Maxkamada Sare ee Socdaalka oo aqbashay in ay baarto kiiska mideynta qoysaska Soomaaldia

Maxkamada sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa aqbashay in ay dib u eegto kiiska qoys Soomaali ah oo horay migrationsverket-diidmo loo siiyay. Maxkamada Sare ee Socdaalka ayaan inta badan baaritaan ku samayn kiisaska balse markii loo baahdo in sharci cusub la soo saaro ama ay u aragto in go’aanada maxkamada hoose uu qaladyahay ayay badanaa baaritaan ku sameeyaan kiiska hal qof iwm.

Kiiska qoyskaan Soomaalida ah oo horay diidmo loo siiyay ka dib markii lagu yiri maydan wada noolayn 2 sano ayaa hada waxaa dib u eegis ku samaynaya Maxkamada Sare taasoo la filayo in ay go’aan ka soo saarto arintaan bilowga ama bartamaha sanadka soo socda. Go’aanka maxkamada Sare ayaa noqonaya mid saamayn weyn ku yeelanaya dhamaan qoysaska lagu xiray shuruuda ah in ay horay u wada noolaayeen.

Haddii maxkamada sare ay go’aamiso in reerkaan la siiyo deganaansho ayay sidoo kale wadada u furaysaa in dadka ku kiiska iyagana nidaamkaas la raaciyo. Haddii ay diidmo soo saarto ayay sidaas la midtahay.

Hadaba wixii go’aan ah oo ay soo saarto Migrationsöverdomstolen ayaan halkaan ku soo daabici doonaa Insha Allah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

45 Responses

  1. Ahmed cabdi says:

    asc walaal waad mahad san tahay waxaad iiga warantaa dadaka aan wax isku dhalin lakiin xaas ah intee wax maraayaan walaal adi goo mahad san jawaan isoo sii walaal mahad sanid

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. mowliid says:

    asc jimcaale aad baad u mahadsan tahay walaal hadaan nahay 2sano baryahanba war baan raadinaynay shalay migrationka wacay waxay igu dhaheen arinkan 2sano maxkamada ayaa awood u leh inay wax ka badasho warar kalena waan maqlay oo la yidhi bisha koobaad sanadkan ayaa wax la badalaya marka awaan sugaynaa insha alaah war khar leh ilaahay ha ka keeno wixii cusub aan isla socodsiino

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  3. salmaan yare says:

    dadka singalkana hakuso darano waxii warka haayo dadka singalka noso gudbiya

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  4. heeliyo says:

    Dhamaan dadka akhbaaraadka haya soo daadiya si aynu u kala faaiidaysano arinta 2 sano ah

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 3

  5. heeliyo says:

    iyo Singlekaba

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  6. barqad maxamed says:

    si aan u ogaano tiradeena imisa qof ayaa ah sharciga 2-da sano

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. Abdi says:

    Maanta war fiican ayaa la soo qoray. Asxaabta 2 sano insha allah kheerka woo imaana haba soo raageey. laakin hada maxaa hoowlo socda dad ma jiraan la aqbalay mise xitaa raja leh. mise waxeey noqaneey ilaa sanadka soo socda in la sugo. ninkii war fiican haaya ha soo qora asxaabey. noo bishaareey sida maanta jimcaaley noooga farxiyay camal. wcs

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. layla says:

    Wax san allaha ka keeno wey nagu daahsheen muddo bey dadka iska daba wareejinaayen allaha nooga dhigo go.aanka ey gaaraayan mid khayr noogu jirrro.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. asia isse says:

    walal miyay ku jirtaa hada wadanka ku wada nool midayn toodu
    ee u baahan dagenaasha wadanka?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. cabdi casiis says:

