Maxaa kala qabsaday Soomaalida iyo erayga “kintir”

Isbuucii hore waxaan qornay mowduuc ku saabsan qaliin lagu sameeyay haween horay loo guday, iyadoo aanan anigu isticmaalin eragay “kintir” oo si sax ah u sharaxaya goobta qaliinka lagu sameeyay balse wariyaasha idaacada Sweden ayaa isticmaalay eraygaas taasoo dhalisay dood kulul oo dhex martay qaar ka mid ah Soomaalida oo ka carooday isticmaalka erayga. Kenadid Mohammed oo ka tirsan idaacada Sweden ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in sababta ay raggu uga xumaadeen arintaan ay tahay in ay awooda leeyihiin.

Kenadiid ayaa iswaydiiyay sababta ay caadi u tahay in la isticmaalo erayga “buuryo” ama “xiniinyaha” marka laga hadlayo xubnaha ragga balse aysan caadi ahayn in la isticmaalo kintir marka dumarka laga hadlayo. Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb qaatay dooda ayaa idaacada u jeediyay in ay isticmaalaan erayo kale oo markii Soomaali ahaan loo fiiriyo aan ka turjumayn macnaha laga hadlayo. Hadalka Kenadiid ayaa ah mid muhiim ah, iyadoo isticmaalka erayada ay muhiim tahay in dadka qaar waxay rabaan isaga hadlaan, qaarna aan la dhihin ma isticmaali kartaan erayada qaarkood.

Anigu waxaan aaminsanahay in sababta Soomaalidu uga xumaanayaan erayga “kintir” aysan awood raggu leeyihiin ama diinta oo ay dhowrayaan balse ay tahay sababta markii horeba dumarka loo gudayay oo ah in “kintirku” uu yahay wax xun oo gabadha uu ku yaalo ay tahay mid aan nadiif ahayn? Sida buuryada??? Soomaali haddii aan nahay waa laysku caayaa kintirka iyo buuryad balse waa maxay sababta ay caadi u tahay in raggu maalinkasta ay afka ku hayaan Buuryo Buuryo iwm balse laga argagaxo marka la soo qaado kintir. LA YAAB!

Waan ogahay in qaar ka mid ah akhristayaasha ay dhihi doonaan ma haboona in saxaafadu isticmaasho erayadaan balse su’aasha ayaa ah maxaa diidaya in aan isticmaalno si aan kuu fahan siino mowduuca guntiisa? Isbuucii hore ayay ahayd markii qaar ka  mid ah akhristayaasheena ay iigu baaqeen in aanan isticmaalin erayga “habar” mar aan wax ka qoray mowduuc ku saabsan haweenay Swedish ah oo Soomaalida wax ka sheegtay.

Maxaad ku darsan lahayd adigu oo fikrad ah?

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

37 Responses

  1. moha says:

    Sxb sida caadi u ahayd ayaad wax maalaayacniya keentey war dadka wax dhisaya keen oo wadanka sida lola qabaan lahaa sida xuquuqaha asaasigsa lo radsan laha isbadal dalki lo sameynlahaa waxa aan u taageraya wadadii aad ku socotey iyo sida howsha u waday haka weecan sxb waxaa la yiraa likuli maqaal lahu majaal oo la.macna ah maqaal walibaa meel bu leyahay kan ma aha mid nagu habon waxaa kuleyl nagu hayaa waa xaquuqaha nalagu leyahy iyo taku ĺenahay dalkan aan martida u nahayw oo an kala garaneyn bro

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 1

    • Jimcale says:

      Moha mowduuc aan muhiim ahayn anigu ma soo qoro maadaama maalintii oo dhan aan hal mowduuc qoro. Marka midkaan waa muhiim, waayo waxaan aaminsahay inta Soomaalidu ay dhibsanayaan erayga kintir in aysan gudniinka ka dayn doonin gabdhaha. In aan si cad oo aan laalaab lahayn uga hadalno dhibaatada gudniinka ee xanuunka iyo cudurada badan ku abuuray gabdhaha ayuu ka midyahay mowduucaan.

      Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 10

  2. maxamud says:

    Marka hore jimcaale iyo akhristayaashuba waa salaaman tihiin magaca la dhaho buuryo,kintir iyo beejo waysku mid waana hal eray waxaase aniga ila fiicnaan lahayd in sheekadooda aan la buunbuunin ee la iska dhaafo maadaama meesha aan joogno aan gebdhihiiba la gudi karin oo ciddii guda la xiraayo.haddii laga fiirsho dhanka sharciga islaamka uu leeyahay waxoogaa yar ha laga taabto haddii la iskadhaafana fircowniga uusan sharciba ahayn oo baadil lagu sheegay.tan ah HABAR yaan la dhihin soomaalida waxay isticmaalaan lahjado kala duwan inkastoo afkeena uu u kalabaxo may iyomaxaa tiri misna WAXAA JIRA HABAR,GEBER.IYO GAROOB Geber waa qof cusub Garoobna waa qof soo dhaqantay habarna waxaa la dhihaa marka ay caado beesho,oo waxaa la yiri CEERYAAMO CAAD MA BIYEYSO NAAGUNA HADEY CIDA BEESHO CANUG LAGAMA HELI KARO oo macnaheedu tahay waa cajuuzun caqimun ceeryaamana waa taqaaniin saan filaayo oo marka la leeyahay caad ma biyeyso waa biyo lagamahelo sida roobka mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  3. Cabdi yare says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 12

  4. sawda says:

    Jimcaale walaal waan ku salaamay waxaan ku waydiinaya aniga dhibkayga kawayn mawduucan meesha ku yaale walaalo waxaan ahay gabadh faro lahayd markaa sweden dhexdeedan iska dhiibay labo jeer walaaley hada mudo waan fadhiya markaa wakhtiga aan ka bilaabanayo ma aqaano sanad iyo barka ma markii dambaan ka tirsadaa mise markii hore please iisoo kala sheeg adigoo mahadsan jazakallahu qayr

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  5. asraa says:

    wiixi muhem ah xishood malahan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  6. NAASIR RAGII HORE says:

    Eraygu hadii Uu cilmi ahaan loo darsaayo wax-dhib ah oo malaha lakiin hadii uu sheeko xariiro lagu keeno in la daboolo waa dhaqan Erayga Buuryo waa marka laga hadlaayo labada jinsi ee rag iyo dumar lakiin kani wuxuu khaas-u yahau dhadiga Marka saan soosheegnay haduj eraygu Ku yimaado Shay’looga hadlaayo Caafimaad’Diin Dahaaro’Barasho’Waa banaantahay In lafdiga la carabaabo ayadoo la ilaalinaayo dhaqanka iyo Anshaxa’Mida kale Raga iyo dumarka xaga eray ahaan ama sheegida waa isku mid maaha Tan dumarka inla’liido la hoos dhigo laga yaxyaxo’

    Soomaali waxa odhan lahaa aan wax’barano Marka nin ka dhahaaya Soomaali ayaa wax’Usheega waa dhibanyahay oo Gaalbaatahay Kintir baa ku gaalowday haday barkood ku dhihin Nasiib baad Qabtaa

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  7. sharey says:

    war arikaan wa mid loobahnaay inlaga wacya galiyo umada somaliayeed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Hooyo soomaaliyeed says:

    Asc war ilaahay kacabsada oo haweena cowradooda shaqo hakadhiganinana! teedakale Jimcaale iyo keenadiidba waa ayaga leh waxaaqortay warbaahin ama waa arin saxaafadeed. Hadii ay saxaafada reergalbeedka wax dhaqanka soomaaliyeed ceebku aha sooqorto mawaad kudayaneeysaan. anshaxa iyo diinta iyo akhlaaqda qofka muslimka waa kuceeb in uu waxuudoono sooqoro. tanlabaad gaaladaan ma,anagaa udacwoonay oo waanalagudaa niri? waa edebdarro iyo xadgudub in qowmiyadjirta dhaqankeeda lagusooxadgudbo anigu saan u,arko. waanala wadaguday waxdacwo ahna kamaqabno. waaridku asagaa ilamhiisa xor u,ah.
    ee anshaxa ilaaliya hadaad warbaahinta af-soomaaliga ku hadasha tihiin.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 2

