Qaraxa Oslo waxaa ka dambeeyay nin cadaan ah

Wararka ka imaanaya magaalada Oslo ayaa sheegaya in nin cadaan ah oo lagu magacaabo Anders Behring Breivik sida uu sheegay telefishinka NRK uu ka dambeeyay xasuuqii shalay ka dhacay Oslo. Ninkaan ayaa la sheegay in uusan wax xiriir ah la lalahayn Muslimiinta balse uu ka tirsanyahay ururada xagjirta cunsuriyiinta midigta fog.

Lama sheegin sababta ka dambeysay ninkaan weerarada uu geystay oo ilaa hadda galaaftay 92 qof. Arintaan ayaa naruuro u ah Muslimiinta ku dhaqan caalamka oo isla markii weerarka dhacay lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen.

Ninkaan ayaa  hada ka hor internetka ku daabacay nacaynka uu u qabo Muslimiinta iyo waxa loo yaqaan dhaqamada kala duwan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

18 Responses

  1. Ahmed says:

    Gaalow isku jab

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  2. AbuXudayfah says:

    Shalay markii warkaan soo yeerayba , afka waxaa la wada qabsatay , Muslimiinta Afghanistan , Somalia , Iraq , iwm .

    Dadka Yurubw aa Indhu Ku Garaadlayaal , Warbaahinta ayaa waxay doonto u waxyoota. isla markiiba shalay Muslimiinta ayaa dusha laga saaray , xalay ayaase warkale soo yeeray oo sheegayay in nin Cadaan ah ka danbeeyo labada Shilba , iskuna xariirsanaayeen labada Dhacdo.

    Hadda Afkii ayaa Kala Tegay , idaacadihii shalay warxun TASHIILKA AHAA !!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  3. Kayze says:

    Asc
    Allaah ayaa ka hidli yay oo xaga daaha ka qaaday shalay markuu qaruxu dhcay, ayaan afka ku dhufanay caqliga reer yurub ee undhaha kaga jira in ay muslimiinta dusha uga tuurayaan

    wayna dhacdya oo shaylay waxay durba ku eedee yeen muslimka ayagoo caqligooda indhaha kujira ku hadlaya

    Allaah Ayaa mahadaas iska leh kadu way muslimiin badan oo marti u ah ayuu galaafan lahaa falkan ayna gaysane

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. DEEQO says:

    UJEEDADA CUNSURIYIINTA WAXAY AHAYD IN LOO MALEEYO MUSLIMIINTA SI WAX LOOGU GEYSTO LAAKIIN ALLAAH AYAA SOO IFIYEY XAQA

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. maandeeq says:

    run ahaantii arin tan waa nasri muslimiinta usoo korodhay mar hadii af kooda ay ka sheegieen qofka qaraxa gaystay inuusan muslim aheen.
    ilaahay ayaana mahad oo dhan is kaleh allahii ka shifay shirqoolkan la doonayay in muslimiinta lagu dhibaateeyo.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. Massago says:

    Wixi xunba xawaa leh miyi Muslim le maa qarax geeysto
    Waxaan aaminsanahay qaraxyada kadhacaayo caalamka in muslimku aw 20% ku leyahay kobada kale ay lee yihiin kufaarta diirarka cadd le ee waxeey rabaan sida walaasheey DEEQO xustay in muslimka iyo dadka ay lanol yihiin ee galada ah qoorta lesku galiyo taasna Allah ayaa kaweeyn amarkooda oo masuura galin.
    Su,aal ahan hadii ledinku weydiiyo seed u aragtiin yaan war ledinka helin kama jawaabi karo warna kama haayo lee iska dhaha

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. shaakir says:

    waraada gabdhaha somalida nabee caadi ma ahan ka wrn waa wax garad eega qoraalkooda si waayo arag nimo leh u hadlooyiin lkn nimankeena ku walbo waxuu leeyahay dhaaf ha dhintaanee mansha allah my gabdhaheeyga sharafta lahoow saas ahaada waligiina

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  8. warsan says:

    Allaaya cisak ha isku rogmadaan gaaladu, xaqi muslimka lagu hayey baa ku dhacey ee waliba ma dha dhawaa ………. kkkk kkkk kkk

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

    • hane says:

      Muslimiinta ayaa lagu wadey in ay falka sameeyen, wan naxney shaley ee ilaahay ba fashiliyey maansha allaa. oo warki oo cad bey arken aad ban ugu faraxsanahey in muslimiinti ilaahay ka duwey dambigi… cadowga islaamka allay ha jabiyo amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin…

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. cabdifataax says:

    asc waxaan idin waydiina warkii shalay ee ku qorna webkan wax fikrad ah kama aysan bixin akhristayasha kan maantana waxa laga bixiiyay 9 marka shalay ma fulaynimo ayan u amusnay mise si kale ?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. Daade says:

    Iisha alaah qeer

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. Madina Cumar says:

    Madina
    07/23/2011 at17:09#

    waa ilaah mahadi hadii aan ka badbaadney annaga oo muslim ah oo ay diiradda na

    saarneydgaalada waxay aamin san yihiin in wixii ka dhinto ay muslimka ka dileen

    Ilaah ayaane mahada leh oo nagu dhinac dhigay

    U codee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. Madina Cumar says:

    07/23/2011 at17:09#

    waa ilaah mahadi hadii aan ka badbaadney annaga oo muslim ah oo ay diiradda na

    saarneydgaalada waxay aamin san yihiin in wixii ka dhinto ay muslimka ka dileen

    Ilaah ayaane mahada leh oo nagu dhinac dhigay

    U codee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. AbuXudayfah says:

    Cabdifitaaxoow Yaaba Shalay Hadli Karay , Wallaahi Wadnahaa I Huraayay !!

    Alle ayaa Mahad leh , haddii ay iyagu falkaa iskula kaceen , Obama ayaa shalay hadlay afkana ku dhuftay Argagaxiso , balse kedib warka ninkaan markii la sheegay ayay dhaheen waa ” MAD MAN ” .

    Xitaa kii 9/11 MUSLIMIIN ma gaysan ee waa lagu Nabay!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Hassan says:

    Asalaama calaykum dhamaantiin salaan ka dib waxa mahad leh ilaaha koonkan abuuray ee ayunu nahay adoomihiisa.
    intaa ka dib walaaal waxaaan odhan lahaaa maantana maxay odhan gaaladu?
    Hadii qarax dhaco waxa dusha laga laga saari jiray muslimiinta oo la odhan jiray iyagaa ka danbeeya laakiin maanta bal waxay idhaahdaan iyo sida ay uga faaloodaan ayaan eegi doonaa.

    wabilaahi tawfiiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Saciid Cabdi says:

    Waxaa sii dheer ninka weerarkan geystay in uu yahay nin cadaad ah, waa nin Kiristan mayal adag ah. Hadii aan horay u maqli jirnay Muslimiin xag jir ah baa weearakaas geysatay hada kii ugu foosha xumaa oo dumar iyo caruur si bareer ah loogu xasuuqay waxaa geysatay kiristan xag jir ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. shugri says:

    asc dhaman walalahay malkastoy jooganba waxan ku bilaabaya hadalkayga sidan horta illaah bamahada iskaleh dhacdadi shalay dhacday oo marqura ildhaha ankor uqadnay hadan muslimin nahay ya dusha lagasari doona kolay waxa lagu eedayn laha muslimka wayna dhacday islamarkiba dushay noga raren rabi base fayday arinka xaqana arkayay waxan ku gaba gabay arinkayga illaahena shartooda hanaga badbadsho dhagar wanoo qabane gashan aan xuduntooda joogno midigteena kor ilaah haka dhigo toodada hoos

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. warssame says:

    ASC, imika suaasha meesha taala waxa weeye, ciqaabtiisu ama xukun ka lagu soo rogayaa waa mid noocee ah? anigu waxan filayaa in loo fududeyn doono xukun ka maadaama aanu qof anjnabi ahayn, ama aan idhaahdee waxa la adeegsan doona qiil caan ah oo la odhan karaa ninku xanuun PSYCHOLOGY ah buu qabaa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0