Soomaali loo diiday qoysaskoodii ayay mar labaad soo wajahday dhibaato hor leh ka dib markii si cad ay u diideen in ay qabtaan dacwadahaas sharci yaqaanadii ay kala kaashan la haayeen racfaan ka qaadashada diidmada qoysaskooda. Dhacdadaan oo ka dhacday magaalada Uppsala Somaliska.com ay goob joog ka ahayd ayay qareemadani waxay si cad shaaca oga qaadeen in aysan wax hor mar ah ka keeni karin dacwadaha Soomaalida maadama Soomaalidu aysan haysan basabor la aqoonsanyahay. Qareemadan ayaa intaas ku daray in dhibaatadani ay Somaalida ku gaartahay aysana wax ka badali karin dacwad shaqsiyadeed, laakin loo baahanyahay in Soomaalidu ka doodaan dhibaatada keentay in qoysaskooda loo diido. Soomaalidan loo diiday in laga caawiyo racfaan ka qaadashada diidmada qoysaskooda ayaa walaac  hor lihi soo wajahay, waxayse hoosta ka xariiqeen in aysan ka hari doonin dacwadahooda oo ay xaraydoonaan. Saciid Cabdi Cusman Uppsala

Qareeno diiday in ay qabtaan dacwadaha Soomaaliyeed

Soomaali loo diiday qoysaskoodii ayay mar labaad soo wajahday dhibaato hor leh ka dib markii si cad ay u diideen in ay qabtaan dacwadahaas sharci yaqaanadii ay kala kaashan la haayeen racfaan ka qaadashada diidmada qoysaskooda.

Dhacdadaan oo ka dhacday magaalada Uppsala Somaliska.com ay goob joog ka ahayd ayay qareemadani waxay si cad shaaca oga qaadeen in aysan wax hor mar ah ka keeni karin dacwadaha Soomaalida maadama Soomaalidu aysan haysan basabor la aqoonsanyahay.

Qareemadan ayaa intaas ku daray in dhibaatadani ay Somaalida ku gaartahay aysana wax ka badali karin dacwad shaqsiyadeed, laakin loo baahanyahay in Soomaalidu ka doodaan dhibaatada keentay in qoysaskooda loo diido.

Soomaalidan loo diiday in laga caawiyo racfaan ka qaadashada diidmada qoysaskooda ayaa walaac  hor lihi soo wajahay, waxayse hoosta ka xariiqeen in aysan ka hari doonin dacwadahooda oo ay xaraydoonaan.

Saciid Cabdi Cusman

Uppsala

Faafi mowduucaan

Saciid Cabdi Cusmaan

Asc, ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

22 Responses

  1. geedi says:

    asc wlaalayaal aad baan idiin salamayaa bahda somaliska.com maraka xiga waxaad tihiin niman aad u beenbadan umadana aan kafaraxin maraka waxaan idiin sheegayaa qofkii qof masaakiina wadnaha gooyo ayadana wadnaha ayaa lagooyaa ma ahan qofka in aad ku disho xabad oo kaliya wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. khalid ahmed khalid says:

    marka Horeba waxaan aheen Dowlad la,aan dad la,aan Damiir xumo, aqli xumo , Aqoon daro,, hadana Passapor la,aan..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Abdinasir says:

    A-c
    dhamaan waad wada salaamantihiin somaliska Salaan ka dib GEEDI, walaal somaliska waxaa uu qorayo waa wax la sheegay oo ka soo baxa dad kale ee inta uu war iska dhoob dhoobo ma soogaliyo anigu aqristayaasha ayaan ka mid ahay hadana wixii faraxad iyo naxdin lehba waxaan leeyahay mahadsanidiin Wiilashaas hool wayn ayay noo hayaan ee ka daaya dibin daabyada mahadsanidiin ,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. najax says:

    waan salamay sh.somaliska.
    dadka in lacaayo mabanaana runta qofkii ay dhibayso oo khiyaaali raba in loo daldalo fadhi ku dirirka ha´ aado.
    somali in loo diido yurub wan ku farax sa´nahay.
    sababto ah dhaqankii bay katageen-
    islam ayan shegana kuma dhaqano .
    horumar inta sameesay waa hal iyo labo
    yurub markii layimaado been inta layska dhaadhiciyay baa ciyaalki labaylihiyay maalin walba hoyadii iyo aabihii wadagaal.
    ciyaalki waaba la ilaaway,
    reer soomaali ah haday bas kugu soo galaan qarmuunka madaxa aya lagugu dhifanaya.
    jooga wadankiina awalba intii lacag haysatay ayaa yurub usoo cararaayay
    masaakinti madfac aya haben iyo maalin music looga dhigay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. baariyoow says:

    asc waxaan gaar ahaan usalaamayaa qoraha websitkan mr
    Jimcaale sxb waad ku mahad santahay dadaalka hagar la,aanta ah eed noo hayso.
    waxaan kaloo halkan eed uga soo jeedinayaa dadka jimcaale aflagaadeynaya sida GEEDI oo kale dadka mar walba waxaa ku dhex jira dad jecel qofkii wanaag sameynaya jecel in ay dadka ku diraan si uu howshiisa uga caajiso waana qalbi xaasidka markaa Jimcaale walaal Geedi warkiisa xaasid iska hadlay un ka soo qaad.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Magacaaga...haana says:

    **[AFLAGAADO WAA MAMNUUC]*** yurubta aad shegesid waa nasiib iyo calaf **[AFLAGAADO WAA MAMNUUC]*** dadka inta xun iyo inta wanagsan Alle aa kula xisabtamayo dadka dhiban ha lug goynin ma naxda yahay sorry waxan aa aflagadada iga kentay ee inta dhiban allaha u sahlo mesha ee jecel yihin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Saciid Cabdi says:

    Aflagaado waa mamnuuc waana in si deg-deg ah qofka aflagaadad gaysanayaa u joojiyo hadii kale waxay keeni doontaa in kommintiga dhan la joojiyo. qofka wata Magacaaga…haana, aad baad ugu xad gudubte habdhagqanka Somaliska.com iyo bahda ku xiran. wax waad naqdin kartaa lakin in aad qof si gooni ah u caydo waa ceeb fool xun. Mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. MUSE XASAN says:

    WAAN SALAMAYAA BAHDAN SALAAN KADIB NAJAX WAXAAN MALAYNAYAA KUWA KU HALAABAY QURBAHA OO AY HADA AFKEDA KU TILMANTAY AYAY KA MID TAHAY TUUGNA TUB UUSAN MARIN MA TILMAAHO MARKA KALA HOR LEXO AFLAGADADA IYO CAYDA UMADA SOMALIYED EE KALA MAQAN WAX HADAY URAANA HADA ADIGAA SHEGAY OO ISKU URAY

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. ali said says:

    waan idin salaaamey dhamaantiin melwalba aad joogtaan hadii aan somali nahay waxaan idin leeyahy ilaahey haloo laabto sababto ah dambi weyn ayaan ilahey kagalney hadii ilahey loo labanina sidaan ayaan ahaanenaa marka waxaa wanaagsan in aflagaadada la jojiyo ogow qofka leh somalida wey ureysaa hadey somalida urto adigana kuwa uery ayaat la jinsi tahay cadanka kumadhahyo adiga waat carfesaa ileen adiguba somali ayaa tahay marka ilahey hana cafiyo ee tobadkena walalayaal waad mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Ahmed says:

    Alla bahda somaliska dulqad badana horta waxan ka xumahy somali laysu didy lkn somalida rer swdn waxa haysta inkar waxana baritan lagu ogady inay yihin somalida ugu xun o ku ciyaray sharafti somaliyed wayo somali laguma baran dacifnimada xasid nimada iyo doqonida ad ku jogtan swdn

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Abdulaziz says:

    ASC! waan idin salaamay dhamaan aqritayaasha somaliska. salaan ka dib waxaan idin lee yahay mar walba Alle tala saarta isaga ayaa haye amuuraha muslimiinta ee halo duceeyo somalia in aay noo noqoto nabada insha allah?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Runtu Raga Waa Ka Nixisaa Mase Disho,, says:

    Asc Geedi walaal maahan in haddii warka aan ku qancin jariirada lagu soo qoro , aad hadal aan loo baahnayn ku hadaaqdid , mise waxaad sugee in la yiraa kaliya sharciyaa la idin siinaa , waa la idin soo dhoobaa
    ??

    Wallaahi Anigu haddii aan gacanta ku hayn lahaa arimaha Soomaalida qof aan Shaqaysan dad uma keeneen , ama igu naca ama igu jeclaada waana sax saan qabo anigu.

