Mubarik: Soomaalida waa in baasaboorka lagu siiyaa 5 sano

Mubarik Abdirahman oo ah musharax baarlamaanka oo ka tirsan xisbiga Socialdemokraterna (S) ayaa mowduuc uu ku qoray bogga telefishinka SVT waxa uu ku dhaliilay Laanta Socdaalka (Migrationsverket) sida ay ula dhaqanto dadka Soomaalida iyo Afghanida.

Mubarak ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay dhalashada Sweden iyo in ay qeyb ka tahay isdhexgalka marka qofku uu qaato baasaboorka Sweden. Balse waxa uu sheegay in inta badan dadka soo galootiga ah ay baasaboorka ku qaataan 5 sano halka dadka Soomaalida iyo Afghanida ah lagu faqooqa oo ay sugaan 8 sano.

Mubarik ayaa Laanta Socdaalka ku tilmaamay mid kala hadal ku shaqaysa, iyagoo ku doodaya in qofka uusan cadeyn aqoonsigooda isla markaana aan aamani karin hadalka qofka balse ay yihiin kuwa masuulka ka ah baaritaanka magangalyada oo dadka sharciga siiya. Isagoo intaas ku daray in Sweden ay ku faanto in ay caawiso Soomaalida balse aysan doonayn in ay aqbasho aqoonsigooda.

Mubarik ayaa soo bandhigay cunsuriyada iyo faqooqa lagu hayo Soomaalida, oo xitaa lagu adkeeyo in ay isguursadaan maadaama aan lala mideynayn lamaanahooda. Waxa uu intaas ku daray in Sweden ay sidaas darteed jabisay sharciyada caalamiga ah.

Waxa uu soo jeediyay in la gaaray xiligii ay dhamaan lahayd faqooqa lagu hayo Soomaalida, oo la gaaray waqtigii dadka isku si loola dhaqmi lahaa. Sweden waa in ay fursad u siisaa qaxootiga qaab kale oo ay ku cadeyn karaan aqoonsigooda iyaga oo aan lagu xirin warqado.

Mubarik ayaa sidoo kale cadeeyay in Sweden ay xiriir fiican la leedahay dowlada Somalia, isla markaana ay ka midtahay wadamadii ugu horeeyay ee safiir u magacaaba Somalia. Waa maxay sababta aan loo aqbalayn warqadaha dowlada Somalia? ayuu iswaydiiyay Mubarik oo sheegay in jawaabta ay tahay mid aan la ogeyn.

Arinta uu ka dhawaajiyay Mubarik ayaa ah mid si weyn u taabanaysa Soomaali badan oo wadanka ku cusub, kuwaasoo lagu qasbay in ay 8 sano sugaan dhalashada wadanka, halka dadka kale ay 5 sano ku qaadanayaan baasaboorka. Waxa uu balan qaaday in arintaan uu ka shaqayn doono haddii uu baarlamaanka soo galo.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

17 Responses

  1. farole says:

    waan ku racsanahay mubarik wayo discrimineringa haa nalaga dayo , dadka so galotiga ah ayaa nalaga takoray oo waa nasib daro tasi , hada haa no shegaan sababta runta ah eeh somali kadhigay iin ay ku qadato basaboorka 8 sano wayo cadayn maa haysatid waax socda maha , waraqaha swedishka ah waxa igu qoraan somali ilaa dagmadaydi midaa labaad waxa dhib ah dadkaan suriya amba ciraaq magaloyiin dhaan oo ila 7 million ah ayaa gacanta dowlada kaa baxday oo sharci una kaa jiriin sida suriyaa taasi waxay sababtay iin waraqihi dowlada meel walba lagu sameyo ila halkaan sweden camal 1000 kr ayu jogaa basaboorka ciraak iyo suriyaa , niinki libnaniga aha iyo maqribiga aha ayaa wato oo toos ugu hela sharciga dalkaan isago laa waydiin su alo badaan , runtuna maanta ciid uu basaboorka suriya iyo ciraaq uu cadayn karo majirto wanaa sida somaliya eeh cadala darada haa jojiyaan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 2

  2. dharbaaxo says:

    asc mashalhaaaaaaaaaaa war somaliyey aan ucodeyno mubaark wayo waa uqalanyaaaa

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  3. Aden Mohamed says:

    Mubarik illahay ha ku barakeeyo horta. Waa nin dareemaya meesha Somalida laga hayo. Waa in loo codeeyaa Mubarik inshaa allah

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  4. luul says:

    asc kulli walaalaha muslimiinta ah

    waa war farxad leh lkin waxaa ka dhiman mubarik in uu helo kamuneti ah somalida sweden oo isku duuban

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  5. sahra says:

    Sxbyaal ma xumee in laku qaato5sano lkn wali mahaayno qof dhahaya somalida soo galayaan wadankaan iyo inta ku sugan oo sharci la.aanta ah halasiiyo ama haloo fududeeyo muwaadin u dadaalayo malahan miyaa arintaaas ilahaa noo maqan wlh wax aan sheeko ma aqaan maalin kasta aqbaarta ayaan aqriyaa ama wararka swedwn ilaa hada mahaayo xisbi ama muwaadin somali ah oo doorashada ku jira oo dhahaaya arinta sharcika kahadlaayo malaha rajada laka qabo in aay sweden sharciyada nasiiyaan .malahan aloow amuuraha noo sahal inta ila mid ah asxaabta

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  6. Asc walala yal wad salamantahiin marka hore marka xigta Walaasheey sahra Anaa kula qabo ra yigaas haben hore ban Lahay xisbi ama musharax kahadlaya malahan miyaa Dadka Sharci yada kudhiban Lkn waxan ku fikiray dad ka Sharci la anta ah maxaa laga dhefaa hadii la dhaho waa furenaa maayagaa cod Dhiib i karo ninkii coden Karaa laga farxaa anagane allah baa noo maqan ileen ayaga uma coden karnee Ooo ma dhahayan hadan guuleeysano sharciga a yaa heleysaane idoorta

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  7. ishwaaq says:

    aad ayaa ugu faraxsanahay mawaadin muraak hadalka kaosoyeeray hadii 5 sano naloga dhigi laha qsoomaliya waa kufarxi laheed

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  8. ishwaaq says:

    aad ayuu aniga ahaan bbaasaborka ween muhiim iigu yahay waayo ninkayga wadan kale ayuu daganyahay aniga uma guuri karo baasabor weeyn maheesto asgana iima sooguuri karo danta nagu qasabtay inaan kala noolaaano laakin doorashada cusub karajeeneyna sharciga 8 sano in wax laga badalo malin kaste websedka migrationsverket aya gala wax aqbaar cusub aya karadiya oo lagu badalay 8 sano

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  9. faarax says:

    Sahra wan kugu raacsanahay hadalkaada walaal. xaalada wan dareemi karaa o mudo aad u dheer ayaa sharci la’aan ahaa lakin hada wan helay alxamdulilah e adna samir inshallah wixii ku qoran gafi meysid.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  10. saalax says:

    Asc wll sahra wa kula qabna fikirkaas maxa yelay in badan somali ah manta waa sharci la aan sn kamid ahay aniga intoda badan waxay ku nool yihiin nolol adag lkn mar wal ba waa in laxasuusta ALLaH isaga wax bixiyo insha allah dhiba somalida allaha ka dul qaato

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  11. Lkn walashey sahra hada rajo Fican aan lenahay Ooo aan Ani kow ka ahay Oo ah in dib isku dhiibno Kadibne kiskena dib loo furo sida dad Qaar sharciga ku heleen insha allah allah maka qusaneeno awoodisa

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  12. ayaan says:

    asc walalahay soomaliyeed waan idin salamay waan kula qaba aniga xata sahro waxaan ahay mudo 3sano ah sharci la.aan maalinkasta waan fiiriya wabsaydka walina maan arag wax uhadlaaya sharci laanta waa say sheegtay abaayo oo aah maxa laga faaidaya kuwa sharci laanta ilayn cod masiinkaraan cidnee waa waxaan aniga aaminsanahay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  13. sahra says:

    Abaayo istaahil xaaji maxaan mar kale is dhiibnAa wlh fikir ha cayilin ayaa na dilay abaayo ayaan waan dareemi karaa wlh maalin kasta wax aqris ayaa idilay oo wAxaan is lahaa xisbi maka hadli doonaa arimaha sharcika lkn mahaayno illaah baan kabaryaa in uu sharcika nooka soo qado farax hadadba eheed mudo sharci la.aan waad daremeesaa walaalkee ee wax ma nooka sheeki kartaa siyabaha aad ku heshay iyo hadee jiraan dacwado aad sii qorotay aniga wali meel waxba uma qoran sidii leeku diiday ilaa sedex diidmo waa leka aamusan yhy meel aan ka bilawana ma aqaan ee hadaad nooka roon thy noo soo gudbi walaake mahadsanid

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  14. Cabdiraxman run jecel says:

    War ilma somaliska gabdhahan iyo kuwa didmada haysta u fa’ideya, waxan lahadlaya famika somalida ku xiraan somaliska iyo kuwa leh waybsaydka waa wano khalaad aya la ‘i fahmin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  15. istaahil xaaji says:

    Asc walaalaheey aniga shanso aan Sharci la aan ahay hadana rajaan leyahay Oo ah in dib isku dhiibo wana Sharci cusub Oo migration soo saray Baryahan teda kale Abaayo sahra mala xariirtay röda korset ayagaa Dadka caawiyee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. sokoreey says:

    ariinta muursal ma xuu mayn lkn ilaa hada maxaa war loga heeli wayaay ileen daadku rabay ayaa qaaday dorashadee SD misee mansabka urabay ayuu heelay oo waaba na ilaabay mise weli go aan lagama garin arintas ah 5 sano koleey waan sugeena ilaah ba shalay ka soo yeersiye hadana kasooqadaya shuukran

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1