“Muslimiinta Sweden inta badan kama fogaadaan xagjirnimada iyo argagixisada”

Sidaa waxaa yiri Abshir Osman oo ah nin Soomaali ah kana tirsan xisbiga Moderaterna (M) ee magaalada Eskilstuna. Abshir Osman ayaa telefishinka SVT u sheegay in uu ku noolyahay cabsi joogto ah oo ay hanjabaad ku hayaan dadka taageersan ururka argagixisada ah ee ISIS.

Waxa uu sheegay in magaalada Eskilstuna ay ku noolyihiin dad taageersan ururkaas oo ay adagtahay in aad wax ka sheegto argagixisada. Isagoo intaasi ku daray ka dib markii uu cambaareeyay ISIS in noloshiisa ay cabsi gashay oo uusan xitaa booqan xaafadaha qaarkood.

Inkastoo laga yaabo in ay jiraan dad tiro yar oo taageersan ururkaas, oo aan la aqbali karin in ay caburiyaan dadka xorta ah ee ku nool Sweden, ayaa hadana Abshir Osman waxa uu ka dhawaajiyay in aysan jirin Muslimiin badan oo si cad u cambaareeya ururka ISIS. Hadalkaas ayaa ah mid runta ka fog, iyadoo aan wada ognahay in Muslimiinta ku nool Sweden ay si cad uga soo horjeedaan ururkaas iyo ficiladiisa. Hadaba waa maxay sababta ninkaan uu si caam ah uga hadlayo Muslimiinta?

Sanadihii dambe  waxaa soo batay in dadka soo galootiga ah ee ka tirsan xisbiyada Sweden qaasatan Moderaterna (M) ay bilaabeen in ay ku halaan hadalo la yaab leh, si ay ugu soo caan baxaan saxaafada Sweden isla markaana looga jeclaado xisbigooda. Qaasatan Soomaalida ka tirsan xisbiga Moderaterna oo sanadihii dambe noqday mid xagjir ah kuna dhow cunsuriyad ayaa bilaabay in ay ku hadlaan hadalo ka soo horjeeda Muslimiinta, iyagoo ku soo gambanaya cambaareynta argagixisada.

In laga soo horjeesto argagixisada waa waajib wada saaran Muslimiinta, in dhalinyarada Soomaalida iyo Muslimiinta laga wacyi galiyo qataraha xagjirnimada iyo in aysan u safrin dagaalada Bariga Dhexe waa mid noo wada taala balse in saxaafada Sweden sambaatiyo looga diyaarsado aflagaada iyo afxumada Muslimiinta ayaa ah calaamadaha caado-qaatayaasha, taasoo u muuqata in Soomaalida ka tirsan xisbiga Modaretarna (M) ay wada noqdeen. Oo haddi ay damiir leeyihiin mar hore ayay isaga bixi lahaayeen xisbigaas oo hada noqday SD labaad.

Maku raacsantahay hadalka ninkaan? Mise waxaad isleedahay waa mid uu ku doonayo in uu ku soo caanbaxo? Ku darso fikradaada…

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. nuuradiin says:

    waa war xaqiiqda ka fog runti muslimiinta dhan meel ayay ugaso wada jeedan argagixisadu dhibta ugu badana waxey ku hayaan wa wadamada islamka. ninkaan waxa u shegay runtii waa wax aad loka naxo lala yaabo laka yaqyaqsiyooda in ruux muslim sheekanaya u waxa ku hadlo. aad ban u canbaarenaya ani ahaan falkaan foosha xun.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  2. haanim says:

    ma ku raacsani somalida qaar waxa ay jecelyihiin soo can bixid waana beenlow ilaah aan ka cabsanin ninkan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

  3. Amin says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 14

  4. Luul says:

    asc
    kuma raacsani waana nin tuug ah oo beenlow ah hadii uu yiri xafaha qaar ayaan cabsi darteed u tagi waayey. sweden ma gaarin heer la kala baqo amaan keedana waa boqolkiiba sagaashan iyo sagaal. waa mid waalalan wax macquul ah na ma sheegin warkaasna in uu xaqiiqada ka fogyahay waa cadahay

