Muslimiinta Sweden oo weeraro lagu haayo

Masaajida iyo goobaha ay isugu yimaadaan Muslimiinta Sweden ayaa la sheegay in lagu haayo weeraro kala duwan sida lagu soo bandhigay cilmi baaris ay sameeyeen arday ka tirsan jaamacada Mittuniversitet.

Cilmi baarista ayaa lagu soo bandhigay in qiyaastii 40% ka mid ah masaajida iyo goobaha ay leeyihiin Muslimiinta loo geystay weeraro isugu jira dab qabadsiin, handadaad iyo qarbudaad. Weeraradaan oo aan loo saarin cid gooni ah ayaa warbixinta lagu sheegay in ay yihiin kuwo inta badan isku qaab u dhaca.

Waxyaabaha dhaliya in ay weeraradu siyaadaan ayaa la sheegay in ay saameyn ku yeelato dhacdooyinka caalamka ka dhaca sida weerarada argagixisada iyo dhacdooyinka gudaha sida marka masaajid cusub goob laga dhisayo. Marar badan ayay dhacday in mudaharaad laga sameeyay masaajida cusub, sidii ka dhacday magaalada Göteborg oo labo mudaharaad oo waaweyn oo midna looga soo horjeedo midna lagu taageerayo masaajidka cusub ee magaalada ay halkaasi ka dheceen sanadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, cilmi baarista ayaa lagu soo gabagabeeyay in weerarada ka dhanka ah Muslimiinta ay yihiin kuwo ka dhaca guud ahaan Yurub. Muslimiinta Sweden ayaa la sheegay in ay ku suganyihiin xaalad ka fiican dhigooda ku nool wadamada Yurub.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. Najma says:

    Aslaamu calaykum. RANADAAN KARIIM!
    Hadaan fikirkayga kadhiibto waxay ilatahay weerarada islaamka laguhayo waa ay balaaran yihiin, oo Aduunnkoo dhana ayay kasocdaan. Laakiin “KAFAA BILAAHI WAKIILA”
    Muslimka ilaahay ayaa lajira insha,alaah way guulaysan ilaah idinkii. wsc, wr, wbr.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. fana says:

    ASC hota waa kaxumahay werarada lagu hay0 islaamka lkn layabi maa galadan wayo muslimin tii ayaa masajid dhex dii dad kii kudilaya marka halayabina gaalada illaahey casiday

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. ayaanla yare says:

    asc walalayal waa ujedin sida uu wadan kena somaali yed u dhibaatey sanyahay marka aan caawina iswedon dad ayaaleh adi lkn waxad ledahay somalia

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0