Ninkaan maxaa daba dhigay Muslimiinta iyo masaajida

Tan iyo markii Sweden ay bilowday in ay lacag ku bixiyo waxa loogu yeero la dagaalanka xagjirnimada iyo argagixisada ayaa waxaa soo badanaya dadka doonaya in ay qeybtooda ka helaan shilimaadka, kuwaasoo diyaar u ah in ay ku hadlaan waxkasta oo ay ku hanan karaan jaceylka saxaafada Sweden iyo Mona Sahlin oo dowlada u qaabilsan qeybinta lacagtaas. Qaar kale ayaa doonaya in ay dhinaca siyaasada magac uga helaan oo haddii ay Soomaalida cod ka waayaan diyaar u ah in Swedishka ay u bandhigaan hadalo ka soo horjeeda Muslimiinta si loogu arko in ay yihiin kuwo dhexdhexaad ah oo jecel xadaarada reer galbeedka.

Dadkaas ayaa waxaa ka mid ah ninka lagu magacaabo Hashim Salad Elmi kaasoo caadaystay in uu saxaafada Sweden uga waramo arimaha argagixisada iyo xagjirnimada isaga oo qaasatan farta ku fiiqaya masaajida iyo Soomaalida. Wareysigii ugu dambeeyay oo uu siiyay idaacada Sweden ayuu ku sheegay in ragga dhalinyarada u kexeeya argagixisada ay ku suganyihiin masaajida. Eedeyntaas ayaa ah mid weyn oo uusan soo bandhigin wax cadeyn ah. Wareysiyo kale oo uu horey u siiyay Aftonbladet ayuu ku sheegay in Soomaalida Sweden ay maamulaan dad xagjiriin ah, taasoo iyadana iska cad in ay been abuur tahay.

Hadaba ma in uu xoogaa qarash ah u helo jaaliyadiisa mise in uu saxaafada ka soo caanbaxo ayuu u fadeexaynayaa Muslimiinta iyo masaajida mise arimo kale ayaa jira? Dad aqoon u leh isaga oo codsaday in aan magacooda la soo qorin ayaa ii sheegay in ay jidho xurguf shaqsiyadeed oo isaga kala dhaxaysa masaajida qaarkood, iyadoo taasi ay salka ku hayso arimo qoys balse taasi ayaanan xaqiijin.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan ninkaan oo keliya dadka diyaar u ah in ay waxkasta ku hadlaan si ay saxaafada uga soo dhex muuqdaan ama ku gaaraan danahooda siyaasadeed, shaqsiyadeed ama arimo kale. Horay ayaa loo kashifay dad been ka sheegay in ay dhalinyaro ka badbaadiyeen safarka Syria si ay lacag ugu helaan kuwaasoo baaritaan ka dib la ogaaday in sheekada dhan ay been abuur ahayd. Ilaa uu soo bandhigo cadeyn ayaa hadalada Hashim uu la dhexmarayo saxaafada aysan taasi waxba ka duwanahayn.

In laga hortago xagjirnimada dhalinyarada waa waajib na wada saaran, waana arin ay masaajida iyo Muslimiinta Sweden qeyb weyn ka qaadan karaan balse in saxaafada laga dhexqeyliyo sida qof caraysan adiga oo aan soo bandhigin fikrado waxtar leh oo arimahaan lagu xalin karo, ayaa Hashim iyo dadka la midka ah u soo hoyn doonta sumcad xumo iyo fashil ku yimaada ajandahooda qarsoon ee ku dhisan danaha shaqsiyadeed, siyaasadeed ama dhaqaale.

Soomaalida iyo Muslimiinta Sweden ayaa waxaa la gudboon in ay saxaafada u cadeeyaan in dadka nuucaan ah aysan cidna matalin isla markaana ay  yihiin caadoqaatayaal diyaar u ah in ay waxkasta ku hadlaan si ay xoogaa shilimaad ah u helaan.

Sidee kula tahay adiga akhristoow?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

18 Responses

  1. Qalaw says:

    Waa KU sugtay jawaabtiiisa

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

  2. luul says:

    asc
    aniga wexey ila tahay in kuwa dhaqaale doonka ah ee doonaya in ey iib sadaan muslimiinta in laga hor tago sida looga hortago argagixisada oo kale waayo hada xiisad ayaa gacsan lamana ogan karo xaqiiqda dhabta ah sas darteed wexey abuuri karaan shakiyo badan ama tuhun dhinaca muslimiinta iyo masaajid yada ah

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

    • mohamed says:

      War dadkan yaab ayee leeyihiin nin dalkiisa u soo tashan waaye muxuu wax ka hadlaa wlhi meel xun ayuu risiqa kagalay muxuu u ceweynaa dadka islamka dadka arga gixisada ah ma ahan dad diinta qibrad ulleh waxaa laga yabaa in ay dan ugeysay qof walba wuxuu rabaa nolol marka somalida wey sii xumanayaan hadii ay sidaan ku sii socdaan waxaa laga yabaa in uu wax badan kahalabo illaahow dadkan xaqa tus idinkana ducada ku kaalmeyay in uu illaah xaqa tuso dadkaan xumaanta kadawa waregayo

      U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  3. Ahmed says:

    Geel baa loogeesay markaas ayaad gorayo u heestay. Waxay ahayd inaad ninka u jawaabto adiga oo warbahinta swedishka adeegsanaya una sheegaya Waxa saxda ah, waayo dadku lahadlay somali may ahayn,

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 3

  4. abdulahi says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 9

  5. dahir says:

    Asc walahi karaamo iyo ciso waxaad ku leedahay diintada muslimkaa hana dulmin adna wax haku dulmin cisiga iyo sharafta diintadana ha ku xadgudbin .