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. cabdala says:

    wax waa ka jiraan laakiin waa ka badbadiye naftiisa halisma gelin waase jraan dad taageersan si weliba daran

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  6. shankaron says:

    Cajiib waa aduunyo gabayga bo ah walhi waxaan layaaba eraygaa argagixiso . Tolow yaa loo garanayaa argagixiso? Ma kan daraagiska ,daaru kusalaadka catul dariiqa .mise kan tukada ee kitaabka isa midigta ku qabsada oo diiday wixii alle ka xarimay qaatana wixii alle faray anigu areygaa ayaanba garan waayey cidda loo yaqaan bal halay sheego akhyaaray duqaan bashiir ahna waxaan leeyahay adeer gaalka sidaa kugu jeclaan maayo inuu ku casilo ayaaba suurta gal ah . Ee bal xaalada ka fiirso

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. luul says:

    asc
    shankaron waxa tiri waa maxaay argagixiso haley sharaxo.
    argagixiso waa ururada islaanimada sheeganaya ee dadka islaamka intiisa kale gaaleysiinaya ee dhiiga islaamka iyo kan gaaladaba gardaro ku daadiya si weliba bilaa yacni ah ee naxariis laawooyinka ah ilaahey xaqa ha tuso ayan leenahay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  8. Uurdoox says:

    KUMA RAACSANI KUMA RAACSANI , WAA BEEN IYO BROBAGAANDE.. MUSLIMIINTE SWEDEN WAA KASOO HORJEEDAAN URURADAAS LAMAGACAABAY. .TAN KALE DADKA MUSLIMIINTA UMU BAAHNO QASABNE KUMA AHA IN DABA DHILIFYADAAN OO KALE IYO KUWA MUNAAFIQIINTA AH UMA BAAHNIN INEEY INTYG AMA SHAHAADO EEY NASIIYAAN OO EEY NAGU CADAYNAAYAAN INAAN NADIIF NAHAY IYO INKALE SABABTOO AH DABA DHILIFKA IYAGAA NADIIF AHAYN OO AH WAX LAGA SHAKIYO. .MARKE QOFKII RABO INUU SUMCAD RADIO MUSLIMSKA AYEEY CAAYAAN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. shankaron says:

    Ma aha kuwaa la magacaa bayb ee waa kuwa ku duula ee guryaha da ugu tegay oo gubay masaakiin ta caruur aha waa na layaqaan dabaabaadka iyo diyarada ha raga wata ayaa ladhahaa argagixiso saqdhexe ayey ku gu maadan huba noocyadiisa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Mohamed Omar says:

    Maya, waa hayi raac dano gaar ahaaneed ka leh xisbigiisa moderaterna si uu maqaam fiican ugu gaaro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Asc walalyaal hadad somali tihiin dhib waa idin haystaa e allaaah inaga dul qaado maxaa isu dhibysaa argagixiso waa buuxdaa aduunka oo dhan somaliya kaliya ma ahan oo nin kii fikir khaldan isku xirah oo umada dhiba ilaahy baa ka jaraya idinku ilaahy ka baqa cibadysta meshaan marba wax ha isku khilaafine walaahi bilaahi somali aan isu jedin baa hadal qoraal ah ku heshiin la dihiin e kuwa wadankii ku heshiin la waxba ma dhaantaan ninkaanah danihiisuu muslim oo dhan afka ula galy waxaana dhihi lahaa xaqa allaha ku tuso muslinkana allaha koryeelo Mel kasty jogaan kii xunah allaaha no so hadeyo dhibta allaha Naga korqaado hadynu somali nahay ilaahy qulubtena wanga iyo xaqa rabi hanagu toosiyo asc walalyaal

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. saleban says:

    caade qaate weeye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0