaha midna ma lahan eeda laakin
    bulsha qaasadan somalida waayo ilmaha inta ku koray kalsooni kuma qabaan qof somalida timatay waayo isma fahmayan hadalo adah iyo caado 70 aya loola dhagma meeshi lasoo dhoweyn lahaa ama wax lo sheeki laha waa la aflagadeyna diindo waa nasteexo

    ilmaha wadanka ku dhashay hadi oo 20 jiro waa ilmo ixtiram ayay mudanyihin iyo il wax si degan logu sheeko laakin waxan leenahay aniga markan 16 iyo toban jiray mas uul ayan ahaa ee maxaa idinka qalda mar mama la is af fahmaayo

    aniga waxan dhihi lahaa waa ilmo laakin waxyaba ka maqan ha loo qabto shaqo halo abooro yaan la xukmin dadkoodana ha lako so xiro wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. khalinle says:

    guriga hadii uu marka hore ka halaabo aas aaska gadaal kama tooso inta badan waxaa aad arkeeyso ee qaldan ayaa keena guri markiisa horeba aan ku dhisneeyn sida shareecada qabto waxaan marar badan la kulmay haween Soomaali ah oo ayaga oo xaas ah ninkii qabayna uu Afrika ama wadama kale ku nool yahay nin kale halkaan kula noolaaday si aan shareecada waafaqsaneeyn marka ma caruur wanaagsan ayaa laga fishaa ha la iska ilaalsho waxyaabahaas oo kale hadii kale dhaqan xumo waalidka bilaabay ayaa wax walba ku halaabayaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Kariim says:

    Qaladku dhalinyarada ma ahan , waa waalidka. sababtuna waxa ay tahay ilmo intii uu noolaa arkayey aabihiis oo tuugsanaya oo ceyr qaadanaya, oo luuqadii wadanka aan baraneyn isaga oo 20 sano wadanka dagan oo aan ilmihiisa ka fakareyn oo waydiineyn xaaladooda oo siduu maalintii oo dhan Gallerian u fadhiyo habeen barkii ka soo soofayo ama qaad cunid ka imaanaya oo aan kala jecleen mustaqbal fiican iyo mid xun ,,,,, Macquul ma ahan in ilmihii saas ku soo korey mustaqbal iyo shaqo ka fakaro ama positiv noqdo , ilmo ilaah u naxariistey ma ahane!!!!!!!!!!!!!!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. abdulkaadir says:

    asc ww . waxan dihilaha walidiinta istoosiya oo illahey kabaq ubadkiina hadayicina !

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Abukar says:

    A, caleykum. qof walbo markuu wadankaan imaanaayey Riyo ama hadaf ayuu lahaa. marka dadka waxay ukala qeybsameen sedax. kuwo riyadooda ama hadafkooda sida ay kugaari lahaayeen u halgamey, dadaal badan iyo rabitaan muujiyeen, kuwo sidoo kale dadaaley, laakiin markey xaalado kala duwan la kulmeen is dhiibey iyo kuwa sedaxaad aanbo wax dadaal ah muujinin oo isku qanciyey, yurub waa timaaden waad gaarteen riyadiina ama hadafkiina, kadibna meelahas iska fadhistey markey waayeen shaqo ama waxbarashadi ay ku guuldareesteen. waa iga fikrad.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  20. Ahmed Hassan says:

    WCS. Horta Soomalida waxa ay tiraah Bada Hal Malaay baa qurmiya waxa ay kaloo tiraah .Casirkeed ma bogatiyo Dibu u socod baa Dadka u daran. Waxa ay kaloo tiraah Sac Ninkii lahaa Dabada uga fadhiyo ma kace baa layiraah.Mid wax qora iyo mid aqoon leh ba iyo waalidba waa laga simanyahay ceebaha yaryar ee jira ha laga waantoobo soomaaliyey. Marka Soomaalidu Dalkeeda ayaa soo burburisay halkii magan galyo lagu siiyeyna ayaad Sabab u ah in la takooro bulshada ay la nooshahay Caalamka oo dhan. Balse Qoraaga sheekadaan soo bandhigay waxa ad moodaa in uu la soo booday dareenkiisa carada leh uu ku arkay meelaha qaldan ee Soomaalida ay ku nooshahay ee stockholm balse marka aad wax qoreyso iska qor ma ahan dhinacyo badan baa laga eegaa Saameynta uu yeelanyso waxa aad qoreyso oo ad bulshada aad u soo bandhigayso. sheekadaan oo kale waxa ay ku Quruxooneed in aad wareysto Waalidiinta adiga oo xusya magaciisa , Caruurta qaar oo ad la sheekaysto, Poliska Degmada , Xarumaha Caafimaadka iyo waxbarashada si ay aad u soo bandhigto wanaaga iyo xumaha ay gooni u yihiin Soomaalida. Sxb waa dadaalaysa balse Qaabka loo qoro featureka ma ahan feker wariye waa mid ka turjuma waxa ka jira dhab ahaan adiga oo cadeymo muuqda soo raacinyaa sida muuqaalo sawiro xambaarsan iyo cutes oo ah qof aad wareystey hadalkiisa oo qaba qoyseen ku jira. Marka sheekooyinka ad soo qorto fadhigi ku dirir yuusan kaa noqon sxb Dadaalkaga halkiisa ka wad!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  21. osmaan says:

    waxaad aragteen la idinla arag iyo waliba wax yabo kale oo badan ee waxaan leenahay ceebtooda allaha asturo iyo teenaba illahayna ha soo hanuuniyi

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  22. ahmed naruuro says:

    sxb jimcaale aad buu u mahadsan yahay waxa uu ka hadlayna waa wax jira runtii marka la fiiriyo sida ay u dhaqmayaan ilmaha soomaalida inta ha ku dhashjeen ama wadankooda halaga keenaba taasi waxaa masuuliyadeeda leh waalidiinta halkaan waxaan talo yar aan ku siinayaa waalidiinta aan aniga ka mid ahay in aan ilmaheena aan ka war heyno habeen iyo maalin waxa uu ku sugan yahay hadii aad intaa sameyso wax badan oo qaldanaa ayaa hagaagaayo ilmahana wuu ogaanayaa in waalidkiisa uu kawarhaayo waxa uu ku sugan yahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. samawade141 says:

    AAD AYAAN UGA XUMAHAY IN DHALINTA SOMALIYED XAALKEED SIDAA KU DAMBEEYO WAANA WAX LAGA XUMAADO DHAB AHAANTII WAXAANSE UGU BAAQAYA INTA KA HARTAY INEY IS DABA QABTAAN OO AY KU DADAALAAN SIDEY WAX KUBARAN LAAHAYEEN WAAYOO WXAY AY JOOGAAN WADAN SHISHEEYE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. m.b says:

    aaaaaaaaaaaaaaaaaaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0