Maxkamada Socdaalka oo shuruud ka dhigtay cadeynta matalaada caruurta

Go’aan cusub oo ay gaartay maxkamada Socdaalka ee Sare (Migrationsöverdomstolen) bilowgii bisha Oktobar ayay shuruud kaga dhigtay waalidiinta doonaya in ay caruurtooda Sweden keenaan in ay soo bandhigaan warqad cadeyneysa in ay haystaan ogolaanshaha matalaada caruurta. Shuruudaan ayaa dhalisay in Laanta Socdaalka sidii aan horey u qornay ay diidmo ka safto Soomaali badan.

Arintaan ayaa ku timid ka dib markii Maxkamadaha hoose ee Socdaalka (Migrationsdomstolen) iyo Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ay isku qabsadeen kiis gabadh Soomaaliyeed kaasoo Laanta Socdalka ay diidmo siisay sanadkii 2010 ka dib markii ay sheegeen in aysan aqoonsikeeda cadeyn.  ka dibna maxkamada hoose (Migrationsdomstolen) ayaa ogolaansho siisay ka dib markii laga qaaday dheecaanka DNA iyada oo dib ugu soo celisay kiiska Laanta Socdaalka.

Intaas ka dib ayaa Laanta Socdaalka wacay racfaan u gudbisay Maxkamada Sare ee Socdaalka taasoo sheegtay in go’aankii maxkamada hoose uu yahay waxba kama jiraan isla markaana la doonayo in waalidka ilmaha u dacwoonaya ay soo bandhigaan cadeyn muujinaysa in ay caruurta matalikaraan oo masuul ka yihiin. Maxkamada Sare ayaa racfaankii Laanta Socdaalka aqbashay oo kiiskii dib ugu soo celisay Maxkamadaha Hoose.

Arintaan ayaa dhalineysa caqabad cusub oo aan la dhaafi karin ilaa sharciyada wax laga badalo waayo warqadaha cadeynta ee waalidiinta Soomaalidu ay keenaan ayaysan aqoonsaneyn dowlada Sweden isla markaana waalidiin badan ayaa waxaa u qoran in waalidkii kale la waayay. Si kastaba ha ahaatee waxaa muhiim ah in arintaan wax looga qabto isbadalka la filayo in lagu sameeyo mideynta reeraha Soomaalida oo la filayo in uu dhaqan galo July 2012.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. saadaq says:

    asc hadii markaas loogeeyo waraaq dhalasho oo SOS ah xamar oo sax orjinaal ah maxeey hadana sheegikaraan???
    labadii waalidna eey midna caruurta hayaan midna sweden joogo maxeey falidoonaan markaas
    aniga waxaan dareensanahay in aan warkooda qalbiga idinkadilin oo aan wada sugno bisha ibedelku imaanaayo ee juli 1
    asc

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  2. ramla says:

    walal jimcaale maxa ula jedaa xogaa waan fahmi wayay matalaada caruurta thnks

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Haa walaal waa ay adagtahay in la fahmo ama la sharxo balse waxaan u fahmay in ay ka wadaan in aad keento cadeyn muujineysa in aad haysato masuuliyada caruurtaada. Waxay u fikirayaan qaabka Swedishka ee in hooyada iyo aabaha midkood uu leeyahay masuuliyada caruurta oo maxkamadi siiso ama heshiis ay ku gaaraan.

      Soomaalidu nidaamkaan ma yaqaanaan sidaa darteed ayay adagtahay in la fahmo ama laga gudbo shuruudaan balse waxaan filayaa in ay qeyb ka noqon doonto waxyaabaha lagu xalin doono sharciga cusub ee la filayo July 2012.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. nimcaan says:

    Asc,waxaan ilaahay ka rajeynaynaa is bedel deg-deg ah,
    sababtoo ah migrationkii aad ayuu somalida u fogaynayaa.
    Lakiinse ilaahay ayaa inoo jooga oo wax wanaagsan aynu weydiisanaynaa. Rajadii fiicnayd oo la qabayna waaba sii fogeeyeen oo dadkii niyad jab xun ayeey ku rideen.
    Insha allaahu wey inoo hagaageysaa.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  4. umu hani says:

    waxa aniga ila wanagsan in warka lanta socdalka meel laga soqadin waayo waa kuwo neceeb wax qabadka somalida marka aan sugno 1/7/2012 inshaa allah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. Abdi says:

    A-c
    Jimcaaloow soomaalida sida badan markii la dhaho soo cadeeya in aad caruurtiina matali kartaan? Waxay waraaqo cadeen ah ka keenaan maxkamada sare ee wadanka itoopiya kuwaas oo cadeenaya in uu ruuxaan wakiil buuxa ka yahay caruurtiisa marka midaas ma ahan mid wax tari karta miyaa walaaloow???????

