Migrationsverket: Qalad ayaan samaynay

Agaasimaha guud ee Laanta Socdaalka  Anders Danielsson ayaa qirtay in Laanta Socdaalka ay qalad sameeyeen markii ay go’aamiyeen in ay gabar yar oo 2 sano jir ah wadanka laga musaafuriyo.

Danielsson ayaa sheegay in shaqaalaha laanta Socdaalka ay yihiin bani’aadam oo ay qalad samayn karaan. Ka dib cambaareyn loo jeediyay Laanta Socdaalka ayay ka laabteen labo go’aan oo lagu musaafurin lahaa gabadha yar ee wadata baasaboorka Faransiiska iyo gabar kale oo 1 sano jir ah oo Ciraaq loo musaafurin lahaa.

Gabadha yar ee labo sano jirka ah oo lagu magacaabo Haddile ayaa la sugayaa in dowlada Faransiiska ay raadiso hooyadii dhashay.

Agaasimaha Laanta Socdaalka ayaa sheegay in sanadkii 5% go’aamada ay gaaraan ay wax ka badalaan maxkamadaha Socdaalka oo qofku markasta xaq u leeyahay in uu racfaan ka qaato go’aankooda. Maalmihii la soo dhaafay ayaa fadeexad la soo gudboonaatay Laanta socdaalka iyagoo hada looga wacay baarlamaanka Sweden si ay u sharaxaan qaabka ay u shaqeeyaan.

Waxaa kale oo lagu baaqay in Sweden ay dhaqan galiso qaraarka Qaramada Midoobay ee ku saabsan xuquuqda caruurta oo aysan Sweden si guud ugu daran dastuurka wadanka.

Anders Danielsson ayaa horay u ahaa taliyaha ciidanka amaanka ee Säpo inta uusan la wareegin Laanta Socdaalka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. saredo1 says:

    M asha allaah fiicnaan laheeda anigana inay go aan iga gaaran aniyo caruur teyda iyo intii ilamida waku jabnay wadankan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. Baxsan says:

    Abaayo sareedo , amba kula mid aan ahay afar sanno aan maraa , Ilaahaybaan leenahay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. masayrbadan says:

    ILAHAY UMADA SOMALIYED EE KU DHIBAN WADANKA HAWGASOO QADO SHARCIGA AMIIN SAREDO IYO BAXSAN CIBADADA ALLE BADSADA IYO BAYDIISA ILAHAYBAA IDIIN FUDUDAYNAYEE

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. Khadija says:

    Allow Nabad Waarta iyo Barwaaqaba sii Dalkeenii si aan ugu laabano. Hemma är bäst.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  5. NASRA says:

    masha allaah hadayba xuquuq ciyaal ka doodayaan kolay waa gaalo illaahii aburayba aan aqoone illaahow nagana nopoga soo qad ciyaalkeena amiin inta islaanana uga soo qaad walee waxan ka aminsanayn yurub iyo waxan kala kulanay kala fog illaahow dalkeenii nabad nooga nadi illaahow ishaada raxmada leh ku fiiri somaaliya yaa allaah yaa jaljalaalu walikraam ilaahow dalkeenii mel walba masaajidka ahaa oo an eedanka ka maqlaynay noo aslaaxi yaa xayyu yaa qayum amiiiiiiiiiiiin dhaha walaalha islaamka dhamaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. Abdiyare lffc says:

    Asc dhamaan Asxaabta iyo maamulaha wabka mr jimcaale mida kale waxaan rabaa dadka haya war biin ku saabsan DNA waxaan idin weediinayaa inta martay ama inta looga soo jawaabay meeqa ayuu qaataa jawaabta DNA

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0