Qilaafka meherka oo gaaray maxkamadaha Sweden

Dumarkii Muslimiinta oo bilaabay in ay raga la koraan maxkamadaha Sweden si ay uga helaan meherkooda. Arintaan ayaa ku dhacday nin Irani ah oo maxkamad Sweden ku taala ay ku xukuntahay in uu bixiyo lacagta meherka xaaskiisa.

Ninkaan oo la hadlaayay idaacada Sverige ayaa yiri ” Maxkamada waxay igu xukuntay in aan bixiyo labo malyan oo kron. Waxaan isla dageneyn labo bilood oo kaliya. Hay’ada kronofogden ee dabagasha deeymaha waxay baartay in aan haysto dhaqaalo lakiin wax hantiya ma haysto”

Hadaba islaamku muxuu ka leeyahay in dumarku ay maxkamadaha ajaanibta ay la koraan ragooda. Arintaas waxay idaacada Sverige wax ka waydiisay Sh.Abdulqadir Mohammed oo imaam ka ah masjid ku yaala Stockholm, Rinkeby. Sheikha oo ka jawaabayay in ay dhibaato leedahay arintaan ayaa yiri

“may wax dhib ah uuga ma jeedo. Waxay xaq u leedahay weeyaan gabadhu hadii ay ku weydo wanaag in ay meeshay kaloo ka heli karto u dooonato. Wax diin ah oo u diideysaana majirto”

Inkastoo aysan dhicin ilaa hada in haweenka Soomaalidu ay maxkamadaha la koraan ragooda si ay meherkooda uga helaan ayay hadana jirtaa cabashooyin badan oo ka imaanaya xaga dumarka kuna socda ragga oo aan bixin meherkii ay balan qaadeen.

Hadaba ma haboontahay in gabdhuhu ay maxkamadaha wadanka dacwadooda la aadaan? Ma jiraan wadooyinka kale oo u furan in dumarku ay ku helaan xaqooda? Waa dood furan….

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

22 Responses

  1. asha says:

    asc raga xaq baaloogo leeyahay in eey bixiyaan maharka hadeesa bixin aniga waxaan dhihi lahaa dumarka malin aan manta aheey ayeey keenaya ayaga oo aan looga baahneen marka ilaahey dartiis halagu daayo waa wax aan asga ka areen aduun iyo aaqiro oo aan cafisna galin ragana xaqa dumarka inta eey goori goortahay ha iska bixiyaano xaqa lagu leeyahay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 0

  2. Abu Salaaxudiin says:

    Raggoow Alle uga baqa Xaasaskiina , Xariga Alle yaad ku Xalaashateen , mana idinka mudna inaad dhibtaan ,

    Alloow guryaha Muslimiinta noo islaaxi

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 0

  3. najiiib abdullahi says:

    asc dhamaan umada somaliyeed gaar ahaan somaliska, ninkasta waxa ku waa jiba ooo ah arin xaq ah in uu bixiyo intii uu ku mehersaday xaaskiisa lkn maxay ragu culays isku saarayaan ninku waa inuu ku mehersado inta uu awoodo ilaah idinki ha noqoto 10 kr si uu iskaga bixiyo xaq lagu leeyahay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 1

  4. Jumbur ciridey says:

    asc, waxaa jirto kala duwaansho somalida iyo muslimiinta kale xagga maherka
    dumarka somalida ah badankood hadii aad siido maherkeeda marki aad guursato waxay aamineedaa inaaad fureeso, mana oga inay xag uleedahay, mana u qeemeesna maherka, waxaba la arkaa inay iska cafiso maherkeeda,
    marka maxkamad lakorimayaan ragooda

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  5. Hudda says:

    asalamcaleykum
    Aniga waxaan qabaa waxii diintu silamka ay qabto wax kasta ha ahaatee!
    waxaana ogahay meherka badan ii laga fiican yahay ,oo meherka yari ka khayr badan yahay kan badan.
    Naagtii ninkeeda u cafidana waa ulaba laamaya aakhira sideedana way fiican tahay in aad aakhiro meel wax u dhigato marka dumarow waxa aad dhiganaysaaan kabilaaba meherkiina oo ragiina kuna dhaqaalaysta kuna sadaqaysta.
    Inksataan maqlayo naaga aan guur rabin baa waqtiga maanta lagu jiro raga u guursada meherkaliya oo aad kaheshaan si aad bicmushtar u noqotaan.Waxaas oo kale waa xaraan nin aad daacad u aheen in aad xoolo kaliya kugasho.
    Raga qaarsiina waxaa laga sheegayaa nin gii aan nagtuu gursanayo maal badan uu kagalin inaysan naagtaasi micne wayn ugu fadhin oo uu furayo markasta oo khilaaf familij soo dhaxgalo.Naagtii meher badan kagalo aroos wayna loodhigo aqal qaaliyana loodhigo in aan dhaqso loo siidayneen oo malalkaaas uu u siimuqdo ninkii xataa haday dhibto 24 saacadood madareemayo oow axuu leeyahay naagta kharash baa iga galay oo dheel dheel ku siidayn mayi illaah ay shan iskuma qadaa ay dhasho waxaasna waa laga fiicanyahay haduu jiro fakarka cayn kaasa.
    Dumarku mahan in ay raga isku jilciyaan waa in ay saray isku qadaan un oo ay aqal qurxoon ka soo jensadaan lakiin maahan in aqalka laga bixiyo labaatan kun meherkuna sidoo akale.
    xoogaa waa in raga buuga naxariista loobaara diintana markasta lagu dhaqmaa.
    Gabadhuna maherkeeda markasta xaqbay u leetahay.
    ninkana waa sune in uu gabadha meherkeeda wax kasiisiiya inta uu san la kulmin.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  6. Hudda says:

    asalamcaleykum
    Aniga waxaan qabaa waxii diintu silamka ay qabto wax kasta ha ahaatee!
    waxaana ogahay meherka badan ii laga fiican yahay ,oo meherka yari ka khayr badan yahay kan badan.
    Naagtii ninkeeda u cafidana waa ulaba laamaya aakhira sideedana way fiican tahay in aad aakhiro meel wax u dhigato marka dumarow waxa aad dhiganaysaaan kabilaaba meherkiina oo ragiina kuna dhaqaalaysta kuna sadaqaysta.
    Inksataan maqlayo naaga aan guur rabin baa waqtiga maanta lagu jiro raga u guursada meherkaliya oo aad kaheshaan si aad bicmushtar u noqotaan.Waxaas oo kale waa xaraan nin aad daacad u aheen in aad xoolo kaliya kugasho.
    Raga qaarsiina waxaa laga sheegayaa nin gii aan nagtuu gursanayo maal badan uu kagalin inaysan naagtaasi micne wayn ugu fadhin oo uu furayo markasta oo khilaaf familij soo dhaxgalo.Naagtii meher badan kagalo aroos wayna loodhigo aqal qaaliyana loodhigo in aan dhaqso loo siidayneen oo malalkaaas uu u siimuqdo ninkii xataa haday dhibto 24 saacadood madareemayo oow axuu leeyahay naagta kharash baa iga galay oo dheel dheel ku siidayn mayi illaah ay shan iskuma qadaa ay dhasho waxaasna waa laga fiicanyahay haduu jiro fakarka cayn kaasa.
    Dumarku mahan in ay raga isku jilciyaan waa in ay saray isku qadaan un oo ay aqal qurxoon ka soo jensadaan lakiin maahan in aqalka laga bixiyo labaatan kun meherkuna sidoo akale.
    xoogaa waa in raga buuga naxariista loobaara diintana markasta lagu dhaqmaa.
    Gabadhuna maherkeeda markasta xaqbay u leetahay.
    ninkana waa sune in uu gabadha meherkeeda wax kasiisiiya inta uu san la kulmin.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Abubakr says:

    Asc wr Awwalan salaan ka dib waxaan rabaa inaan wax ka iraahdo doodan oo ku saabsan dumarka meherkoda, runti hadii la fuliyo awaamiirta Ilaahay iyo la raaco sunada Nabigeena Udgoonaa waxba ma halaabeen mana laysu dacweeyeen maxkamad Stockholm iyo miday ahaataba, waayo waxaan nala amray inaan siino haweenkeena miherkooda habeenka aan la aqalgaleyno anagoon is arkin (Jamaac) oo ay ayada awood uleedahay in markan ku tiraado bar i sii barka kale qaado ama ay u wada cafiso dhamaan. lakiin xaqa uu yahay inuu meeshaan ku siiyo. intahan moqduuc. shurkan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Samsam says:

    Hadii uuna awoodi karin meherka wuxu doono ha ahadee muxuu uga yeelay maalinta oo mehersanyey?
    Naagta hadi ay ku tidhaah hal malyan isii..lacag aanad awoodi karin ood ka yeeshid so taasii khiyaama maaha…anigu nimanka waxan kugula talin laha marka hore intaanu meherku dhicin wax macquul ah ood bixin kartid usheeg haday naagtu lacag badan sheegto amba wax kale qayro macquul aheen.Nin kasta wa inu jeebadisa ku xisaabtamo oo naagta xaqeeda markiiba siiyo marku guursado.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  9. Nawaal Nor says:

    Asc dhamaan walaalo yaal aniga fikirkayga waa xaquuq lagu leeyahay raga somaliyeed sida aan wada ognahay shiq quna noo sheegay marka waxaan leeyahay raga muslimiinta ah bixiya gabdhaha meher kooda waa xaq laynku leeyahay wabi lahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. dalmar says:

    asc waxaan kudarsanaya hadii ay ragga bixin waayaan gabadha maherkeeda aaqira xaguu tagi kala badan aduunyo iyo aaqiro, inaa lilaah war ragopow habeenka laguu maheriyaba horay kasii hadaad awoodo hadii kalana isku day sidaad ubixin lahayd dadaal laiimaaw bye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  11. mr Aniga says:

    WAXAAN FILAYAA IN AYASAN QUSAYN DUMARKA SOOMALIDA AH IYO RAGA WAAYO INTOODA BADAN NIN UNUU QABO AMA NAAG INUU QABO DAWLADUBA UMA OGO WAXAY KU SHAQYSNTAAN RAGA IYO DU,MARKA SOMALIDU TUUKNIMO SAAS AYAYNA CARUURTA KU DHALAAN MARKAAS YAYNAAN WAXBA KA WAL WALIN ARINKAAS WAX DHIBA INAGA SOO GAADHAYSO ANIGAA HUBEE SALAAMA DHAMAAN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  12. mohammed nuh says:

    asc dhamaan markahore horta meherka waa wax aay dumarku xaq u leeyahiin inaay hesho naag waliba intuu meherkeeda uu yahay ragana waay ku qasbanyahiin inaay meherka dumarka bixiyaan maadama aay tahay masuuliyad saaran waa hadii aay nolasha wadaagi waayaan uu kala tag imaado hase ahaate dumarka naftooda waxaan ka dhaadhicin lahaa in ninka aay daruuf shaqo la,aan qabsan karto oo laga yaaba in asaga oo wax dhaqaalo ah aan haysanin aay dhahdo meherkeyga aan rabaa marka dumarkiinana dulqaada oo raga daruufta haaysada had iyo jeer ku xisaabtama sida uu iin siin karaan meherkana uga qaada sababtoo ah waxaa laga yaabaa inuu lacagta meherka dhan uu halmar awoodin inuu bixiyo lkn uu waxyar waxyar uu ubixin karo dumarka naftoda taas haku fikiraana lkn meherka waa wax aay xaq u leeyahiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  13. MAHAD OMAR HUSSEIN says:

    MAHARKA WAA ARIN MASHRUUC KU AH DIINTA ISLAAMKA, RAGGA INTA BADAN WAA FUDUDEEYSTEEN WAAYO WUXUU KU MAHARSANAYAA GABAR DHAQAALO UUSAN AWOODIN, GUURKUNA WAA MAHARKA WAAYO IRSAAQADAN ILLAAH BAA QORAY NINKU MARKUU AWOODU MAHARKA HA GUURSADO BAA LA YIRI, MACNAHAY NUUCAA AH DHINAC MAREEN SOMALIDA MEESHA LAGA SOO SAARAY NINKAA IRAANIGA AH ANIGA WAXAAN JECLAA NIN SOOMAALIYA INUU AHAADO SI LOOGU BARAARUGO XUQUUQDA DUMARKA LAGU TUMANAYO.

    MAHADSANIDIIN DHAMAAN ASXAABTA SOMALISKA

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  14. caasho says:

    asc maxkamada sweden hadeeyba la tashaneeyso hsareecada islaamka waa fiican tahay laakiin xaqa dumarka keliya miyeey rabtaa ineey raadiso mase dumarka laftooda denbiyada eey galaan wax beey ka qabanaayaan wadankaan waxaa jira dumar ayaga oo la qabo ragoodana afrika jiraan hadana rag kale halkaan kula nool caruurna ku dhalaayo qaar ka mid ahna ragii ayaaba ka dul yimid ayagoo caruur leh maxeey ka qabaneeysaa maxkamada

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  15. shekhuna says:

    Asalamo caleykum wr wb, salaan kadib waxaan ani u arkaa in ay dumarka xaqooda la siiyo, maxaa yeelay Meherka waa xaq ay dumarka Allaahey siiyey.

    hadii aan ka hadlo arintaan ninka Iraniga ah ku dhacdey, meherka gabadha haduu ahaa labo malyan waa xaqeeda ninka waa in uu siiyaa, hadii aysan intaas dhameen, waxaan dhihi lahaa gabadha muslimada ah in ay ka qaadato ninkaas meherka inta uu ahaa.