    asc salaan kadib waxaa fiican inuu hadalku run ahaado eeysan ahaanin aqristayaasha kusoo jiita arinta labada sano ah wax war kahaaya ama ka sheegaa in laga qaaadaa maanan maqal mana aragba ilaa waqtigii labilaabay diidmada dadka somaliska ayaa waxaan naf laheeyn oo natiijo laheeyn ka aqriyaa bas ani ahaanteeyda waxaan aamin sanahay inuu waqtiga ale dhimanyahay waqtigii nagala qaadi lahaa 2 sano waad aragtaan dadka ilmaha lahaa maanta seey yihiin seey ahaayeen sanad iyo bilal kahor maantana anaga ayeey nagu jiiftaa waaxse su aal iga ah shalay markii uu dhibka haaystay somalida dhan waan muda haraadeeynay maanta markuu dhibka kusoo haray dadka 2da sana ah maxaa loo muduharaadi waayay maxeeyse u caawin waayeeyn kuwa ilamaha loo keenay dadka 2 sano haaysato maadaama shalay aan wada aheeyn dad dhibanayaal ??? aaway dadkii u ololeeyn jiray mudaharaadka ?

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 3

  11. heeliyo says:

    Cabdi casiis anaa taas kaaga jawaabaya, dadka hawlahoodu usoo dhamaadeen iyo dhamaan somalidu waa dad xaasidiin ah oo ilaahay uu ogyahay xaalkooda, waxayba kuu diidanyihiin kuwa helay caruurtoodu in aad adna hesho waxay ka helayaan ma aqaano, anigu dabeecadooda ayaan garnayaa adna miskiin ayaad tahay oo waxaad ku leedahay may nala udaharaadaan waar kuwaas ha tirsan ee inta hada dhibku haysato uun ururso ee danta leh oo wax qabad samee halkan uun haka ooyinee aa idin sidee wabilaahi tawfiiq

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  12. seytuni says:

    asc dhamaan asxaabta sidi kheyrka ku jiro ilaahay hana waafajiyo xaasidnimana ma jirtee walaal qofkasta wuxuu helayaa wixi allaah swt u qoray culayskana fudayd ayaa xigi doona insha allaah samirka aynu kaashanno wallaahu aclam

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  13. jessbile says:

    asc asxaabta wa idin salamey dhamaan tiin hadal aad baan u dhiba nahay oo dadkii somaliada aan shey iku dhibka aheen manta marka loo keney xaskoodi iyo ciyaal koodi wey naga sexdeen marka ilahay baa nomaqan mar walibo oo raxmaad ka sgeynaa aniga xaskeyga waa ley diidey oo waxbo kuma dhalin cml maka sharuuda xataa 2 labada sano leyma shegiin maka waa wada dhiba nahaye fadhiga aan ka kac no oo an umujinaa dadkaan inaa dhiba nahay anaga oo xaquudeyni lagu tuuntey qabaraadkana noo soo guud biya maahaad sanidiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. sc waad wada salaaman tihiin walaaha webka oo dhan aniga waxaan ka mid ahay dadka diidmada losoo tuuray waxaanna deganahay tuulo ay soomaalidoo dhan meesha degan yihiin aan gaareyno 12qof hadaan dhaho waan mudaaharaadeynaa waxaan hubaa inaan aniga kaligeey mudaaharaadaayo marka walaalaha nala dhibka ah ee magaalooyinka degan ha is wada balansadaan oo wax ha qabtaan dhaqaaq ah si uu joornaalkane wax uugu qoro codkeenana u gaaro mas’uuliinta ileen inta lee hadaan ka qeelino oo qof walba cawaadkiisa soo qoro qof na og maleh dhibkeenana anaga lee uu nagu egyahay oo qofba nama oga reer laba sano iyo reer sigelba sc wabilaahi tawfiiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Amina says:

    Asc dhaman asxabta Iyo jimcale dhamantii walalyaal arintu waa run waxa noosoo shegtay lena, marka ilaah khyr haka dhigo ilaah rajadisa kama qusaneyno insha Allah ilaah haynoga soqado wlalal dadka 2 sano waa runta qof keliya wax maqabankaro waxanka codsanaya dadka degan Stockholm iyo agteda wataa inoo bilabata marka waa innan waxena soo bandhignaa cidkasta oo wax inoo qabaneysa waa inaaan soo hordhignaa dhibkena insha Allah siyasiyiin iyo wax kasta waa inaaan lakulanaaaa marka kasoo qaybgala shirka kadhacaya Stockholm 28-oktober 20013 insha Allah yaan lamogaan kl waa 13.30 ilaaliya wakhtiga siyasigu waxa uu kasocdaa partiet, moderaterna och familjeåterförening kusoo dhowaada dhibkinashegta waad mahadasantihiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. sahroo says:

    soomaliyee alla ayaa idin maqan noowadana maqan qof walba meel ayaa laka heesta aduunkana ma dhamestirmo sidiisaba hadii dadka leesku kenayey ladiidey markii horena soo hiiksanay meshaan aan filaneney in aan nolol ku qadano hadana noloshaas nooma dhamestirno oo bar ayaa nahay ee naxariista allla lakama quustee wadankena alla nabad hanooku dhiko qalbiyada aan isku furno aqyareey qaar ilmihii aya loo diidanyahay qaarna wa singalka loma kenoyo oo snadwalba we sii safraan qaarna meshaan ayeba dhibato ku hestaaa oo xitaa mahestan wax sharci ah ooba xita iskul ama shaqa waxba mahelan dadkaas wax kadaran malahan qaar ayaa laka maqan yahay manta wax ee ku labtan mahestan oo qarash badan aye kusoo dhiben meshan imatankeda allooow amuuraha sahal oo dhibatada naka qaad ya allaaaaaaaaaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. asc walaalayaal salan kadib ilaahey hanooga soqado aniga waxaan qabaa su.aal qofkii warka haayo ha.iiga jawaabo fadlan laba sano ku dhawaad ayaan yurub ku dhex maqnaa oo karkii sharciga leysii yay ayaan iska baxay sedax bil kabadan waxba kama qaadan oo waa iska baxay ee hadii an imaad maxaa isle dihiin yaa arkay dad sidaas ah igu biiri fikirkaaga walaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. sahroo says:

    saalim walaalke kuma fahmin adoo sharcikii laku siiyey maad iska baxday ama faro ayaad ledahay oo intaat dhikatay ayad iska baxday oo laba sano kadib mad ku solabanesa iii kala sheeg

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. sahro walashey sharcigi ayaa leysiiyay asan walalahey oo yurub qeybka joogo iskala joogay sharciga kadib sadex bil kabadan kamaqaadan ceyr iyo lacag iskool waan maqanahay sidii walal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  20. bardheere says:

    asc akhyarta salaan kadin aniga waxaa ka mid ahay dadka labada sano waxana wali ka sugayaa jawaab migrationsverketka waxey idhaheyn xasga ayaa warqad u direnaa tasoo ah in caruurta bas lagu keno dad ilamid ah hadey jiran waxii akhbar ah ha isoo gudbiyan mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. nuur says:

    asc bardheere walaal dadka 2sano ayaan ku jiraa arinkaasi aniga ayuu igu dhacay sideen kula so xidhiidha emailkaaga soo qor si telephonekayga aan kugu soo diro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Asma says:

    waan idin salaame dhamaan dadka 2da sano singelka sharci sugaysha dhamaan. umuuraha ILAAH ha sahlo INA MACAL CUSRI YUSRAA. culeeska fudeed ayaa ku xiga, lkn dhibatada aniga wexey ila tahay dadka qof walbe danteeda bas ayeey fiirsanoysaa shale hadaa u banaanbaxden somlinimo ee 2sano leeydinku reebay maanta singelka ayaa iyagane ilmo ma heestaan looga tagaa, lkn ILAAH ayaa wax dhiiba waxne diida Gaal wax ma dhiibi karo.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  23. wax soomaali layiraahdo majiro ee yaan lees daalin qof walba dantiisa ayuu fiirina waayo aniga su.aal ayaan weydiiyay dadka walalaha ah mana leyga jawaabin waayo qof bey gooni utahay awgeed oo mawduuca an rabno kamit maah awgeet saaxiibayaal illaa qofba qofka kale xushmeeyo fiirsho kanaxo dhibka heesto qofka kale lesfahmi maayo dhibkana waajira iska daaya xasidnimoda hana lesku faaideyo kadib wales maqla adoon xushmeen walalka sow kuu xushmeyna seele sugu dubnana

