Norway ninkii lagu dilay waxa uu ahaa Soomaali

Isbuucii hore waxaan soo daabacnay warbixin ku saabsanayd nin Soomaali ah oo nin kale oo Afghanistan u dhashay ku dilay Norway, balse arintaas oo ay qoreen warbaahinta Norway ayaa hada u muuqata in ninka la dilay uu yahay nin Soomaali ah.

Arintaan ka dhacday magaalada Bergen ayaa ah mid xanuunkeeda leh iyadoo ninka Afghanistaanka ah ee ninka Soomaaliga ah midida ku dilay uu sheegay in isaga la soo weeraray oo ninka Soomaaliga ah uu weerarka ku soo qaaday, maadaama uu Islaamka ka baxay oo Kiristaan uu noqday. Afghanistaaniga ayaa sheegay in uu midida kala wareegay Soomaaliga ka dibna uu dilay.

Ninkaan Afghanistaan u dhashay ayaa colaada Soomaalida kala dhaxaysa aysan cusbeyn iyadoo sanadkii hore uu warbaahinta ku soo qoray in nin Soomaali ah uu biyo kulul ku shubay, weerarkaas ayuu sheegay in ay ka dambeysay maadaama uu Kiristaan yahay. Ninkii Soomaaliga ahaa ee biyaha ku shubay ayaa lagu xukumay 5 bilood oo xabsi ah iyadoo markii dambe xabsiga laga siidaayay ka dib markii ay cadaatay in arintu ay shil ku dhacday, iyadoo isla markaana sharciga la siiyay. Ninkaan Afghanistaan u dhashay ayaa Norway sharciga u diiday isagoo xitaa sheegay in uu Islaamka ka baxay oo nafsadiisu ay qatar ku jirto.

Iyadoo aysan wali cadeyn qaab uu ku dhacay dilka uu nafta ku waayay ninka Soomaaliga ah ayaa hadana waxaa muuqata in colaad ay kala dhexeysay ninkaan Afghanistaan u dhashay iyo Soomaalida. Ninkaan ayaa u muuqda mid sharciga Norway ku raadinaya isaga oo daandaansi diimeed la raadsanaya Muslimiinta kula jirta kaamka.

Kooxo Kiristaan ah ayaa hada ku doodaya in ninkaan uu ninka kale u dilay isdifaac isla markaana uu xaq u leeyahay in sharciga la siiyo. Balse Laanta Socdaalka Norway ayaa u muuqata in aysan ku qancin in uu ninkaan Kiristaan dhab ah noqday.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. MR: NICE MAN. says:

    DULI ILAHAY KUSAAR DHEH, SHARCI AYUU U IIBSADAY DIINTIISII DHAMAYD, WAXA SE AANU OGAYN IN AAN LA AMININ DADKA DIINTOODA KA BAXA, XATAA HADAAD KIRISTAN QADATO, KUMA AMINAYO NINKA KIRISTANKA AHI, WAAYO WAXAAD TAHAY QOF LUMIYEY, CAQIIDADII DHAMAYD EE UU WATAY, NINKA CAQIDADIISI LUMIYEY MA CID KALE AYUU HADH SEEXINAYA, WAA MAYA JAWAABTU, MARKAA KUWA KU HAMIYAAYA IN LOOGU NAXARIISTO DIIN KA BAX WAY LUMAYAAN, TIX GALI DIINTA ISLAAMKA IYO TAN KIRISTANKABA WAAYO ILAHAYBAA QURAANKIISA KU YIRI, LAKUM DIINAKUM WALIYADIIN, LAKIIN WALIGAA HAKA TAGIN CAQIIDADADA.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. Saredo says:

    Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajacuun allaha ha unaxariisto marxuunka gacan kaxaq daran aya dishay cidna maweerarin waxna magalabsan asago gurigiisa soogalay ayu midida kubilaabay dabadeedna daaqada ayu kabooday marku dilay waxaana laga sheegay in uu aano hore kudilay oo dhex martay asaga iyo nin somali ah masiibo hakudhacdee shaydaanka dhiigiisa aya ixalaala inkaar kugudhacday duli ale kubad… idinkuna wax hubsada qoraal kiinu hanoqdo mid rubta kusalaysan asc

