“Qaxootiga halagama mamnuuco mudaharaadka oo xeryaha yaysan soo dhaafin”

Dood weyn ayaa Sweden ka dhalatay isbuucaan oo ku aadan xuquuqda qaxootiga aan wali sharciga qaadan iyo kuwa aan lahayn baasaboorka Swedishka. Xisbiga SD ayaa soo jeediyay in qaxootiga laga mamnuuco in ay mudaharaadyo ka dhigaan Sweden ka dib markii ay isbuucii hore dhowr boqol oo qof isugu soo bexeen baarlamaanka hortiisa.

Kent Ekeroth oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka SD ayaa sheegay in qaxootiga aysan yeelan karin xuquuq la mid ah kuwa dadka muwaadiniinta ah, oo sidaa darteed laga mamnuuco in ay mudaharaadyo ka dhigaan wadanka ilaa inta ay ka noqonayaan Swedish. Waxa uu intaasi ku daray in kuwa aan wali sharciga lahayn lagu haayo xeryaha oo aan lagu fasixin wadanka inta ay go’aan ka helayaan. Isagoo ku tilmaamay in ay qatar ku yihiin amaanka wadanka.

Hadalka¬†ku saabsan mudaharaadka ayaa waxaa cambaareeyay quburada sharciga iyo xisbiyada kale, iyadoo lagu tilmaamay mid ka hor imaanaysa dastuurka¬†wadanka iyo dimoqraadiyada maadaama shaqsi kasta oo bani’aadam ah uu xaq u leeyahay in uu mudaharaad ka qeyb qaato.

Arinta kale ee ku saabsan in qaxootiga lagu hayo xeryaha ayaa lagu tilmaamay mid aan macquul ah, oo sidoo kale ka hor imaanaysa xuquuqdooda.

Sidee u aragtaa in qaxootigu ay mudaharaad dhigaan?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. Cabdi says:

    Mudaharaadkii isbuucii hore muxuu ku saabsanaa ?! Ma maqal

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  2. Reer xamar says:

    Wuxuu ku saabsanaa inaan Qabiilaysiga sii wadno.. Wadanka naloo maamulo ..
    4.5 dhaqankeena noqdo.. Ceer nolol ka dhigano.. Faqri iyo jaahil inaan isugu dardaarano

    Fikrad lala dhacay Thumb up 16 Thumb down 0

  3. luul says:

    asc
    waaba fiicnaan lahayd hadaan haba xumaatee aan arin isugu imaaneyno oo arin soomaali ka dhexeyso si wada jira uga tashankari lahayn lkin reer xamarow been baad sheegtay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  4. Abgaal says:

    Reer xamarow sxb keey saa runtaa… Xalaal Qutana waa tihiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  5. faay says:

    waa wax fican in ay rayigooda soo gudbiyaan kuwa leh makasoo bixi karaan xeryahoodana waa kuwa kasoo horjeedo qaanuunka wadanka

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. Bile says:

    Waba sheko kale iga da ciyarta cml

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Jimcaale masaajidka ciyaarta ka daa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. Hello says:

    Horta waxaaba la yaabanahay umadan lafahooda u banaanbaxaysa maxay calanka wadankeena mar waliba ugu bahdilaan midaharaad iyo meel aanu u qalmin yaan la ceebayn calanka sharafta leh oon la hoos dhigin calamo la mid ah isagaaba wax walba nooga qiimo badan maa lagu qaraabanayaa walhi umadaha kale we wadanka nala dagani shaqsiyan ayay u banaanbaxaan ee ma soo qaataan calamada wadanadooda sababtoo ah bahdil uma ogola somali ayay noqotay mudaharaad waliba waa ay wataan calanku muxuu dhimay qoraxda iyo barafka halaga xareeyo calankeena qiimaha leh layrta haloo daayo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  9. Zaki says:

    Afsomaaliga iska sax qalad ayaa ku jira jumladaas.

    (Arinta kale ee ku saabsan in qaxootiga lagu hayo xeryaha ayaa lagu tilmaamay mid aan macquul ah, oo sidoo kale ka hor imaanaysa xuquuqda)

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1