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  24. yariisow says:

    asw walaalyaal dhamaantiin waad wada mahad san tihiin somaliskana aadbuu umahadsanyahay sida sharafta leh ee shacabka uu ugu shaqeeynaayo waxaan kamid ahay dadaka labada sano diidmaan haystaa ah 2sano meeydaan wada nooleeyn somaliya iskumeeydaan qabin cadeeyn mahaysatid somalinimadaad cadeeynaaya su aashu waxay tahay hadaan ku xareeyo baastaboor somali ah maxaa iman kara ? tan rabina waa meesheeda oo markii hore aa tiri maheli karo cadeeyn idinkoo mahadsan bal jaawbtiina sugaa akhyaareey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. layla says:

    Salaan qaali ah wallaalaha meesha fikirkooda kadhiibanaayaan. Bacdi soomaalidda waa is caawissaa oo dad is caaqiyo soomaalibaa loogu imaadaa. Markay noqoto arinta 2 sanno anagoo dhanbey naheeaataa sheekaddaana jcaale iskama soo qorin mana ahan jcaale hanlägare migrationsverketka ah wixii uu maqluu soo gudbiyaa waxaa habeen sadaxaad massege iisoo dirtey lenna rossel arintaana ku saabsan mana uu soo qorin markaas jimcaale waxaan leeyahay walaalkey tack. Walakey saalim waxaan ogaa waagan sharciga qaatey oo naloo sharaxay mudada wadankaan hadaan kamaqnaano naloogala noqonkaro sharciga waana muddo sanad ah. Marka hadaad weyso jawaab ku qanciso waxaan kugula talinaaya karaadi megaretionsverkatka webkiisa ama laxiriir saasa ku helaysaa jawaabtaada. Waa mahadsantahay. Midda mudaharaadka waxaan aragnaa in sverige albaabada xiratey ahadey intey ogolaadeen dadka wax isku dhaley haddana qaar dadkii kamid ah udiidayaan waa wax lala yaabo maxaansse kamudaharaadnaa yaanse umudaharaadna mucaaradkooda iyo muxafadkoda waa isku raaceen waana arin siyaasad quseeso. Illah haloo ashtakoodo isagaa arimaha fududenayee.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  26. MAHADSANID LAYLA WALAL FIKIR FIICAN WAAYE MARKALE MAHADSANID CIDII WAR KALE HAAYSO SOODAA WALALAYAAL

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. yusuf hasaan says:

    scw walal aniga oo ah dhibane u na dhiban fikirkaaga oo ku saabsan arimaha socdaalkga xaas ayaan soo aroosay 2011 ka ilaa iyo hadane ma rajiisgareeysan sabab too ah waxaa i hortaagan 2sano ma wada nooleydeyn hada adiga oo aad iyo aad u umahadsan ma waxaa ilee dahay rajo ayaa jirto ee is rajiisgarey xataa xaas keeyga 1 caruur ah ayeey ii dhashay aad iyo aad ayaad umahad san tahay daa dihiyaha bar naamijkaan tack så myket

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. barqad maxamed says:

    Migrationsverket oo Soomaalida is-dalbata aqoonsi weli ku xujeysa
    La daabacay: kl 14:25 , Somaliska — Somali
    Nu kan många syrier kryssa i rutan för att få permanent upphållstillstånd. Foto: Filip Hannu / Sveriges Radio. Sawirle: Filip Hannu / Sveriges Radio.

    Sharuuda laanta socdaalka ee ah in ruuxa la yimaado aqoonsi ayaa wili caqabad ku ah in qoysaska ay dib ugu midoobaan Iswiidhen, ayada oo weliba jirto go’aan ka soo baxey maxkmada sare ee socdaalka 2012 oo oranaya in baaritan lagu sameeyo dhacaanka DNA si loogu sahlo sharuudas qoysaska caruurleyda ah.
    Sharuda laanta socdaalk ee aqonsiga

    Balse waxaa jira qoysas badan oo banaanka ka ah sharuud sahlinta kuwaas oo ay kamid yahiin lamaanaha aan caruurta isku laheyn iyo kuwo inta ay isla deganaayeen dalka dibadiisa ay ka yar tahay labo sanno, xataa hadii ay caruur isku leeyahiin. Amina Ahmed Mahmud waxey ku nooshahey degmada Södertälje waxaana heysataa gabar labo sanno jir ah. Ninkeeda waxuu ku noolyahey Addis Ababa dalka Etoobiya. Dalabkiisa ah in uu kula midoobo reerkiisa halkan Iswiidhen dhowr goor ayaa laga siiyey diidmo.