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. Gabar Mawalad ah says:

    sidaas ayeey ku Qaraabtaan afganistaanka iyo iraniintaba,, iyagoo Weliba Diintooda Been ka sheega

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

    • farhiya says:

      Asc inaalilaahi wa ina ileyhi raajacun illahow u naxariso maskinka aamin

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. FM says:

    Dhacdadu xataa waa laga yaabaa in uu iska maagay ninka Soomaaliga ah si uu saxaafadda isugu soo jeediyo sharcina u helo, oo Soomaali iyo toorey waa is taqaaan, Jimcaale waan arkey in ninku Soomaali yahay ee si fiican sxb isaga xaqiiji warka inta aadan soo gudbin waa walaalkaa Soomaaliyeed oo sidaas ku leh.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Saredo says:

    @kuk maxaa kujec laatay wasmada raga? maxaa kuudiiday dumar? Maxaase qof dhintay wasmadiisa dusha kaasaaray? Futadaada maala xishootid iguma cusba rag noocaas ah hadana fursad qaaliya ayaad heysataa adi iyo guruubkaaga ileyn meeshu waa sweden waana la arkaa rag badan o xaar ka urayo bebkana mardambe haku qorin wax yaalaha anshaxdarada ah o kuugaarka ah adiyo xulufadaada. Jimcaale iskuday inaad ilaalisid webka sharaf tiisa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Aisha says:

    Inalilah waina ilehi rajicun ilahey hau naxaristo wilka somaliyed manta mel wen aya igode ilahey asagana janadi haka warabiyo gacanku dhiglaha na ilahey hau bixiyo waxdilo amin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. fatima says:

    alaha u naxariisto nnikaan soomaliga ee gaanta ka xaq daran dishay haduu ku jihaad is yiri ninkaan radiyay waa ehelka janada insha allaah waxaan kaloo idin warsaday meeye doodii la lahaa 30 maj baa laga doodo umadaan kala xayira

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. deqa says:

    ASC walalaha bogaan aqristo oo dhan jimcaale warkas markad soodabacday geeri ayan kujirnay oo ma aqrin anigoo isleh arimihi socalka waxka dheh bay ishayduqabatay qoraalkagii runtakafoga walaala willkan ilahay ha unaxaristo ninku sida arxandarada udilay maxaan caday ninkan gurigisa ayuu uguyimid wiilbakabaxay kana wahurday wuxuyiri albabka isixir mesha hadbakajirtaye umaxirin ninkaana wuuradinayay ila 3 jeer ayuu yimid kadibna middid ayukudilay qayladii iyo ninkalo ajinabiya ayaa wacay boliska kadibna ninki albabka markihoruuba xirtaye daaqada ayuu kadhacay intii albabka lajabinayay wilku wanoola oo nafta haysay inay is feerayan baanaloqabay ilaa ninkii oodabaqakadhcay oo jajabay la arkay marka arinkan mid naxdinleh ayuu aha hubsiino halbalasiista somalidayada anaguna ismajeclin cidkalena warkoodba daa malinkasta wiil somaliyed ba cidla lagudila wixii doanaba ha dhexmaran kolay gurigisaa si silica logudilay biloskii oo bananka dhobana bad badin wayen marka wararka socdalkan nafta kuqabojinaa somaliska.com halagalan dhahna malaha waxadnoosoqortaba waatasoomiiran ilen tanan goobjoogeda ahayne ninyahoow xaqiqada radi midakale hubso somali ada ah wana ogtahay somalidu waxa way isu shegan buun buuninta saxafada waabalaguyaqaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Ali adis ababa says:

    Wan idin slamey ugu horeen ninkan wan isnaqaney oo ithiopia aya masafurin ujoogay canada ayuu danbiyo kaso galey ninkan somaliga magaciisa waa shodhe waxa u norway adey 2009 u haystey basaporka labada wadan norway iyo canada dhimashadiisa waxan maqley 24bishan aano aya lagu diley oo ninkan somalia dhacaa wayn ayuu ahaa waxna kama xishoodo oo ithiopia ayu wax kudhici jirey marka yan dadka kale waxlaga sheegin somalidan wawada tugo dhamantod ale ha unaxariisto by

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0