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. ali-burco says:

    Waxa keliya ee walidka somaliga ahi ku cadayn karo il mihiisa waa DNA
    waxaa kaloo loobahan yay in aynu uruurino xashida lacag dirista iyo qaadashada ee xawaalada aynu dhigno,biilka,
    hadii aad cadayso in aad adigu biiliso oo lACAGTII JUWANKII LATIMAADO, WAA SUURA GAL IN LAGUUU TIX GELIYAA,
    YACNII, WAALIDKA SOMALIGA AHI, MACADAYN KARAA IN UU DHALAY ILMIHIISA? WARQADNA HALA SAMEEYO MAXAKADA SARE EE WADANK AAD JOOGTO KASAMAYSO, ILaahay sidi qayr kujiro haynooga dhigo. aamiin aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. mo aweys says:

    ma fahmin arintaas sidey loo cadeen karaa
    hadii DNA laga qaado ubadka oo la ogaady in uu dhalay ubadka
    hadana sidey loo dhihi karaa walidka sidey ugu tahay masuul ubadkaaga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. ramla says:

    walal jimcaale waad mahadsantahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. fahan micnaha says:

    asc asxaabta kutixan barnaamishkaan koleey warka woo iska cadyahay sida iila muuqato wayoo shalay waxay aheed passpor la aqoonsanyahay la imaada hadane waxay dhaheen wadan dowlad kama jirto haddi dowlad noo jirto yaa rabilahaa barafkaas waxay waxaan ku qanceenaa DNA ayuu warka joogay hada maxee keeneen warqad cadeyneysa in ay haystaan ogolaanshaha matalaada caruurta.barine waxaan sugeenaa umulisada in lakeeno iyo gaarigii lagu qaaday qofki maaweelo diyaar u ah woo u jabaabi karaa qofki aan diyaar u aheen waqtiga ay qabteen ayuu sugaa lkn anka waxaa naga batay fudeed iyo qorbo jaceylka www

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. aabbe says:

    scw dhamaaan umada somaliyeeed teeda kale barnaaamijkaan ay hada bilaaabeeen migrationsverket ka waa wax cusub sababtoo ah bishaaan gudaheeda magaalada aaan daganahay laba qof ayaaa sidaaas lagu soo yiri meesheeey kasugayeen form in loosoo diro ayaaba waxaa uga soo dhacay soo cadeey ilmahaaga inaaad adigu masuul ka tahay 14 days gudahoood marka waxay ila tahay arintaaan caqabad cusub oo ay kusooo kurdhiyeeen umada lkn ilaaah subxaana watacaaal qofkasta irzaaqadiiisa haayo iyo meeshuu tagaayo ilaaah meeel qeeyr qabta wabilaahi toowfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Nuradi says:

    To-jimcale sxb adigo mahadsan cadentas maku caden kara dukuminti sharciyey san oo aan somali ehen sida in an ku nolahay wadan 3xad oo naqabiliy aniga iyo carurteyda oo nasiyay sharciyo 5 sano ah oo hey ada socdalka ee lanta s/africa oo kale sax fikirkaga wan ubahanahay thanxs jimcale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Mohamed says:

    Asc wr wb JAmac walaal dadka aan wax iskudhalin maxaay ku xujinayyaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  13. ayan says:

    asc aniga waxey ila tahaya in ay sidii ay horay noogu aqoonsanaayeen in ay wadankeena dowlada ka jirin oo aanan heli kerin dukumiintis sax ah oo rajiistareesan ,ay sidaa noogu wadaan oo hanaga dhaafaan maalinba sharuuda ay meelka soo saarayaan,ama wax naloo ogolaadaan ama hanoo diidaan shuruud la,aan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. ubax says:

    asc. jimcaale wala waxan ku waydiinayaa dadka aan ilmaha isku lahayn ee isqaba arintooda maxay ku xireen aygana walal taas bal noosoo gudbi mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0