  9. nuur says:

    asc dhamaan waa idiin salaamay marka hore waxey ila tahay in wax laka faido ayaa fcn ereygaas waxa dadka u didaya waa xishood waayo dad waliba dhaqan ayuu leyahay marka markii wadanki la jogay buryo in la sheegaa ceeb loma arki jirin lkn in gabar wax laga sheego dhqan somalida ceeb ayey ku tahay ee sidaa ayey ila muqataa aniga ra,yigeyga gaaban hadii aan wax qaldayna iga raali ahaada

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  10. muudeey says:

    reer xamarkeena kintirka iyo maroorka waxweyn loma arko……

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. Dalnuurshe says:

    Dhamaan dad weynaha shafarta leh Asc wr wb….Mahad eebe midda labaad Mulkiilaha ama wariyaheena maamuusta iyo qadarinta muddan Jimcaale salaan sharaf….Waxaan ku darsan lahaa…..Kalmada baar oo ah uun caaro ama fiiq yar oo ka soo hadha walax ama shey….Waa baaro. Baaaro iyo buuryo ma ahan isku mid Buuryadu waxay ku taala xubinta raga…..Baaraduna waxay ka dhaxaysa rag iyo dumur…..Kintir waxuu khaas u yahay haweenka…..Guud ahaan hadii la rabo ama uu wiilku ka xishoodo ama gabadha lafteedu ay ka xishoonayso markay rabaan inay dhahaan gabartii baan kintirka ka jarnay…waxaa ay adeegsan karaan kalmada baaro…wiilkii ama gabadhii aya baarada laga jaray…Dhanka kale waxaa ii cad in soomalidu ay ceeb u arkaan in gabdha waxa ku yaala la sheego…kintir waa kintir waana xubin mihiim…waxana idinka codsanayaa in aan dumarka la gudin….gudniinku waa dhaqan xun oo waxashnimo leh…..sheegida magaca xubnaha qarsoona qofba waxii la daboolan ha ugu yeedho….sidda caadh oo ka qurux badan ama ka asuran adeegsiga kalmado kale…asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Ali says:

    Wixii wax laysugu shegayo wa mihim inaa si CAD loo qeexo oo logga hadlo hadii kale yaa fahmaya waxa laga hadlayo wa sax eraygaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  13. cadceed says:

    Sawda.
    Waxaa ka bilabeysa markii danbe hadanan lugu celin ee ad ka dhuumatay waxa ka bilabaneysa markii danbe 16 bilood ayaadna dhumaneysa kadibna waad ia dhiibi karta kadibna qeer beey ku dhamaneysa insha allah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  14. sawda says:

    Cadceed walaal jazakallahu khayr layma celin waa ka dhuntay walaal ma 16 bilod kaliya tirsadaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Maryan says:

    Asc sawda dhibkas aya ana i heesta hada 8 bil aya maraaya tirsashada dhuumashana ku jooga illah hanagu guuleyo markan Insha Allah Norway ayana fara ku leyahay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  16. sawda says:

    Maryan walaal ilaahay qeyr haynaga dhigo iyo inta dhiban anigaa faro safaradedba laha walaahi waadhib ilaahay ban faraj kasugayna

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  17. Zacki Abdi says:

    Hi Sawda Maalintaad isdhiibtay ayay kaaga bilaabanaysaa wll.
    Ta kale qolyahiinan Sheekadii maanta ma waxay dhaafi wayday kintir kkkkkkk yaab.com
    Wax kalena waan idinka sugaynaa ….!!!!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. maxamud says:

    Codsi talo Aniga diidmo ayey i siiyeen laakiin meel aan sweden ahayn fara kuma lihi.talo ayaa iga xumaatay in kastoo wax walba qoraal yihin waxaan watay dokomenti sax laakiin qof aan waxba i dhaamin ayaa igu yiri iska qari haddii laguugu arko waa lagu celinaa waana iska qariyay.markii la i diiday kadibna waa ka baqay in aan la tago laanta socdaalka.haddaba walaalaha somalida oo uu ugu horeeyo Jimcaale waxaan idinka rabaa talo sax ah talo waa ta alee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  19. gabaldaye says:

    dodaha kulul eeh dalka kaa socda , diniyaan , bulsho , xaqa ibna adami , aya somali hoos loo dhigay , bal firi waxa u ka dodayo , sakhraanka , wixi sakharan ah oo cimigu ku gaaban yahay ayey so fadhisiyan melwalba o somali mataal lagu dhaha tufu calayk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Amin says:

    ASWW. bacda salaan aniga ogaantay faraha waxa la tirsadaa sanad iyo bar ama 18 bilood oo ka bilaabanta malintii aad heshay goaankii ugu danbeeyay ee imigrationka ka yimaada, waxa jirtay haweenay looyarad ah oo arimahaa dadka ka caawinjirtay oo Stockholm xafiiskeedu ahaa oo dadka u sheegi jirtay maalinta ay mudadaasi kuugu dhantahay lakiin hada mahayo telkeedii waxanse filayaa in aad somalida ka helikartaan taasi waa warbixin aan siinayo gabdhihii walalaha ahaa ee warkaas raadinayay. hadii aan galo mawduuca kale, somalidu waxay tiraahdaa dumaal nin ka xishooday kama ilmo dhalo taas waxa la micno ah gudniinka halaga hadlo kintirna yaan la hadalqaadin. ma garanayo wax lagu diido in laga hadlo maadama la rabo in wax lagu saxo oo gabdhaha dhibta laga daayo waayo waa meshii dhibtu ku dhacaysay.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  21. Wardoon says:

    Ascwrb sxb jimcaale waxaan ku weydiinayaa adigoo mahadsan meeshii aad u samayseen suaal iyo jawaab kuma arko bejka ee ma ka saarteen midaas iiga soo jawaab fadlan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  22. sawda says:

    Zacki abdi iyo Amin jazakallahu khayr walaal waad mahadsantiin Amin walaal haweenaydas dadka ka caawinjirtay tirada ma aqaano khayrbay noqon

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  23. filis says:

    Somali wax kasto ceeb ayey ka dhigtan. Wax ceeb ka darana camal ayey u tahy

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  24. happy says:

    waxa uu usocday waan dareemayey waa kalimada ah ragga iyo dumarka kula sina dhaqanka Somalida waxaad moodaa min dagaal ugu jiro inuu Simon ragga iyo dumarka kalimmada doodeeda dhibmalahan laakinmarkuu leeyahaydumarka laliidaa micnaha waxuu usocda inuu dhaho sådan dimuquraadi ayaan joognaa waa in lasimmaa dumarka iyo ragga maskin wax cusub ma ahan dullinimo ayaa u dambeysa barnsamijkane waxaa KAdambeysa ula jeedo gaalo iyo gaalo raac

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. abdulqadir says:

    Walaalaha somaliyeed waxaaa jira wax in laga hadlaa aysan islaamka xaaraan ku ahayn laakin in siqurxoon looga hadlo ay muhiimtahay marka sida galmada marka dhaqtarka aad utagto asagoo kubaarayo in uu kudhaho naagtaada xalaya ma ugalmootay iyo inuu kudhaho naagtaada xalay mawastay isku mid ma ahan adoo adoo hooyadaa dhaqtar uwaday turjumaana u ah kawaran hadii lagu dhaho weydii goormaa galmo ugu dambaysay
    mawaxaad dhihileheed hooyo waxaa uu leeyahay gooraa ugu dambaysay oo ay utagtay nin keeda ama aylaseexatay wase wsxaad isticmalee ugu dambaysay wasmo
    jimcaale iyo keenidiin
    afkiinu maqabtaa in aad hooyooyinkiib ama walaalihiin gabdho ah u isticmaashaan kalimadda nin kaaga wasmo malasamaysay mase waxaad u isticmaali laheedeen malaseexatay ama ma utagtay asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. Mohammed says:

