Ninkii argagixisada lagu eedeeyay oo Swedishka xaflad u dhigay

Wiilka lagu  magacaabo Moder Mothanna Magid oo reer Iraq oo lagu eedeeyay bishii hore in uu maleegayay weerar argagixiso oo ka dhan Sweden, ayaa isbuucaan waxa uu xaflad iyo damaashaad u sameeyay Swedishka. Wiilkaan ayaa ka dib markii ay soo qabteen booliska Säpo lagu waayay wax dambi ah balse sawirkiisa ayaa wadanka oo dhan lagu faafiyay iyadoo dadka oo dhan ay u barteen in uu yahay nin argagixiso ah.

Wiilkaan ayaa markii laga soo daayay xabsiga go’aansaday in uu dib ugu laabto tuulada ay ka taalo xerada qaxootiga ee uu ku noolyahay oo lagu magacabo Boliden, isagoo isugu yeeray dhamaan dadka tuulada ku nool in ay kala soo qeyb galaan xaflad iyo damaashaad, taasoo uu ku doonayay in uu ku nadiifyo magaciisa.

Xaflada ayaa dhacday habeenkii jimcaha iyadoo ay ka soo qeybgaleen ilaa 100 qof. Waxaa meesha lagu soo bandhigay cuntada carabta, iyadoo saqdii dhexe ay meesha ka bilaabatay niiko iyo damaaashaad.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. bile says:

    ayadoo saqdi dhexe meesha ka bilaabatay niiko !!! caadi matahay broooo

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 10

  2. Dhex Dhaxad says:

    Asc: Bile bro qeebta aad ka so qadatey hadalka waxaa ka danbeya iyo damashad marka ha ka so qadan oo kaliya Niko ee qoralkana sifican u aqriso mesha uu ku socdo iyo nuxurkisa 🙂

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 9 Thumb down 6

  3. luckygirl says:

    hasha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  4. waryaa says:

    Carab dambi kasto laga galo Niiko lee kufilan wuu iska qancaa kkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  5. yaasmin yarey says:

    Kkkkkkkkkkkkkkkk ninkan caadi maaha kulahaa niiko xaflad le iska dheh maxaa ku waalay

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 4

  6. True Man says:

    saqdii dhexe ay meesha ka bilaabatay niiko iyo damaaashaad.? walee ninyahoow qoralkada iyo magaca saxaafada aad baad u kufsatay wac weynah ama micna sidaa u leh kuma so qortid websedkaan in aan cay iyo warar aan tifatirneed baan dhalaq ku soo siisaa ceebta ma ahan ee waa cadada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0