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 3

  6. dahir says:

    Penga inte alltid så tänk vad du gör och vad du prata om. Muslim är bästa över hela världen vi ska leva och vi ska dö vårt bästa muslimer och lyssner inte äckliga folket som slickar. .

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 6

  7. XAAMUD says:

    DADKA NOOCAAN OO KALE AH EE MUNAAFIQIINTA AH WAA DAD AAN MAB DA IYO DAMIIR LAHAYN SWEDESHKE IYO REER GALBEEDKE WAA OGYIHIIN INEEY DAACAD KA AHAYN SABABTOO AH QOF DIINTIISE IYO DADKIISE CAAYAYA OO ISMOODO INUU REER YURUB NOQDAY LAMA AAMINI KARO LAAKIIN WAXAA CARABTA KUMAAHMAAHDAA EEYKASTPO QEYLIYO HADII DHAGAX LUGU TUURO DHAGAXDE AYAA DHAMAANAAYO EE KUWAANOO KALE WAXEEY ILATAHAY MA ISTAAHILAAN XATAA IN MAGACOODE LASHEEGO

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  8. AYUB says:

    asc dhamaantiin walaalayaal salaan kadib waxaan ku faraxsanahay fikradihiina saliimka ah ee aad meesha kadhiibateen anigu waxaan oran lahaa hore ayaa loo yiri balse waxaan kudarilahaa oo kaliyah in markaan fikradaheena dhiibaneyno aan dhanka san wax ka eegno waayo waxaabo moodaa qof kamidah dadka meesha kahadlay inuuba asagii qudhiisu yahay shaqsiga uu mowduuca looga hadlayo.Qurbo ayaan joognaa waxa balaayada wado oo islaamka wuxuu shaqo kulaheyn dusha usaarayo Allaha sooqabto dhamaan muslimiinta Allaha amaansato gaar ahaan umada soomaaliyeed dhulkeenana Allaha nabad noogu soo dabaalo.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  9. Ahmed says:

    Dahir somaliga miyuu kugu adagyay sxb mise sfigii ayaad kujirtaa? Lkn somali baanu nahay!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. Sumayo says:

    Asc Haduu dadka muslimiinta ah iyo masaajida alle uu dulmiyo ilaahay baa ka abaal marinayo,diintiisa ayuuna ku iibsaday lacagyar iyo baadinimo

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  11. Cabdi qani says:

    Qofku waxa uuyahay ayuu dadka moodaa, meeshaan lacag cidna madooneyso ee waxaa lanacay mamda’a ama fekerka waalan ee aad la rooreysaan. Kaasoo ah ideologi khaldan ee la idin ku gumeystey/ ama la idin ku tarbiyeynayey guryihii Aad kusoo korteen ama maskaxda la idinkaga Qabsadey 1000/sano. Saudi arabia ee weliba faKhri idiin geeyey waagaas ilaa ka awoowe ka abkow ka awoowe.
    Waxaas oo Aad rabtaan weliba inaad sii faafisaan. La idinkana xishoodo maalinkasta. Intaad soo cunteen dalkiinii. Markaasaa weliba afka qurunkaa kutaagaysaan qofkii ka hadla runta.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  12. yaaban says:

    Intaad haashi u geysatay ayaa boqol denbi oo uu galay ka badan waxa xun waa la shiigayaa ama guri ha joogo ama masaajid haku jiro diinta aad difaacayso haday tahay taad dal iyo dadba ku cuntay kaa qaadan mayno isku diina maba nihin anaga waxaan haysa naa oo naqaan ilaamka nabad gelyada ku dhisan xaaraanta iyo beenta ka reeban dhiiga dadkana laga xarimay anugu kaad haysataan ma aqaan wabilaahi tawfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  13. hasan says:

    Kan Malaha sinjigiisu maaha somali, foosha xun leh, mise Talow waa Somali Africankaas ka dhaleen Somalidaas iska hoogtay ee aduunka ku kala Bayhoofsan, ilmo xalaal maaha waxa waxan ku hadlayaa.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  14. Geedi shaanbow says:

    Walaalkeen allaha soo hanuuniyo, afka halaga qabsado dunuubta socota, shakhsiga maqaalkaan qoray illaahay ha uga cabsado fartiisa, maxaa yeelay hadalo laguu soo dhiibay oo massage ah ayey u egyihiin, dad dano khaas ah iyo dowlad Sweden oo la rabbo in lagu boobo magac masaajid ayaa kugu xariira, marka 2 jiho oo dhaqaalo doonayaasha si cadaalad ah wax ugu sin, webbsite ukhaas ah dadkii waxboobeyaasha ah afkooda ku hadla ha noqon, maalin qiyaame ah oo alle la is hor keenayo ayaa jirta ee Ogow .. Mahadsanidiin wixii aan khaldo waa nafteyda iyo sheydaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  15. qadan says:

    ameeen raabi haa so hanuniyo dintisa mcn inu ku xagdubo ninka uu bareray isaag qiyamh laaga bal marin ilahy dariiqa saxad aah haa inaagu hanuniyo suxan Allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. xassan shekh maxamud says:

    ninkan wa nin habargidir oo sacad ah ,abihiis wuxuu deganyahay cadaado gobolka galgaduud micnaha galmudug,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Omar Nuur says:

    Haashin inuu Soomali yahay ma la huba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0