    Aniga waxay ilatahay marka horeba yaa mas uul ka ah afsoomaaliga jaan goontiisa mise jirtaa wax akadeemiyad ah oo xukumikarta ? jawaabto waa maya, marka haday sidaastahay ninwaliba waxa uu u arko afsoomaali ha qoro isaga oo dadaalaya .Wadinkaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. Amoore says:

    magacu wax dhiba malahan lakiin hadii hooyo somaliyeed oo wadankaan joogta gabdheeda waydiiso su,aal u dhacaysa sidaan hooyo ma ku gudaa? jawaabtu waa MAYA.. hooyo kintirka makaa jaraa? jawaabtu waa HAA, lakiin macnaha ayaa kala duwan mana adeegsato inta badan ereyadaas hooyadu,, suxufina inuu adeegsado way dhacday maxaa laga qaban karaa qurbahaa keenaye sida aan dhaqan ahaan u leenahayna hooyada ayaa gabdha la xijayaa amuurhaas oo dhana iska leh, fadlan qoraagu qalad maleh lakiin afsoomaliga ayaa ku yar iyo sida loo adeegsado waad mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  28. munooz says:

    hhhhhhh ii wada sheekada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  29. mohamed says:

    sawda walaal waxeey kaaga bilaawayaan mida 2 waad is dhiibitaanka lawaad yacni ayaad tirsaneeysaa mida hore waxba kama jiraan sida hada asxaab aan aqaano lagu siiyay sharciga ooy ii sheegeen iyaga ….. allaha kaaga sahlo adigana….

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  30. sawda says:

    Mohamed waad mahadsanty walaalo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  31. Mohamed says:

    Sowda inkastoo su’aasha aad weydiisay jimcaale hadane haddii aan aniga ku jawaabo. Qofka faro leh marka wuxuu tirsanayaa waqtigii ugu danbeysay ee lacagta laga jartay. Micanaha lacagta la qaato qofka marka uu sugaayo sharciga. marka nasiib wacan ayaan ku leeyahay Ilaahna haku fududeeyo adiga iyo asxaabta kale oo sharciga xagiisa dhibka ka heysto.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  32. Ali says:

    waan idiin salaamey salaan kadib anaga soomali ahaan
    dhagan ayaan leenahay dhqankana wixii dhagama lale wixii wanaagsan
    waa laqaataa wixii aan ku anfaceyn waa la iska daaya
    intaan soo barbaarey cidaacad waan dhegeysan jirey joornaal waan akhrin
    jirey TV waan daawan jirey kelmedaan oo kale weli ma maqal waa ii kow

    somalida waxay leedahay waxay tiraahda beena hasheegin runa hasheegin
    waxaad sheegtana ha waayin laakiin layaab malaha waa tabartooda dhinaca
    af soomaliga iyo aqoonta dhaqanka ay u leeyihiin kelmadaan dad badan ayaa
    diidan famil wada fadhiya ayaa dhegeysanaayey hooyo aabo iyo caruurtooda
    waa lakala ordey sidii iyagoo iyagoo qof qaawan oo aktooda lasoo istaajiyey

    aadbaan u dheystaa idaacada sverige radio

    waad mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  33. jama says:

    maryan maxaa kugu kalifay inaad dhuuumato hadaad hesho nin wanaagsan oo ehelu sharaf ah ma guursanaysaa wall

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  34. Ahmed says:

    waryaada gaaladan yay idin haleenin , qof kasto wuu yaqaan doqomo ha noqonina , shaydamadan yay idin haleenin laakin si fiican ula dhaqmo sida u aragtaana u sheega

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. axmed hanad says:

    sawda walaal aniga so maray marxalada had ad ku sugantahay sona tirsaday ilahayna igu guleyay dhawan aya helay sharciga marka waa marka labad aya ka bilabanaysa tirsiguna waa 18 bilood mha 16 bilood mia kle waxa jirta waraq la dirsado oo ad u dirsanayso qolada imgrashink o ku so jawabaya wig ama laba wig gudahood adresna waxa ka dhigaaysa halka ad ku noshahay mahe meel kale guri kale aya ka wada iyagana ku s shegaya malintay kaga bilabantay iyo malnta ay kaga eegtahay marka sadex cisho ma wig dhafi insh alh mudadad saxda ah ee ay ku so shegan walawanigu aan tagay malinti ay iso shegen malinta ku xigtay ilahayna ha ku fududeyo adiga iyo wixi muslim ahba

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  36. sawda says:

    Axmed hanad walaal jazakallahu khayr waraaqda sidee loo dirsanayaa emelkada ma isoo qori kartaa si aan kuu waydiiyo arintan aamin ilaahay dhibka haynaga qaado

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0