Mudahaarad ka dhacay Stockholm [Sawirada]

Mudaharaad si weyn loo soo agaasimay ayay Soomaalida Sweden maanta ka dhigeen irada Baarlamaanka Sweden kaasoo looga dhiidhinayay shuruudaha adag ee ay Sweden ku xirtay mideynta reeraha Soomaalida.

Mudaharaadka ayaa waxaa ka hadlay hooyooyin loo diiday ilmahooda iyo gudiga soo agaasimay dibad baxa. Soomaalida ka soo qeyb gashay dibad baxa ayaa si sharaf leh ku soo bandhigay shucuurtooda iyagoo si nabad galyo ah ku muujiyay dareenkooda. Waxaa ka soo qeyb galay mudaharaadka dad gaaraya 1500 200 qof sida ay noo sheegeen gudiga qabanqaabada.

Intii ay u suurto gashay ayaa si toos ah uga dhageysatay dibad baxa oo uu soo tabinayay wariyaheena Saciid Cabdi Cusmaan. Qofkii uu dhaafay waxa uu ka dhageysan karaa hoos. Sidoo kale mardhow waxaan soo galin doonaa sawirada mudaharaadka.

Dooda baarlamaanka ayaa la filayaa in ay dhamaado saacadu markay tahay 16.00 – waqtigaas ka dib ayaan soo qori doonaa mowduuc ku saabsan dooda.

Dooda waxaa si toos ah uga daawan kartaan telefishinka SVT Forum. http://svt.se/svtforum
Live Broadcasting by Ustream

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

40 Responses

  1. DHOOL says:

    SVT2 MIYAA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. xaliimo says:

    somaliska aad iyo aad ayaan idiinku hanbalyeynayaa dadaalkiina halkiina kasiiwada waxanoosurageliseen anagoogurigena joogno id aanlasocono waxadhacaaya shucuurteena aad ayeey ukacsantahaysomalinka waxaankacodsaneynaa aqbaarta baallamaanka in aadnoosoogudbisan waxyar xitaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Abdinasir says:

      A-c walaahi xaqiiqdii waa arin aad loogu farxo sida hal haleelka ah ay idaacadaani ugu shaqeeneeso shacabka soomaaliyeed ee ku sugan wadanka sweden . waliba waxaan aad ugu sii riyaaqay sida ay ugu dadaaleeso inay albaab walba garaacyo oo ay xog uga keento soomaalida iyagoo ku sugan guryahooda. tusaale ahaan waxaan hada aqriyay safaarada sweden ee adds oo faro iyo indhow bilowday maxay kala jeedaa? markiba waxay la xiriireen laanta socdaalka si ay war uga helaan waxayna noo balan qaadeen ujeeddada ka danbeesa in ay noo soo bandhigaan. waxan dhihihi karaa somaliska radio waa mid aan so wada dhowaynano masha allaah halkiina ka sii wada waliba arinta baarlamaanka iyadoo kulul noo soo galiya mahadsanidiin.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. ifraax says:

    somaliskacom noolow wiiliba sicid iyo jimcale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. mohamed says:

    AS WAR WAB WAAN I DIIN SALAAMAYA WALAALAH KA SOO QABGALE MEESHAAN WAXAAN ILAAHEEY INDIIKA BARYAA IN UU IDIIN KU GUULEESTA WIXII QEER AH ILAAHEEY HADIIN SIIYO AAMIIN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Abdirahman says:

    waxaan aad idiinku mahad naqeynaa sida wanaag san aad arimaha somaliya nagu soo gubeysaan somaliska.com

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. umuhani says:

    mashaa allh somaliska waa waa muwadin u tagan in u waxa waliba o dhib ah ama farxad ah lakhebsado walaalahoda eey ka maqan yihiin familadi aad ayana uga mahad celina howsha qimah badan ee ino haysan………….somaliska jir oo joog waliga ha jabin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. umuzakariye says:

    asalaamu caleykum dhamaan soomalida meel walbo oo eyjoogto salaan kidib waxaan umahadcelinayaa wiilasha sida wanagsan wax inoogusoo tebinaya runti waxaan dhihi karaa waa indhaha soomalida swden kunool mahadsanidiin alle ha idinka abaal mariyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. najma says:

    asc dhamaantina.ugu horeynta jimcale iyo asxaabta kale kula wada dadaalka iyo waa mahadsan tihiin ille halaha dado ka soo qeyb galay mudaharadka waad ku mahadsan tihiin dadaalka ku jirtan naftina iyo taan walaalihina waxaan alle noga barya ina markaasta sidaas isku gacan qabana oo magaca somalino uu dhimana.ile maanta anaga isku ah walaal ama dowlad,waad mahadsan tihina.ile waa farxadeyni ina reero kaasta midowan allene ha noga soo qado aamiin aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. abdi ismail says:

    walaalayaal aad baa u mahadsantihiin sida wanaagsan aad ugu soo gudbineesaan mr saciid iyo jimcaale allah ha inooga soo qaado wax aan ku faraxano maadama umada somaliyeed si ay u helaan ilmaha iyo hooyooyinka kala maqan iyo aabaYaasha kala maqan iyo xaassak akala maqna inshalah guul ee ku dhamnaeesaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Jibriil xasan julux says:

    Asc dhamantin salan kadib ilahba mahad leh inta kadib en wixi hanbalyo iyo bugadin ah dadki iga horeyay aya shegay marka waxan sugnaba wa go’anki barlamanka ee manta mahadsanidin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. queeen143@hotmail.com says:

    asc walaal jimcale ad ayan kugu mahad celineya walaal waxaan sugu la,ahay jawaabta ee adigoo rali iga ah nogu soo gudbi si dedeg ah waxana idinkugu mahad celinya idiinko ah bahda somaliska si an la so kobi karin ilaahna ajir haidinka siyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Hada ayaa dooda dhamaaday walaal oo go,aamada la gaaray. mardhow ayaan soo galin doonaa warbixinta dhameystiran oo ku saabsan go,aanka iyo sidii dooda u dhacday.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. saynab says:

    aad ayaad u mahadsan walaal jimcaale sida quruxda badan oo aad noogu adeegeysid waana kaa sugeynaa anagoo webka somaliska indhaha ku heyno thnk u

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. nurka says:

    viva somaliska.com waxanidinka sugeynaa aad la soo dahdeen warbixinti baarlamanka sweden soo galiya hee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. cabdi says:

    mansha allah lakiin waa in laga fikiraa dadka loo diidan yahay sharciga waa in aan laga fikirin meel dheer oo aan la gadhay hadii anu nahay reer skellefte waxaanu rabnaa in ay nala soo xidhiidhan dadka loo diiday sharciga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. nimco says:

    aad ayaad u mahadsan tahay walaal sida quruxda badan oo aad noola socod siineysay sida ay waxa u dhacayaan waadne mahadsan tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. beelo says:

    a s c
    hadadsanidiin walalayaal bahda ku midowday somaliska waad wada mahadsan tihiin sida sharafta leh oo aad noogu soo godbiseen agbaarta mahad ha idinka gaarto wan ognahay inaad tihiin walalaheena gaaliga eh oo wax walba jecel in ay nala wadaagaan ee ilahay jiso ha idinka siiyo walow waxi ala goro aan la seegaynin hadana dadaalku ma reebano oo waa waajib mahadsanidiin waligiinba jira somaliska wax idin dhibana ala idinkama hor keeno waxaan sugnaa waa jawaabtii baarlamaanka mahadsanidiin walalaheen jiraa tihiin a s c

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. hodan says:

    asc wan idin salamay dhaman bahda somaliska jimcale iyo siciid runtii wanku farax sanahay sida qimaha badan ee ad nogu so tabinesan war bixinta ilaahna waxan ka rajeyna inuu wixi kheyr ah na waafajiyo idinkana taariikhda idin xusi donta runtii aniga manta shucurteyda aad ayey u kacsan tahay waxana si toos ah ula socda banan baxa anigo joga wadanka kenya waxana ilaah ka rajeyna inuu reeraha somaliyed mar dhaw mideyo aniga waxa iga maqan ilmaheyga aabahood walina wax jabab ah ma heyno ee ilah hanaga siiyo jawab kheyr qabta aniga iyo inta ila midka ah aamiin jimcale adna alaha kuu abal gudo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. anfac says:

    walal jimcale wanku salamay kadib wakhtiigi wili lama garinmiya maba suugi karnoo noso daa daji aboowe mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Abdulkadir ilyas says:

    bahda somaliska aad ayaan idiinka mahad celinynaa sida hagar la’aanta ah ee aad nooga haqab tirtaan warbixinta ku sabsan reeraha uu go’aankani kala xayiray.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. saciid cali says:

    Asc jimcaale xaalka mafiicna miyaa bro saa udaahday ayaan ujeedaa illahow warsan noosooyeersii oo aan ku faraxno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Juluxyare says:

    Asc dhaman aqristayasha somaliska ok aad ayan ugu mahadnaqaya dadka waqtigoda so huray si ay umuujiyan xayirada saran runti wa geesinimo arin lkn waxa dad badan ey kawardhorayan go.ankii uu gaaray barlamanka maanta ilahay qeyr haka dhigo ayan dhaheyna asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. faysal says:

    jimcalemarkahoresalan saremarka labaadwalaal waxaan waardiyekanahay warka barlamanka uugaray sidan marqura aan u aqrisan laheen waxaan nahaywalidiin kunool afrikaoo xaalada soomaliska uu uhayo bulshada kutaxan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. daade says:

    a,s,c,dhamaanbahda somaliskagaar ahaan jimcale jimcale walal waxaan kaasugeynaa doodi barlamanka oo aad noosootabiso waxaan nahay waalidiin aad uwalwalsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. DHOOL says:

    asc ,walal waa sugu la sanahay .ee JIMCAALE. SOO DHAQSO CALOOSHA BAA NAHUREYSO ,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. umuzakariye says:

    alle dad igu mid ah buuxi ogaa ane sidaan ufiirinaayay waan daalay allow luqada inoo fududeey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. yahye abdi haji says:

    waan idiin hanbalyaynayaa dhamaan howl wadeenada Somaliska.com. intaaa ka dib waxaan rajaynaynaa insha allaah inay khayr noqon doonaan arrimaha somalida oo dhan . waxan kaloo sugaynaa waqti dhow in l asoo qaado dadka maqan oo jooga africa sida Ethopia.Uganda iyo meelo kale.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. m says:

    asc dhaman walalada somaliyad jimcale walaal hadii aad wax noheyso soogali aniga waxan u malaynaya jimcale ma ahaayo arinfiican walal iska sheeg wa cadii alle aya nomaqan sweden waxba noma hayso

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. maxamed says:

    asc dhaman wad salaamatihin walaal jimcale sweden go aanki madiiiday isku keniida reeraha maxad la amustay wayabee waxnoo sheeg

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. abdiqadir says:

    somalida go ankii ay sugayeen oo ah in dadka lo keeno waaa laga wada gaab saday oo wali go an sax ah kama aysan gaarin maantay barlamaanka gudi ayaa lo xil saaray sooo xaqijiya somlida dac wadahoda waxa lo xanimay in ay wax k ajiran

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. faracade says:

    assalaamu caleykum dhamaantiin!
    bahda warbaahinta somaliska aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin sida aad warka noogu soo gudbineysaan page kaan si kama ah baan ku helay anigoo war raadinaayo waana ku farxay sida aad u dadaaleysaan aniga reer sweden ma ihi laakin sidaan wada ognahay soomali meel walba ey joogto waa isku xirantahay marka aniga sweden dad ayaa iiga xayiran…FADLAN NOO SOO GUDBIYA DOODII BAARLAMAANKA….markale waad mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. Maxamed yuusuf maxamed says:

    Walaal go’aanka baarlamaanka uu qaatay baan u baahanahay yaa ii sheegi karo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. anfac says:

    asc dhaman walalada somalida waxan somaqlay in dadkii barlamaka go aankii uu sifiican kudhamaday dadka walaysku keeni hadan waxan kadawaday tilifishika sweden caawa marka masha allaah isdajiya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. Abdi Ahmed says:

    asc wr wb dhamaan waan salamayaa somalida ku nol wadanka Sverige gaar ahaan reer sweden really aad baan ugu xumahay Go.aanka ay gaaren baarlamaanka sverige wlhi manta waxaan aqri yay in moshinka uu aad ukululaa lk aysan wax ka soo nasa cadaday aysan jirin sweden ay go aan satay in aysan keenin inta kala maqan manta dhan ama inta aan tani sugeynay mahen mid aan qoraal ku so kobi karno iyo sida ay wax isku badaleen really lk somali yey tani waa mid aan anaga isku dhig nay aan gac maha is qabsano oo aan dagaal kena iyo walaal tinimadena aan isku darsano insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. mohamed hussein says:

    asc dhamaan dad weynahay somaliyeed meel waliba ey ka joogan dalkaan Sverige . mid xiga runtii ayaad ayaan uga xumahay go aanka ey gaareen baarlamaanka dalkan sweden go aankaasina waa go aan qaldan . sababta oo ah dadka kale familkooda waa loo kena lakin somalida bas iney ka diidan iney dadkooda la midoobaan taasi waa cunsuri nimo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. nasteexo says:

    sc walaalayaalkeey somaliyeed aad baan ugu xumahay in arinta barlamaanka saan u dhacdo waa naxdin ilaahse aktiisa kama dheero inalaaha maca saabiriin ha la sabro mar un beey ogolaan doonaan wabilaahi toowfiiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  36. Zakarie Hassan says:

    walaal aniga waxaan qabaa fikirkaan midkaduwan wuxuunayahay dooda ah keenis ilmaha lakeenaayo halkaan waxaan oranlahaa ilma aad doonaysaan inaad keentaan waxba hakudagdaginina sababtoo ah waad aragtaan dadka ilmahoodi laqaatay hadaba hadaadan kafaala qaadikarin ama aadan iididi karin oo aadan orankarin ilmahayga layga qaadimaayo oo aan lagaala tashanayn adoo ujeeda lagaa qaadanaayo waxa aad ugu dag dagaysaan inaad keentaan miyaad doonaysaa inlagaaqaato?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • fadumo says:

      asc aad iyo aad baad mahadsantihiin sidaad war bixinada ugu dadaashaan

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  37. shukri says:

    asc wr wb wlahi aad ayaan uugu faraxsanahay idacad ka hadleyso danaha somaliyeed inaan helno waliba shacabka dhiira galineyso noolow somaliska

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0