Midowga Yurub: “Shaqo bixiyeyaashu xaq ayeey u leeyihiin ineey xijaabka ka mamnuucaan goobaha shaqada”

0

Maxkamadda Midowga Yurub ayaa maanta oo talaado ah waxaa ay go’aan ku gaartay in shaqo bixiyeyaasha Midowga ay xijaabka ka mamnuuci karaan goobaha shaqadda.

Maxkamadda ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqaday in sharciyo hoosaadu yaala goobaha shaqada ay suuragal ka tahay xaqna ay u leeyihiin shaqo bixiyeyaashu in ay mamnuuci karaan xijaabka oo lugu dhex xirto gaabahooda shaqo. Go’aankan ayaa yimid markii labbo dumar ah shaqada looga eryey dalalka Faransiiska iyo Biljim. Sidaas si la mid ah ayaa dalka Biljemna shaqada looga eryey gabar iyadu soo xirtay xijaab waloow goobta shaqo ay ka bilowday aanu markaasu goobta shaqadu u oolin xeer mamnuucayey xijaabkeeda.

Halka Jarmalkuna uu sheegay in xijaabka ama dharka leh calaamadaha diimaha aan goobaha lugu xiran karin. Waa markii ugu horeeysay oo go’aan noocan ah maxkamadda Midowga Yurub soo saarto, iyadoo awal dalalka xubnaha ka ah Yurub ay ku kala aragti duwanaayeen mamnuucista xijaabka.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here