    ee aysan ka faaideysanin xukunka lagu ridey oo ah labo malyan, oo ay ku qasbi ninkaasi in uu bixiyo labo malyan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. mohamed says:

    Asalamu Caleykum akhyarey dhamantiin Hadan uguda galo barnamijka waxan dhihi laha ragoow xasaskina hadad u awodaan maherka marku dhcayo siiya maherka marwaliba waa xaq anan kahareyn Mida kle waxan maqley hadii ay wada noolyihin labqof lacgta ay haystana ay tahay mid uu kabixin karo meher in ay tahay sandkiba inuu kabaxshaan sako wayo waa deyn sida an maqley wabilaahi towfikh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. maxamed muse says:

    anigu waxaan qabaa in ay ragu dumayeen qayb kamida raga waayo maharka waa wax ay naagtu xaq uleedahay xataa waxay ku waydiisan kartaa habeenka ugu horeeyo oo ay gurka laguugu leeno marka raga waxaan usoo jeedanaa wax aysan awoodin in aysan dhabarka saaran

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. Ragiihore says:

    Kkkkkk waleee waaayaaab war horta aan idiin weydiiyee ninkii ubaahan guur xalaaal ah hadana habadhii uurabay ay kuxirto meher gaaraya wax uusan awoodikarin ayna ogtahay inuusan haysan intaaas maalka le eg ninkunana nolosha cidlada ah iyo faasuqa raba inuu kabaxo makuqaldanyahay inuuu dhaho haye? Mase kuqaldanyahay inuu hadhooow dhaho mahayo ileyn noloshiisaba ma uusan arag maal intaas le ege?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. mohamed says:

    Asc Waan idin slamey akhyart dhamn Horta waa sx ninku ‘wuxusan awoodin maha inuu dhabrka udhigto waayo maba awoodo Waa runtaa qofku haduu doonayo inuu kafogado faasuqa iyo nolosha cidlada ah maaaha gabdhu iney kuxirtaa xoolo usan Awoodin gabdhuhuna Xaqbey uleyihiin DHanka dinta Xitaa Hadey Habenkas lguha isku xereto xaqbey uledahay ineey kuweydisato Maherka suda uu shegay walalkey Mahamed muse Lakin hadii ay dhacdo ayaan kahadleynaa waayo adiga hadii aad balanqaad galeyso Waa inaad bixinkartaa Maaha Waxadan haysan inaad dhiibeyso Lakin Dinta Meherka Maxey kaqabta weeye Waa wax inagu leyahy marka Hadii Lagudhaho Intas ayaan rabaa Hadad Awoodin Usheg Hadii aykuqanacsan tahay Hadii Aykudiidana Hadaba Mid Yeleysa ayaa kabadan Mahaa INaad haye tirahdo Misana Adansiin Ragoow waxad Haysataan kugursana Haweenka Dood Furan ?????+

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. xaajoow says:

    Asc ma haboono in la is khiyaano lkn waxaan ku talin lahaa si uu udhicin dhib weeyn in meherka aad llo yareeyo si ragu aay u bixiyaan islamarkaas meherka dhacaayo ama aay bixin karaan waqti kasta sidaan waa laga fiicanyahay allah amuuraha ha inoo hagaaajiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Lajecloow Mohamed says:

    Waa qalad sideedaba qof muslima inu u xukun tago kutaabka alle waxaan ahayn marka muslimiinta soomaliyeed ee allah islaanimada ku manaystay waxaan idiin dardaarmaa hadii aad xali waydaan khilaafka dhaxdiina waalidkiin oo labada dhic ah xal ka raadiya hadii ay idin xali waayaan culimada islaamka insha allaah wixii kasoo haro ka waantooba fadlan asc wr wb

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  22. jawahir says:

    asc dhamaan culuma iyo caamada waxan ku darsan lahaa doodan balaaran in ay raga somaliyeed waxeysan heli karin ku mehriyaan dumarkooda marka waa laga sharaf badan yahay waxana ka imaan kara dhibaatoyin badan sidan hada u jeedno ama aan aragno marka waxaan dhihi lahaa aniga in ay ku mehriyaan dumarka waxa ay awoodaan ama ay heli karaa dumarkana waxaan dhihi lahaa unaxariista raga muslimka ah ee raba guurka xalaalka ah ragana waxan dhihi lahaa dumarka illaaliya oo siiya xaqooda haku tumanina xaqa dumarka walbilaahi toow fiiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0