    2011 go’aan maxkamdeed oo ka soo baxey maxkmada laanta socdaalka ayaa sharuud ka dhigey in ruuxa shisheeyaha ah ee doonaya la midoobo qaraabadiisa ku nool Iswiidhen in la yimaado cadeynta aqoonsi oo la aqoonsan yahay. Taas waxey caqabad ku noqotey qoysaska soomaalida ah ee ku nool Iswiidhen in ay halkaan kula midoobaan qaraabdood ay ku soo kalo carareen dagaalada ka socona dhulkooda hooye. Balse 2012 ayaa waxuu go’aan kale ka soo baxey maxmada sare ee laanta socdaalka kaas oo oranaya in loo sahlo sharuuda aqoonsiga qoysaska dalka dibadiisa isla soo noolaan jirey oo caruurta isleh iyada oo loo marayo qaadista dhacaanka DNA. Go’aan kaasi waxuu dhabo u furey in qoysas badan oo kale maqnaa ay Iswiidhen ugu midoobaan. Balse waxaa jira qoysas go’aankas maxkmada sare ee socdaalka ka reeban. Qoysaskas waxaa kamid ah lamaanaha dalka dibadiisa iskula noolaan jirey balse aan caruur isku dhalin iyo lamaanaha ay ka yar tahay inta ay iskula noolaayen dalka dibadiisa labo sanno.

    Tirada sannadkan

    Sida ay muuijnesyo tirokoob aan ka helney laanta socdaal, sannadkan keliya 2013 waxaan soo dalbadey in ay qaraabadooda la midoobaan 572 iskugu jira qaan gaar iyo caruurtood oo ah qoysaska aan waqti dheer isku qabin dalka dibadiisa . Tiradaas oo dhamaantood ah dadyow asal ahaan ka soo jeeda Soomaalia. Tiradas boqolkii 16 keliya ayaa heley ogalaanshaha in halkan yimaadan oo qaraabdooda la midoobaan halka boqolkii 45 la siiyey go’aan diidmo ah.

    Teresa Kalbjörn waa xeel-dheere ka howl-gasha laanta socdaalka ee Migrationsverket.

    – Waxaan leenahey sharuud ah in ruuxa la yimaad cadeyn aqoonsi oo ah sharuud adag haddii ruuxa doonayo in uu halkan kula midoobo xigtadiisa. Go’aankan waxuu ka soo baxey maxkmada sare ee socdaalka. Marka qaar kamid ah dadyowga ma cadeyn karaan aqoonsigooda. Umana suurtogal ah in ay ka faa’ideystaan go’aankii ugu danbeeyey ee ka soo baxey maxkmada sare ee socdaalka ee sharuud sahlida ee dna. Taas micnaheeda waxa weeye in aysan u suurtoobeynin in ay Iswiidhen dib ugula midoobaan reerkooda.

    Sharciga waa in wax laga bedelaa

    Lena Rosel waxey ka howl-gashaa social missionen oo qayb kamid ah kiiniisada Iswiidhen. Mudo 34 sanno ah ayey ka shaqeyneysey arimaha socdaalka iyo qaxootiga. Iminka waxey u xil saran tahay arimaha mdieynta qaraabada. Waxeyna ii sheegtey in dadka ay uusan go’aanka Dna ee maxkmada socdaalka taabaneynin ay yahiin kuwo aad u badan gaar ahaan kuwooda dalka dibadiisa iskula noolaa wax ka yar labo sanno laakiin isku leh caruur.

    – Waa koox aad u badan, aniga waxaan xiriir la yeeshey qaar badan oo kamid ah kooxdan. Waxaana ku jira kuwo heysta hal ama labo caruur ah. Rikord waxa weeye nin degan Talyaniga oo sharci ku leh halkas, xaskiisana waxey joogtaa Iswiidhen waxeyna sugayaan cunugoodii afaraad. Taas dabcan waa in xal loo helaa sida tan wax kuma sii socon karaan. Laakiin sida hada muuqata xaaladood waa mugdi waayo suurtogal umaha maanta in helaan ogalaansho ah dib ula midow xigtaooda. Ayey tiri. Lena ayaan weydiiyey sida lagu xalin karo cida ay tahay in ay xaliso?

