Mikael Torstensson oo Somalia ku tilmaamay wadan argagixiso oo ku jeesjeesay dadkii lagu dilay weerarkii ka dhacay Muqdisho

Ninka lagu magacaabo Mikael Torstensson oo isku sheega in uu yahay la taliyaha madaxweynaha Somaliland mr Siilaanyo ayaa shalay ka dib markii weerarka lagu qaaday hoteelka Jaziira kaasoo lagu xasuusay dad badan oo masaakiin ah waxa uu boggiisa ku soo qoray hadalo jees jees ah oo naxariis daro ah isagoo wadanka Somalia ku tilmaamay wadan argagixiso.

Ninkaan ayaa fariin uu ku soo qoray boggiisa Facebook waxa uu ku yiri “Qarax kale 10 ayaa ku dhimaday. Goorma ayay aduunku aqoonsan doonaan wadanka nabada iyo dimoqraadiga ah ee Somaliland oo ay naga xoreyn doonaan wadanka argagixisada ah ee Somalia” Hadalkiisa ayaa waxaa ka muuqata cadaawad iyo naxariis daro uu u qabo Somalia iyo Soomaalida. Waxa uusan fahansanayn in xitaa Soomaalida ku nool waqooyiga ay ka xanuunsadeen weerarka lagu qaaday Muqdisho isla markaana aysan sidaan naxariis darada ah uga hadlayn,

Ninkaan ayaa waxa uu wadaa in uu isku diro Soomaalida isla markaana uu ka dhex wato danahiisa dhaqaale balse ma ahan mid jaceyl gooni ah u qaba Somaliland. Waxaa la joogaa xiligii ay dadka walaalaha ah ee reer Somaliland ay candhuuf wajiga uga tufi lahaayeen ninkaan oo ay u cadeyn lahaayeen in aqoonsiga Somaliland marka laga soo tago ay Somalia walaalo yihiin isla markaana aysan ogolaan doonin in dhacdooyinka argagixisada ee lagu xasuuqayo dadka Muslimiinta ah aysan ogolaanayn in loo isticmaalo in lagu raadsado dano dhaqaale ama siyaasadeed.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

13 Responses

  1. Adem says:

    Waa shakhsi liita oo aan aqoon u lahayn taariikhda Somalia. Inashaa Allah Somalia waa soo noqon walina kamaana quusan raxmada Eebe. Guul iyo horumar Somalia.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 1

  2. Filis says:

    illaahyow musliminta u gargar oo dhibatada ka qaad ada weeno waxide. Runti waxa wax lala yaabo ah inu qofka muslinka ah walalkis muslinka ah xaasdo.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  3. jeey says:

    waa arin laga xumaado lakin nasiib daro ninkaan ereyada u kuhadlay wax isaga ugaar ah maha ee waa hadal siyaasiyinta reer somaliland ey kuqanacsanyihiin o xitaa iyaga xitaa oran lahaayeen.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 3

  4. Xabiib says:

    Asc dhamaan umada soamaliyeed ee Ahlu Towxiidka ah sln kadib inagaa is yeelnay in gaalkaan uu sidaan noola dhaqmo nooguna jees jeeso lkn Alle ayaa wax walbo Og oo sidaan noo dhaami doona insha allah waan kabixi donaa aan samirka badino iyo salaada walaalayaal mahadsanidiin wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. aar yussuf says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 19

  6. seeiitihin says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 3 Thumb down 13

  7. abdullah says:

    Damer

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  8. Abdulahi says:

    Ninkan naxariislaawaha ma yaqaan taariikhda umada Somaliyeed .. dadka Somaliyeed waa dad walaalo ah oo wada dhashay marke somaaliland iyo somaalia waxeey wadaagaan dhul iyo diin iyo dhalasho hadeey somaalila inteede kale eey ka go aan iyo hadii kale ninkaan waa nin danahiise fiirinaaya oo aan wax dan ah kalaheyn somaaliland marke walaalayaal yaanan cadowgeene nagga dhexfaaideeysan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  9. Amin says:

    Marka hore waxan ka tacsiyaynayaa umada somaliayeed ehelkii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen dadkaas aan waxba galabsan ee argagixisadu ku xasuuqday hotel Jazeera,
    kuwa dhacana Ilaahay ha caafiyo. intaas ka dib ninkani hawshiisa ayuu wataa oo intaas iyo inla mida ayay shaqadiisu tahay oo uu lacag ku qaataa kolba meel uu wax kusoo qoro.
    umada somliyeed ayadaa walalo oo wada dhalatay dhibtan argagixisaduna maaha mid somaliya ku kooban ee dhib caalamiya oo nolosha bila adamka oo dhan ayay la dagaalamayaan noockasta oo uu yahay iyo diinkasta oo uu haysto oo waa dad shar isku bahaystay somalilanta uu sheego ayay ka buuxaan oo waa kuwii horaba u qarxiyay ee aqoon la aan ayaa ka haysa sidaa awgeed yaynaan wax wayn u arkin gaalkan hadalkiisa .

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. cabdirahman says:

    Somali wata lagu haysto badodi hadana kuwii kugu haysta badada aya joga dhulkaga amba haysta warka hadla tas aya uu bahan hadal iyo ficilba ee nin iska hadlay intad egeysid

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. cadwin says:

    Gaalka hala eedinee alshabab hala Eedo iyada dadka xasuuqe iyo kuwa la jira oo markasta garab ku siiya inay masaakin laayaan gaalkan waxuu dhahay somalia argagixiso ayaa joogto taasi been ma ahan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  12. gabadh rer somaliland ah says:

    Innaalilaahi wa innaaa ilayhi raajicuun. Umada islaamka ee meesha ku dhimatay ilaahay qabriga ha u nuuro. Samir iyo iimaan allaha kasiiyo ehelkii iyo qaraabadii. Meesha tacsi ayaa taal ee hadal kale ma banaaana waana islaam dadkaa xaqdarada ku dhintay. Aar yusufna waa dameer damiirkii ka dhintay.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  13. Inaa lilaahu wa inaa ilayhi raajicuun waxaan ilaahay uga baryayaa inuu u naxariisto intii gacan xaqdaro ku dhimatay. Somaalidauna waa dad walaalo iyo ehel ah dhamaantood mana jirto wax cadaawada oo aan u qabno walalahayaga Somalia, laakiin waxaan ku kala duwanahay sidaanu u aragnu in horu markayagu ku jiro iyo siday u arkaan in horu markoodu ku jiro

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0