Wiil 23 jir oo Somali ah ee la xiray isbuucaan ayaa maxkamada Göteborg amartay in xabsiga lagu sii hayo. Wiilkan oo Somali ah ayaa lagu heystaa in uu qorsheynayay in uu geysto falal argagixiso. Wiilka hooyadiis ayaa wargeyska ka soo baxa Göteborg u sheegtay in wiilkeeda uu Somalia ku maqnaa mudo 1 sano ah isaga, xaaskiisa iyo ilmo uu dhalay. Wiilkaan ayaa la xiray maalintii talaadada oo wali xiran. Hay'ada Amniga ee Sweden ayaa soo bandhigtay 10 bilood ka hor in dhowr qof oo haysta dhalashada Sweden ay ku jiraan xeryo tababar ee ku yaala Somaliya. "Dhowr qof oo haysta dhalashada Sweden ayaa sidoo kale ku dhintay dagaalada Somaliya". Dadka dhalashada Sweden haysta ee Somaliya ku maqan ayaa lagu tirayaa in ay ka mid yihiin ururka Al-shabaab sida ay sheegtay Hay'ada Amniga Sweden. Waxaa qoray The Local.

Maxkamad amartay in wiil Somali ah xabsiga Göteborg lagu sii hayo.

Wiil 23 jir oo Somali ah ee la xiray isbuucaan ayaa maxkamada Göteborg amartay in xabsiga lagu sii hayo. Wiilkan oo Somali ah ayaa lagu heystaa in uu qorsheynayay in uu geysto falal argagixiso.

Wiilka hooyadiis ayaa wargeyska ka soo baxa Göteborg u sheegtay in wiilkeeda uu Somalia ku maqnaa mudo 1 sano ah isaga, xaaskiisa iyo ilmo uu dhalay. Wiilkaan ayaa la xiray maalintii talaadada oo wali xiran.

Hay’ada Amniga ee Sweden ayaa soo bandhigtay 10 bilood ka hor in dhowr qof oo haysta dhalashada Sweden ay ku jiraan xeryo tababar ee ku yaala Somaliya. “Dhowr qof oo haysta dhalashada Sweden ayaa sidoo kale ku dhintay dagaalada Somaliya”.

Dadka dhalashada Sweden haysta ee Somaliya ku maqan ayaa lagu tirayaa in ay ka mid yihiin ururka Al-shabaab sida ay sheegtay Hay’ada Amniga Sweden.

Waxaa qoray The Local.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...