    – Waa su’aal sharci dejineed. Si kale oo lagu xalin karo hada ma jirto ayey tiri.

    Sidoo kale Teresa Kalbjörn xeel dheere ka tirsan Migrationsverket ayaa qabta in arintan lagu xalin karo labo waji. Midka koobaad in maxkmada sare ee socdaalka soo saarto go’aan maxkamadeed oo oranaya wax kale oo ka gedisan laban go’aan maxkamadeed ee aan ka hadleyney. Maadaama ay ayaga go’aanka iyo sharaxaada siiyaan maxkmadaha iyo laanta socdaalka sida ay tahay in aan u fahano arintan. Fursada kale waxa weeye dabcan haddii maxkamada sare ee socdaalka keni weyndo go’aan kale iyo fasiraad kale in sharci dejiyaasha gacan gashtaan oo sharci badalaad sameeyaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  29. abuu abdulle says:

    qaban-qaabo shirka kadhacaya Stockholm 28-oktober 20013 kl 13.30 mellan sociala mission, pertier moderaterna och familjeåterföreningen, haddii imaaadaan Waxaan soo dhaweeynayna. haddii faafaahin u bahantahiyiin telfon – 0735657438

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  30. cabdi casiis says:

    ASC waxaan isla garanay dhamaanteen ineey jirto in aanan laheeyn wax nagarab istaaga ama nooga dooda dhibka nahaaysta inteena dhibku ku haray dadkii nala qabay dhibka awal weey kabaxeen dhibkaas weeyna naga jeesteen marba hadii eey gaareen dantoodii !!! ok anaguna hadii aan ka aamusno dhibka nahaaysta waxeey lamacno tahay anagoo raali ku ah go aankooda diidmada ah oo sharuuda xun kuxirantahay hadii aanan ka dhiidhin oonan tusno inaa kaxunahay oo dooneeyno reeraheen in nalala mideeyo sideebaan uga dhii dhinkarnaa inteena dhibku nahaaysto oonan utusi karnaa laanta socdalka iyo maxkamadaba inaan raali ku aheeyn go aankan xun ??? waar fadhiga aan ka kacno inteey goori goortahay ficilna aan ku darno hadalada aan qoreeyno qaderta rabina weey dhimantahay insha alahu weey hagaagi ee aanu da daalno alle wuu nala garab galayaa in sha alaahu

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  31. layla says:

    Walaalaha ku xirran webkaan dhamaan salaan sare aalaan kadib waxaa manta iiso dhacdey waaraaqdii maxkamada oo naloogu ogolaadey in nalaga qaado DNA ga oo hore diidmo nalooga siiyey marka waxaan aad ujeclahay im dhamaan inta dhibatada ijeesatey aan arkwy eyheeaato illah kaqaado ugana soo qaado anagana khayr allaha nooga dhigo good luck dhamantiin.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  32. nuur says:

    ASC LAYLA GOOD NEWS WALAAL MAXKAMADA KU SOO OGOLAATAY WAA TEE MIGRATIONKA DHIIGA KA QAADAYAANA WAA KEE ADOO RAALI AH IMISAAD MAXKAMADA JAWAAB KA SUGAYSAYSAY

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  33. Y. Aden says:

    Layla wll adoo mahadsan information dhamaystiran nasii wll.
    Ma immigartionka mise maxkamada ayaa waraaqda kuu soo tuurtay. Wll

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. layla says:

    Haa walaal maxkamadda iiso ogolaatey waa stokholm DNA gana meeshaan ku maraayo wali laiimasoo sheegin laakin qaalaguusoo diraayaa bey maxkamadda iisoo sheegtay walaal waxaa diidmada laiisoo direy 14 oktober 2012 hadda muddo laga joogo sanad waaye illahey int sideyda oo kalle ahna waxaan u weydiinaaya inuu uuga soo qaado waan dareemaayaa xaaladda aan ku jirey shaleyto intaan helin warkaan frxada ah kahor.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  35. Ismahaan says:

    Adoo raali ah layla walall ma dadka 2 sano loogu diiday miyaad ka mid aheyd. hadeey jawaabtadu haa eey tahay walaal hada maxkamada maxeey sabab ugu dhigtay ogalaanshaan. ma in qanuunki hore la bedalaay baa mise ?taas noga soo waran adoo mahadsan.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  36. halane says:

    asc dhamaantin salaan waxaa idiin hayaa aqbaar kusaabsan dadka singleka lkn warkaan waa hordhac laga bilaabo 1 april 2014 in la fasixi doono dacwadihi dadka single ka ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  37. salmaan yare says:

    halane saxibow waad nagu kaftameysaa miyaa ogow allah aktiisa kama dhera thnsk saxib sare

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  38. halane says:

    salman maya bro kaftan mahan waa xog hose oo laga helay migirationsvenska lkn sandka cusub ayaa lashaacin doonaa insha allah ilaahna waxa karajaynaynaa inuu fuduudeeyo dacwadaha oo dhan nooc kasta soomaalida ah…

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  39. leeyla waan ku saaamay abaayo waa gabardha aat soo xariirin jirtay telkii macal lanbarkii wuu iga halaaway hadii aa taahy leeyLa GATABORI dacan waa i fahmi kartaa telkaas iga soo wac hadii aa leeyladi aan aqaanay tahay oo mar kist aisoo xariirin jiraty 0727811267 aamina koleey hadaa i aqoon sato isoo wac tel kaama haayo telkii hore aat iga heeysay o ahaay 0764207136 wuu iga xermay wuuna iga halaaway

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  40. salmaan yare says:

    halane thnks saxiib aqbaar kalana waanka sugeeynaa singalka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  41. axmed wali says:

    Maxkamadda sare oo dib u eegis ku sameyneysa mid ka mid ah dadka loo diidey in loo keeno qaraabadooda
    La daabacay: fredag 1 november kl 13:36 , Somaliska — Somali

    Maxkamadda Sare ee socdaalka ayaa go’aamisey in ay dib-u-eegis ku sameyso kiis ka mid ah kiisaska soomalida diidma laga siiyey in ay kulo midoobaan reerahooda dalkan Iswiidhen. 17 Oktober ayey maxkamaddu go’aanka soo saartey waxaana la filayaa in ay bilowga gu’ga soo socda ay xukun arrintaan la xiriirta gaarto.

    Qareenada ruuxa kiiska ay maxkamadda go’aamisey in ay dib u eegis ku sameyso oo la yiraahdo Eva Rimsten oo aan telefon kula xiriirey ayaa sheegtey dib u eegista maxkamadda ay albaada u furi karto qoysaska kala maqan ama ay xaaladda uga sii dari karto.

    – Waxaa suurto gal ah in maxkamadda soo saarto go’aan wanaagsan oo la yiraahdo xaquuqda dib u mideynta qoysaska waa mid adag sidaas daraadeed waa in loo sahlaa caddeynta dadka aan caddey karin aqoonsigooda ama aan muujin karin in ay waqti dheer isqabeen inta aysan imaan. Laakiin waxaa dhici karta in la sii adkeeyo oo aysan suurtogal noqon dib u mideynta qoysaska, ayey tiri.

    Iswiidhen go’aanada ka soo baxa maxkamdda sare ayaa badanaa u noqda dhabo tuse maxkamadaha kale iyo hey’adaha dowliga ah. 2012 ayaa maxkamadda sare waxay soo saartey go’aan ah in qoysaska kalo maqan laga qado dhacaanka DNA haddii ay carruur isu leeyahiin si ay ugu sahlanaato caddeynta aqoonsigooda balse dadka aan is qabin wax dhan mudo labo sanno ah ayaa ku jirin go’aanka maxkmada ee DNA, taas oo ah mid hadda ay maxkamadda sare ee socdaalka dib u eegis ku sameyneyso. Qareenad Eva Rimsten waxey ka howl-gashaa urur Laanqayrta Cas.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  42. salmaan yare says:

    axmed wali dadka singalka hada aqbar ka heyso iidana noso gudbi thnks bro

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  43. sumayo says:

    ilaahay wax khyr qaba hanooga soo yeersiiyo,culeeskana hanaga dulqaado asaga ayaa abood lahe.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  44. axmed wali says:

    Aamin insh llh walaasheena sumaya kurbada allaha naga qaado insh llh

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0