Ninkii nabiga aflagaadeeyay oo ku baaqay in Quranka la gubo

12

Ninka Swedishka ah ee lagu magacaabo Lars Vilks kaasoo sanadkii 2007 aflagaadeeyay nabiga (scw) ka dib markii uu sawiray kartoon loo ekeysiiyay Ey kaasoo lagu soo daabacay wargeys ka soo baxa magaalada Örebro, ayaa ku baaqay in la gubo Quraan badan isagoo u hambalyeeyay ninka mareykanka ah ee Quraanka ku gubay Florida bishii la soo dhaafay.

Vilks ayaa ku baaqay in caalamku u baahanyahay 1000 Terry Jones (waa ninka maraykanka ah ee gubay Quranka) isagoo ku baaqay in lagu qabto Sweden dhacdooyin la mid ah midii uu sameeyay Jones. Vilks ayaa mowduuc uu ku quray SVT wax badan kaga hadlay dareenkii ay siisay warbaahinta caalamka Terry Jones markii uu ku hanjabay in uu Quraanka gubayo.

Ninkaan ayaa sheegay si looga hortago waxa uu ugu yeeray kuwa jecel qalalaasaha in loo baahanyahay in la gubo Quraano Badan.

Terry Jones ayaa warbaahinta caalamku ku tilmaameen nin waalan oo jecel in saxaafadu wax ka qorto iyadoo la aaminsanyahay in uu Quraanka u gubay sidaas darteed. Dhowr sano ka hor ayaa Jermalka laga soo ceyriyay ka dib markii uu isbada marin lacageed ku sameeyay kaniisad uu baadari ka ahaa.

Vilks ayaa aflagaado xun u geystay nabiga (scw) isagoo ilaa hada aan ka harin neceybka iyo aflagaadada uu ku haayo Muslimiinta, sanadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii uu magaalada Uppsala ku soo bandhigay Filin rag qaniisiin ah oo kuu ku aflagaadeeyay nabiga, isla goobtaas ayaa wiil Muslim ah ku qaaday weerar gacanta ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here