Mudaharaad ka dhici doona Göteborg

Mudaharaad lagu dalbanayo in la qoro sharciga mideynta reeraha Soomaalida iyo qaasatan in wax laga qabto arinta dadka aan wax isku dhalin iyo caruurta la soo korsaday ayaa ka dhici doona magaalada Göteborg.

Dibadbaxa oo ay qabanqaabinayaan ururka Sinnaannätverk ayaa mar hore la soo qaaday ogolaanshihiisa iyadoo uu dhici doono taariikhdu markay tahay 20 November saacaduna tahay 14:00-17:00. Goobta uu ka dhici doono waa Götaplatsen.

Booliska ayaa imaan doona goobta si ay amaanka u sugaan, waxaa dhinaca kale laga doonayaa ka soo qeyb galayaasha in ay amaanka iyo nadaafada dhowraan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

18 Responses

  1. aflibahle says:

    asc muslimiinta dhamaan meelkasta oo ay joogaan waxaan leeyahay ciid mubaarik wa antum bilkhayr ilahy hay nagu gaadhsiiyo teeda kale inaga oo caafimaad qabna dhamaan muslimka waxaan kale oo hanbalyo u derayaa dadka wada qaban qaabada mahadaraadka in ay is mideeyaan sida ay ugu guukaystaan ilahayna haydinla qabto waxaa sidaa inoo galay waa mawqif la aan wad mahadsan tihiin asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. hanad says:

    tii horay ayaba meel loo layahay ee maxaa mid kale nalogafura arbinadanka dhibbadana war sug ilaa nagala ogalanaayo tii hore

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. hanad says:

    kuwii caruurta isku dhalay ilaa laga kenaayo hala sugo aan dhihilahaa aniga xitaa waxaa iga maqan xaas oo waxba idhalin lkn waxaan u jedaa dhibka mesha yala oo ah kuwii isku dhalay caruurta ayaaba ladidayaa sidee wax kale lokenayaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Magaca...suleqo says:

    Asc iid mubaarag kulu caam wa antu biqayr dhaman muslimiinta mel walbo ay jogan sanadkan kiisa kale ale hanagu garsiiyo barwaqo iyo baarare insha alaah wadan kiiyo nabad ah aamin aamin mida kale kuwi ilmaha lahaa yaa wali meel lo hayne suga dab hanagu shidinina

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Magaca...muntaas says:

    Asc ciid wanagsan walalayal dhaman umadaha musliminta meel walbo oay jogan qasatan inta ku hadasha afka somaliga sanadkan kiisa kalane ale hanagu gaarsiiyo cafimad qab iyo cibado suban wadan kenana ale nabad hanoga dhigo aamin waxan dhihi lahaa dadka caruraha isku dhalay hala qado kadib iyada iska furmi doonta dacwadina e iska suga lk iyada oon familada lo furin doodkale haku furinina o dab haku shidinina walalihin wayo timirtii hora dab loo wayay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Magaca...muntaas says:

    Asc eid mubaarak jimcale iyo bahda somaliska ciid wanagsan walalayal dhaman umadaha musliminta meel walbo oay jogan qasatan inta ku hadasha afka somaliga sanadkan kiisa kalane ale hanagu gaarsiiyo cafimad qab iyo cibado suban wadan kenana ale nabad hanoga dhigo aamin waxan dhihi lahaa dadka caruraha isku dhalay hala qado kadib iyada iska furmi doonta dacwadina e iska suga lk iyada oon familada lo furin doodkale haku furinina o dab haku shidinina walalihin wayo timirtii hora dab loo wayay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. samka nuura says:

    asc ciid wanaagsan dhamaan muda islaamka meelkasta oo ay joogaan,hadaanku darsado ra yigeyga ama aragtideyda waxay ila tahay maadaama ay sweden ogolaadeen hada kahor iney isku keenaan dadka isdhalay gaar ahaan kuwa caruurta ay ka maqan yihiin hadaba hadana maxuma hadii lasameeyo mudaharaad kale waayo kaasoo looga hadlayo dadka aan waxba isku dhalin iyo dulsaarka waxay aniga ila tahay arin fiican oo loobaahan yahay waayo waa in laga helaa jawaab si ay ugu qancaan dadkaasi oo aan kahaysan wax jawaaba wali ilaa hada waa muhiim in meel lasaaro dadka aan ku dhalin wali iyo dulsaarka MACASALAAMA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Raaqia says:

    asc
    waxa layidhi abeesadu marka farta lootaago bay fanaxa udooda oo matasaynu kenay
    dadka isqaba waa macquul lakin wixii kale waa delqaaf

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. kowthar says:

    Asc dhamaan Asxabta la socota bogan somaliska waad mahadsantihin.hadan ka hadlo fikirkeyga waxa ila quman dadka aan waxba isu dhalin in lagu daro dooda iyo mudaharadka lakin naga dhaafa waxba laso korsada iyo wax yabaha kale ood wadan waxa la yiri markad madaxa meel lagasho ayaa lugtana loradiyaa marka waxan dhihi lahaa madaxa mel nogaliya lugtana wey imani doontaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  10. bushra says:

    a s c dhamaantiin waa idin wada salamayaa waxaa kaloo idiin shegayaa hadii wax la bilaabo dhadhaca wuu ina soo garayaa isha allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. hassan ali says:

    as
    salaan ka dib waxaan qabaa in maalin kasto mudaharad la sameeyo wax kastoo macquul ah in lagu daro daro anaa korsaday xataa eedo iyo awoow haloo doodo waa siday aniga ila tahay haduu go,aan mar soo baxo hadana ku daristiisu waa dhib ee yaan la kala reebin kowthar adigana nagu raac aan kuu duceeynee
    wa bilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. fartun says:

    as
    walaal hassan aad ayaan ula dhacay fikirkaada runtii ama aan wax helno amam hala waayo waa jid aan ku wada qanci karno waana kugu raacay aniga fikir ahaan hadii uu jiro wax banaan bax ah oo sabti ama axad dhacaaya ii sheega waan aadayaa meel kasta uu yahay svarige waxan isika tagay amuraha alaha suubiyo
    macsalaama soomaliyeey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. FM says:

    Waa howl wanaaagsan halkaas ha laga wado ololaha mudaaharaadka ee ku aadan mideynta reeraha kala maqan ee Soomaaliyeed dhamaantoodba kuwa caruurta isku dhaley,kuwa cusub iyo kuwa la soo korsadeyba.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Abdirashid Ali says:

    Asc dhamaan umada soomaaliyeed meel walba oo ay aduunka ka joogaan… waxaan idin leeyahay ciid wanaagsan dhamaantiin. Waa yaabka yaabkiis Gaaladaan nama rabaane maxaan isugu dhaj-dhajinaynaa.. Mudaharaadkaan siduu u bilawday waaye waligiis ma joogsanaayo maalin walba wax cusub ayaa la sheegayaa. Soomali hadii aan nahay Buufis waligeen nagama baxaayo meel walba aan joogno sababtoo ah waxaan noqonay dad raba Dibad iyo lacag free ah. Ilaahay na abuurtay aan u laabano. Ilaahay iimaankeena ha sugo. Jimcaale Bro waxaan jeclaan lahaa inaad barnaamijyadaada ku soo dartid Baraarujinta WADANIMADA Iyo DHULKA Hooyo Wanaagiisa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Magaca...rashka says:

    asc dhaan bahda somaliska waan idin salamay hadaan ujawaabo abdirashiid xaqiiqda waxeeytahay meelaan nabad kajirin inkastuu wadankeena yahay nafta umariyaaqdee sxb wadanaan lahanjirnay iyo wadani jaceel haduu nagujirane wadankeena maangubneen ijiid aan kujiidee waa gacma daalis ee dadkaan wadamada kale nabad galyo uraadsan hakamudaharadanee dadka haqasin wabilahi towfiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Abdirashid Ali says:

    Bro waa runtaa wadan aan nabad ka jirin lama aadi karo. laakiin ma isleedahay somali 22 Sano iyo ka badan ayay Dibadaha wareegaayeen.. waxaa is waydiin mudan waxa aan dibad u tagno ma inaan Cayr qaadano ayaan u tagnay mise inta aan waxbarano oo wadanka Jaahilinta ka saarno ayaan u tagnay? ilaa hada somalida dibadaha jooga Nolosha somalia mid ka xun kuwaa ku nool ayaan qabaa.. Somalia Nabad ka dhici mayso ilaa dadkeeda Dawarsi iyo duurwareeg joojiyaan!!! Teeda kale ma ogtahay Somalida Europe hadii ay tageen xitaa inay rabaan inay ka baxaan oo Qaarad kale iska dhiibaan.. Waad ogaandoontaa Somali Buufis dartiis Somalia ayay iska dhiibi doonaan..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. umu ilhaan says:

    asc waad salamantiin dhamaan , waxaan aad u dhiiri galinayaa walaalha soo abaabulay inay muu jiyaan shacuurtooda dad nimo matalayan magaca umada soomaaliyeed waxaan noo rajaynayaa guul lagu haminayo in ilaahay na gaarsiiyo wadankeeniina nabad nooga dhigo inta joogta gobolada dalkan swidena ay niigu dayaydaan oo aad tusaale u noqotaan anigoo ku nool magaalada borlänge

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. haliima says:

    Good job ayaan leeyahay soomalida

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0