    500 Oo Nin ayaa Sweden imaaday tusaale , waabarigii sideey maqaayad u fariistaan ayay 23:00 ka imaanayaa , ilmahooda haddii loo keenana wax ay u soo kordhiyaan oon qasaaro ahayn ma jirto , marka Soomaali yaan qalad la ii fahmin xanaaq ayaa hadalka iga keenay e , waase in aan shaqaysanaa , waa in aan ka baxnaa , tusaalaha xun ee naloo soo qaato , waa sharaf dhaca , ardaydeena , ilmahee , dumarkeena ilaashano WBt

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. saciid says:

    Axmedow waxaad moodaa hadalka aad leedahay in aad kitaab ka fiirisay. Waan hubaa in Soomaalida Sweden aysan dad horaad ahayn.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. run sheege says:

    as ckm dhamaan waan idiin salaama qoraha somaliska.com iyo dhamaan dadka soomaliyeed ee ku xeran webkaan waxaan leehay waad mahadsan tihiin somaliska.com howsha weyn ee aad noo heysaan dhegna jalaq ha u siinina waa jiraa un ***[AFLAGAADO WAA KA MAMNUUC]*** nux nuxle ah waxaan leenahay intii idiin amaaneyso ayaa badan hanqaraarac lu uma hintiyo waxaa kale oo aan ogsoonahay wax waliba waa qoraal rabi ilaah baana talada saaraneynaa asagaa awooda iska kaleh hadii dadkeena uu sverige uu bariiskooda ka qoran yahay wey imaanaayaan in sha allaah wa bilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. ali says:

    asc war shaqada aad sheegaysaan waaba la ,la yahaye xageed shaqo noogu haysaan,anaga shaqo rabnee ,dadku ma iygaa shaqada didan mise shaqo la,aan baa wadanka ka jirta waa iga su aale, anigu waxan aaminsanahay in wadanka shaqo la ,aani ka jirto ,aad baan ujeclahay inaan shaqaysto inkastoo aan wadanka 7bilood kaliya joogo hadana dadka waxay ka calaacalayaan shaqo la aan
    marka bal cidii shaqo haysa hayla soo xiriirto asaamu calaykum

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Jamilo says:

    Asc dhaman .. Najax nagta isku shegtay iyada hade halesantahay qamri cab tahay dadka mawada halesna waxi halesana ilah duleyay o wano aye rapan . Ma ahan ine dadka ceso asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. umu hani says:

    a.s.c dhamaan walaalaha somaliska inta kadib war somali hadey ayadi sidan isku tahay maxa u qabsoba waa layabe subxanka war alle ka cabsada oo garta ina tihiin daad walaalo ah isku wadan iyo isku din ah maha inaan meel cidlo ah iska xaxagano plz and plz webka hala xaq dhowro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. qahqahqah says:

    GEEDI BAROOR WAYN NAA HEHEHEHEHE RUNTU MA FANTAA WA NAXAYKU LAHA WADNAHA I DHAQ DHAQAAYABA .,,,,,,,,

    BAHDA SOMALISKA WA KU MAHADSANTAHAY DADAALKOODA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Abshir says:

    Marka hore waan idin wada salaamay, salaan kadib Runtii Jimcaale waxaan dhihi laaha Qeyr alaha ku siiyo, dadaalkaaga sii wado Laakiin Ninka la yiraa GEEDI waxaan u maleynayaa inuu iska hadlay oo uusan waxba ka garaneyn siyaaasad wadanka, waxaa jira dad jecel waxa ay rabaan keliya in loo sheego. Hadalkaan Jimcaale asaga ma alifanin ee wax dhacay ayuu inoo sheegay. Waxaad Ogaataan wax ay dowladan Sweden joojisay,ama maxkamada sare joojisay ma Looyar ama Abuukaato ayaa furi kara ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Ninweyn says:

    Asc dhaman aqrista yasha ku xiran somaliska iyo dhaman bahda somaliska waxana leyahay guulesta somaliska halkinana ka sii wada dadaal ka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. rachto says:

    waraa saciid umada berka haa goyn berka laguma goyee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. ali cumar says:

    haaaaaaaaa waa sax in ka ilaaliyo xaquuqda qoxootiga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0