Maxaa kala haysta Somalida Gnosjö iyo SD [Video]

Soomaalida ku nool magaalada Gnosjö ee ku dhow Jönköping ayaa ku eedeeyay xisbiga cunsuriga ah ee Sverige Demokraterna in ay been ka faafiyeen Soomaalida. Xisbiga SD ayaa horey u sheegay in Soomaalida ku nool magaaladaas ay fasax ka qaataan waqtiyada iskuulka si ay salaada jimcaha u aadaan iyagoo intaas ku daray in Soomaalidu ay yihiin dad xanaaqsan oo dagaal ka soo horeeyo.

SD ayaa dacwad ka dhan ah Soomaalida ku sheegtay in ay yihiin Muslimiin dagaal ka soo horeeyo oo markasta qilaaf uu ka taaganyahay SFIga iyo waqtiyada salaadaha iyagoo intaas ku daray in amaanka ay qatar ku yihiin.

Balse hadalka SD ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay Soomaalida halkaas ku nool iyo maamulka iskuulka. “Ma nihin dad dagaal ka soo horeeyo, si wanaagsan ayaan u shaqeynaa dabeecadeena waa wanaagsantahay” ayuu Abdi Karim Mohamed oo degan magaaladas u sheegay Svt.

Hadalka ardada ayaa waxaa taageeray macalimiinta iyo maamulka iskuulka. “Ma ogi meesha SD ay warbixintaas ka keeneen. Wax dacwadaas ku saabsan ma maqal, haddii ay jirto waan maqli lahaa “ ayuu yiri maamulaha iskuulka Klas Boberg.

SD ayaa caadeystay been abuurka ka dhan ah Muslimiinta qaasatan Soomaalida, iyagoo meelkasta oo ay Sweden ka joogaan shaqo ka dhigta sidii ay daba gal ugu sameyn lahaayeen dabeecada iyo hawlaha Muslimiinta.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. Ali says:

    ASC :- Aniga waxan dhigtaa Skolka Gnosjö. Wallaahi Waa Arin Layaableh waxey ku hadleen Cunsuriyiinta iyo Iney nagu Been Abuurteen. ( Xasbunallaahu Wa nicmal Wa kiil ). wcs

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. mohamed says:

    waxa socda waa wax laga xumaado been abuurkan cunsuriga waana naceeb diinta muslinka ah balse beeni waa raad gaban tahay ee halagu dadaalo salaada wakhtigeeda

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  3. shaxshaxloow says:

    asc walaalayaal waan idiin salaamey waa yaab xisbigiin cunsuriga muxuu soomaalida beenta uga sheegaa mar walba walaalayaal kudadaala salaada waa nasteexo idinkana xaq dhowra dadka aad lanooshihiin sida ugu wanaagsan ula dhaqma wabilaaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. wadani says:

    walaalayaal xisbigaan waa iska cadyahay waxa uu lamaaganyahay soomaalida gaar ahaan umada muslimka guud ahaan, marka ilaah ayaa idinla jira kuwa hada laga sheekeeyey iyo inta kale ee wadankaan kunool salaadiina haka ragina salaada waa muhiim waa waxa kaliya ee lagu kala garto mu,minka iyo kaafirka, wsc

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. sanka xaaji says:

    Aqyareey waad aragtaan arinta mesha ay ku biyo shubaneso, ee waxaan idin shegayaa in cadowga so dhar dhigtay. marka nin walba saladiisa haku adkaado, umadaan aan la nolnahay na hala xushmeyo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  6. Maryan says:

    Waa ruun waa beenlooshin [******QAYBTA KALE EE FIKRADAAN WAA LA TIRAY- AFLAGAADO SHAQSI WAA KA MAMNUUC SOMALISKA.COM*******]

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. ali says:

    HALA ISKA CELIYO

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • ali says:

      WAXAAN DHIHI LAHAA HA LA IS ILAALIYA SABAB TOO AH WAXAANAHAY DADKA KALIYA OO JILCAN SIDAA DARTEED AYAA CID WALBA NOOSOOHAWEYSANEYSAA MARKA WAXAAN LEEYAHAY HA LA´IS ABAABULO HANA LEYSKA CELSHO
      BYE

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. lina ahamed says:

    muslima sunni

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. lina ahamed says:

    asc wrb walalahayga muslimka ahoow meel walba aad joogtaan ilaaliya slamnimadiin diintiina saladiina xijabkina mar walba waxaad ogaataaan dadka haday idin nacaan in uu ilaahay idinjelanayo noqda kuwa diinta daacad u ah kuna jihaada diintiina xaq ayaad uledihiin saladana waamida ugu muhiimsan qofka muslimka ah waxayna cadaynaysa muslinimadada rscw waxuu yiri mantaraka salaad fakhad kafar marka intaan ayaan idinku darsaday wcs

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1