Maxkamada Sare oo go’aan ka soo saartay lacagta telefishinka

Maxkamada Sare ee Sweden – Högsta förvaltningsdomstolen (HFD) ayaa go’aan ay maanta soo saartay ku sheegtay in kombutarada aan laga qaadi doonin lacagta telefishinka ee loo yaqaan (tv-avgift) taasoo ay qaado shirkada Radio Tjänst.

Arintaan ayaa ahayd mid ay dad badan dhibaato ka haysatay ka dib markii sanadkii hore ay Radio Tjänst bilowday in ay dadka uusan telefishinka u oolin lacag ka qaado, iyagoo ku dooday in kombutarka uu qofku telefishinka ka daawan karo. Maxkmada sare ayaa maanta arintaas ka soo horjeesatay.

Maxkamada ayaa go’aankeeda ku sheegtay in kombutarka loo isticmaalo internetka uusan ahayn mid loogu talagalay telefishin daawasho, maxkamada ayaa intaas ku dartay in kanaalada laga daawado internetka aysan ahayn kuwa telefishinka oo kale ee ay yihiin kuwo qofku uu booqanayo.

Go’aanka maxkamada ayaa ah mid muhiim ah oo ay dad badan si weyn u soo dhaweyn doonaan, iyadoo ay dhibaato badan kala haysatay shacabka iyo Radio Tjänst.

Soomaalida ayaa horay marka ay Radio Tjänst soo booqato ugu dhihi jiray in aysan telefishin u oolin balse sanadkii tagay ayay bilaabeen in dadka oo dhan ay lacag ka qaadaan xitaa haddii uusan TV u yaalin.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. daade says:

    Wss arin wanaagsan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. Mohamed says:

    Asc dhamaan asxabta ku xiran waan salaamaa afar sitimaan ka hor ayaa waxa la iga soo wacay
    lanbarka qarsan no number ka dib waxay i waydiisay ma ledahay tv waxaan ku dhahay maya haddan
    waxaa ay i waydiisay ma leedahay labtop ha hadalka haa haddii lagaa helo saas ayaa go aan lagaaga
    gaary warqadna laguu soo dirsanaaa waxaana la igu soo sheegtay 519 kr 3 bilood lacagtiina waan bixiyay ka dib Ayaan ka dacwooday lacagtiina qayb ama halv ayaa la isoo celiyay marka iska ilaaliya
    ja dhanba ha isku dhihina haddiba telefeshin laga hadlo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0