Sida uu maanta daabacay wargeyska Dagensnyheter waxaa 31 mars gudi baarlamaani ahi baarlamaanka soo hordhigi doonaa qorshe la doonayo in lagu sahlo dhaq-dhaqaaqa dadka ajaanibta ah oo daganaashiyaha ka haysta wadanka Sweden, laakin aan wali qaadan dhalashada Sweden. Qorshahaan oo u jeedada uga weyni tahay in la balaariyo fursadaha dadka soogalootiga ah, dhanka shaqada iyo dhanka wax barashada ayaa hadii uu meel maro wuxuu fursad u siinayaa dadka daganaashiyaha Sweden haysta in ay 5 sano wadanka ka maqnaan karaan ayadoon wax is badal ah uusan ku dhacayn ama aysan waayidoonin daganaashayahoodii Sweden, halka taasi maanta ka tahay hal sano. Wargeysku mar uu tilmaamayey sida arintaani wax tar u leedahay ayuu farta ku fiiqay dad Soomaali ah oo Sweden ka guuray, kadibna ganacsi aad u wanaagsan iyo fursado ka fiican kuwii ay Sweden ku haysteen ka helay wadamo ingriisku ka mid yahay. Saciid Cabdi Cusmaan Uppsala

Qorshe soo galootiga 5 sano wadanka kaga maqnaan karaan

Sida uu maanta daabacay wargeyska Dagensnyheter waxaa 31 mars gudi baarlamaani ahi baarlamaanka soo hordhigi doonaa qorshe la doonayo in lagu sahlo dhaq-dhaqaaqa dadka ajaanibta ah oo daganaashiyaha ka haysta wadanka Sweden, laakin aan wali qaadan dhalashada Sweden.

Qorshahaan oo u jeedada uga weyni tahay in la balaariyo fursadaha dadka soogalootiga ah, dhanka shaqada iyo dhanka wax barashada ayaa hadii uu meel maro wuxuu fursad u siinayaa dadka daganaashiyaha Sweden haysta in ay 5 sano wadanka ka maqnaan karaan ayadoon wax is badal ah uusan ku dhacayn ama aysan waayidoonin daganaashayahoodii Sweden, halka taasi maanta ka tahay hal sano.

Wargeysku mar uu tilmaamayey sida arintaani wax tar u leedahay ayuu farta ku fiiqay dad Soomaali ah oo Sweden ka guuray, kadibna ganacsi aad u wanaagsan iyo fursado ka fiican kuwii ay Sweden ku haysteen ka helay wadamo ingriisku ka mid yahay.

Saciid Cabdi Cusmaan

Uppsala

Faafi mowduucaan

Saciid Cabdi Cusmaan

Asc, ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. Abdirahman says:

    Asc,, aad baan u soo dhaweyn lahaa fikirkaan mid meel marana ilaah ha inooga dhigo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. uma hani says:

    A.S.C dhamaan walaalaha somalida ah mel walibey jogan aad ayaan u so dhaweyna fikradan ilaah mid hirgasho hanoga dhigo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. Xuseen says:

    Asc Dhamaan Aqyaarta ku tixan ama aqrisa bogan somaliska wad salaamantihiin

    Salaan ka dib hadii aad ka dhiibto fikirkeyga arinta ama barnaamijkan ka soo yeeray Dowlada sweden waa barnaamij Dhaxal gal oo anfacaya Dowladda sweden iyo dhamaan Dad-ka ay siisay Sharciyada waayo dhamaantood shaqa ayey u doonanayaan aduunka daafahiisa iyo ganacsiyo Dowladda sweden-na waxa u baaqanaya ama meel u dhacaysa Lacagti ay ku biili laheed dadka shaqada doontay. Marka waxan leeyahay alle hanooga soo qaado aniga ayaa ugu horeeya isla bishaas ayan shaqa tagayaa insha allaah . waxan u mahad celinayaa walalaha Bogan Somaliska- wax ku qora oo runti ah dadka ad ugu kuur gala warbixinada Dalka sweden isla markaasna Bulshada ka haqabtira. Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. abdiwahab says:

    Asc. waxaan illaahay kabryayaa in uu sidii khayrku noog jiro na waa fajiyo. waa arrin wanaagsan arrintan aad noo soo qorteen idinkuna illaahay haidinka siiyo xasanaad jag är glad

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. naciimo says:

    a s c marka horay salaanta islam kaan idin ku salamya dhamntii meelkasta ad joogta marka xigta arintaan hadii ilah inu gu guuleeyo wa arin fiican siiba soomalida wayo soomalida wadad shaqad jecel iyo xirfadahba ilahy ha inoo fudu deeyo aamin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Magacaaga... says:

    Salaan , Sweden waa waddan ka mid ah waddamada ugu fursadaha badan Europe. Ha ku caasinina Sweden oo idin siisay Fursad waxbarasho iyo mid shaqo ba. Ma waxaad noo faanineysaan London oo Jaadka Xalaal ka yahay , iyo weliba mukhaadaraadka xun xun.
    Sweden waxay idin siisay fursad ah in caruurtiina ay waxbartaan. Saxiib Makhaayad iska liidata oo London laga furo maáaha Fursad lagu faano

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. zakariye says:

    asc waan soo dhawenenaa arintaan allaha nooga dhigo mid hirgasho

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. nuurow says:

    asc maxaad soo dhaweyneysaan soomaaliyeey waa leydiin ogyahay inaadan eheyn dad shaqo rabo waxaad rabtaan kaliya inaad qaadataan ceerta dowladda waa kow laba haddii aad jaaniskaas heshaan waxa kale ee leydiinka sugayo waa inaad soomaaliya aadaan qaarkiin uu taageero shabaab kuwa kalana ay taageeraan dowladda ku sheega soomaali miyaa maskax leh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. abdifatah says:

    asc aad ayaan usoo dhawaynayaa qorshahaan qabyada ah waxaanan ilaahay ka baryayaa inuuu noo hir galiyo hindisahaan wanaagsan, waxaa iska cad inuu qofkii mustaqbal wanaagsan raba dareemi karo waxay xanbaarsantahay fursadan qaaliga ah
    mahadsanidin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Farhiya says:

    aad iyo aad aya u mahadsantahay walal lkn hadii an su,al ku weydiiyo malagu dhawaq arintaas mise hada kadib ayaa lagu dhaqaya oo wa la shegooya bis? iso jawab ado mahadsan walal jazakallah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. ali hassan says:

    asc dhamaan walalaha somalida ah aaad baan usoo dhawaynayaaa fikirkaaan waxaana rajeynayaa inuu noqdo mid hir gala insha alaaah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1