“Qurba joogta waxaa ugu faqiirsan reer Sweden”

Dhawaan waxaan booqasho ku tagay magaalada Muqdisho oo ay si xoog leh ugu qulqulayaan qurbo joog fara badan oo ka timid daafaha caalamka. Dadka ku nool Muqdisho ayaa u muuqda kuwo sawiro kala duwan iyo qiimeyn kala duwan ka qaatay nuucyada qurba joogta ku soo laabanaysa wadanka, iyadoo qaar ka mid ah dadkii aan la sheegaystay ay iiga warameen aragtidooda ku aadan wadanka Sweden iyo qurba joogta halkaan ku nool.

Qaar ka mid ah dadkii aan la sheekaystay ayaa u muuqday kuwo fikran fiican ka haysta nolosha Soomaalida Sweden, iyadoo qaarkood ay ii sheegeen in dadka ka yimaada Sweden ay yihiin kuwa ugu jeebka yar marka lala barbar dhigo qurba joogta kale, sida kuwa Maraykanka iyo Ingiriiska iyo xitaa kuwa ka yimaada wadamada Carabta. Hadalkaas ayaa u muuqda mid xaqiiqada u dhow maadaama aan ognahay in heerka shaqo la’aanta ee Soomaalida Sweden uu ku dhowyahay 65%.

Sweden ayaa dhinaca kale lagu amaanay waxbarashada, caafimaadka iyo nolosha guud ee dadka balse marka laga hadlayo dhaqaalaha ayay aad u adagtahay in laga taajiro Sweden. Qaar ka mid ah Soomaalida halkaan ku nool ayaa isku dayay in wadooyin kala duwan ay dhaqaale uga sameeyaan Sweden, iyadoo tiro ka mid ah dadka ku laabtay Soomaalia ee Sweden ka tagay ay yihiin kuwo jaaliyado iyo mashruucyo ururo kula laabtay dalkii. Taasi ayaa keentay in markii aad dadka sheekeysataan ay filayaan in aad wadato mashruuc NGO iwm.

Maku raacsantahay in Soomaalida Sweden ay yihiin kuwa ugu jeebka yar qurba joogta?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

21 Responses

  1. haskey says:

    Kuma raacsani

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 9

  2. jeeri says:

    Qofka haduusan shaqo haysan waa faqiir. Sweden ka imoow mise USA iyo meelkastaba.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 0

  3. um mahir says:

    Waa ila tahay sababto ah waadanka shaqo majirto

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

  4. umu muscab says:

    waan kuraacsanahay maxaa yeelay wadankaan shaqo mataalo dadki haday shaqaysan lahaayeena shaqo lama siinayo marka waa wadan dhankastaba kaxirxiran

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  5. Abdikarim mrfaaid@gmail.com says:

    Maya marka la eego Yurubta kale. Laakiin wadamada aad sheegtay ee sadexda haa oo waa naga dhaqaale badan yihiin. Laakiin Yurub Ingiriiska kaliya maahan ee waa hal wadan.Bal qiimee wadamada kale sid aTalyaaniga, Giriiga iyo Malta oo aan laga aqoon ceyr iyo wax la mid ah ayna ku soo cararayaan Sweden. Sidaas daraadeed waa wadanka afaraad ee qurba joogta ugu wanaagsan dheh waan aka ayeelayaa amaba ka dhig kan afaraad ee ugu wanaagsan dhanka dhaqaalaha. Laakiin kan ugu faqiirsan ha oran samee is bar bar dhib kan ugu liita maahan ee waa kan ugu wanaagsan aa lambar afar gelaya xataa Norwey naga hor mari ayadu waa ka shaqo badan tahay kana ceyr wanaagsan tahay. Kan shanad hadaan galnay maahan kan ugu faqiirsani qorba joogta Sweden ee wadankii ku noqoneysa ee waa kan ashanaad ee ugu wnaaagsan.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 2

  6. profesor says:

    qofkii rabo inuu lacag fiican meel dhigto, subixii cornflakes haku quraacdo, qadadiina waxaa cuntaa tunafish iyo rooti aad guriga kusameysato. cashadiina conflakeska kuceli…. 5 sano saas kuwad.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 4

  7. gabeyre says:

    Wasax waayo qofwalbo oiswidhankataga alaah ilaahow marlee reerkèna iigè xoolo iskadayee waxaa dhicikarto tigidka inuudenyahay ama ayuuto dheh so qofsaskubaxay muxu uhaayaadadkii u utegay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. macalin cali says:

    War asaxabey waa sax wayo meesha sida shaqo majirto sida aan maqalnay . Midakale sxb malta ceyr ayeey bixisaa sida yurubtakale shaqona waa leedahay dadka weyba wadashaqeyaan. Wadaman badan ayeey kaficantahy sida swedhan . Ayuuto ay kujiraan raga iyo dumarka lkn in malta shaqo aa tal walee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Mukhtár says:

    Aniga had iyo jeer waxan maqla wadankan Sweden shaqo ma jirto, laakiinse is waydiintu waxay tahay, Somalidu markay shaqo dalbanayan ama ay codsanayan maxay la hor tagaan meeshay shaqada ka raban waa yaabe? Shahaado ma haystan qaarkod, xata qaarkood Licenceka (Körkort) ma haystan.. Qofkii marka muxu kugu siin shaqo, ma dhabarka ayaan wax ku qaadqaadi ayaa lagugu siin shaqada? Dhabar hada wadankan wax laguma qaadqaado ee qalab ayaa jira sxbayal.. Ta kale; xata luuqadii wadanka si fiican uguma hadlayan. Marka in wadanka lala yaabo maahe in Somalidu dib iskugu noqoto weeyan oo xata caajiska ay iska dhaafan.. Aduunka dadaal ayaa la isku dhaafay, maaha hadal.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  10. hassan says:

    Waa run sababto ah anaa tagay waxaana leygu yiri waan ku ognahay jeeb kaadu ma buurna maxaa kuu qabanaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. ali says:

    Yarkaan ABDIKARIM MRFAAID ku soo galo qalad weyn ayuu fahamsan yahay sxb sweden iyo wadamadaa isla soo bar bardhigtay sida talyaaniga kuwaasi dadka shaqeysto mase ganacsiga ku jiro baaburta dhoofiyo lee somalia aado kuwa kalene ma baxaan. Ee dadka sweden joogo oo ceyrta bishii lacagta ka sii diro ayaa tikidka xitaa Delbetaling ku jartaan ayee Muqdisho la aadaan ayagooba tikidka laku leyahay shid somalida sweden ha joojiyaan somalia aadisteeda please dadka shaqeysto lee ha aadaan, mase marka danbe muqdisho walaka baranayaa dadka sweden ka yimadaan hadaaba la dhahaa ceelasha biyaha ayuu ka yimid yaab kkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Macow says:

    Qofka meel walba uu ka joogo Aduunka hadii uu san shaqeysan ama ganacsi aheyn waa faqri, Lacagta lagu qaato Ceyrta waa tuugsi la casriyeeyey oo ah nafta ku cesho. Kuma xirna in uu qofka ka yimaado ama uu mareykan ka yimaado. Sweden waxaa dhici karta in qofka tigidka dayaarada uu ku qaato deen oo uu kadib lacagta ceyrta ku doolar ka diyaariyey kadibna uu u dhaqaaqay Muqdishu, Waxaa su,aal ah nin xaaladiisa sidaas tahay maku baashaali karaa Muqdishu ? Qasab waa inuu ku noolaadaa nolol ka adag tii uu ku noolaa Sweden sababta oo ah isku celcelis ayuu ku noolaanaa oo meeshana ka horeeyaan qaraabo iyo saaxiibo kor u fiirinaayo ama casho sharaf ka sugaayo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. OSMAN says:

    asc asxaabey run halasheego nin awalba raafaad iyo jaad gadis iyo shaqo aan meel loodayin kashqeeyay kana yimid wadan musmaasuq kajiraan iyo cadaalada daro sida carabta iyo wadamada aa sheegtayn iyo swedan meel islamamari karaan
    Swedan shaqo nolol iyo cadaalad aa taal runti inbadan waan kawanaagsanahay wadamada kale
    bal isweydii imisa ayaa qaajo iyo rafaad kunool malta iyo italy iyo wadamada carabta
    Xataa USA hadaad xanuunsato biswaaye banaankaa taalaa
    inta nolol iyo sharaf aa taal
    OBS sxb jimcaale bal kashekay dadka somaaliyed ee haysta baasabuurada kaladuwan
    kuwee baa ugu sharaf badan ama ugu xaqbadan
    YAAN MUSUQMAASUQ LA EEGIN PLEAS
    MAHADSANIDIIN
    SWEDAN VIVA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. faadumo wadani says:

    aniga waxay ila tahay faqiir waxa ah nin aan wadan laheyn iskadaya wadamada aad midna amanesan midna aad cayeysaan nin kasta iyo gabar kasta oo somaliyeed hadii aan fursad u helno in aan wadan kii ku noqono waxan nafteyda iyo tinaba kula dardarmaya in aan ugu shaqeyna iskawaxubso xebta quruda badana an qashinka ka nadiifino wadani nimadu maha dolada ee waa shacabka waadna mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. jamaal says:

    aniga waxey ila tahay marka runta laga hadlo wadama afarta ah sida swedan norway denmark finland wax eey is dhaaman malahan waa hadii runta ka hadalno waa wadamo ee dadka ku noolyihiin ceyr ama school booja ah marka qofki rabo in uu wax qabsado ha aado mareykanka ama canadka si uu shaqeyto lkn kuwan waa kuwa ugu streska xitaa nolol xitaa kuma fiicna

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. filis says:

    waan diin salaamey. kadib runti hadan nahay somiya meel noo fiicna malahn qarba canada iyo mareekanka ka so cabadayo oo na leeh meshan weey xuntahy qarna weey u oynayan qofka bunow adanka waa inu ku qanacsanada nolasha fiican uu ille subxana watacala siyey. ALXAMDULLILAH YAARABIYOW ADA MAHAD LEEH DADQARA GAJO U DHINTO OO MEEL AN SEXAN HAYSAN AllE AYAKANA HA U SAQIRO INTA DHIBN AMIIN AMIIN.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. amed says:

    asc runta hadan sheegno meshan wax yaalo malahan waayo horumar malahan waligaa waxa tagnane ceer iyo wax daran lkn dadka joogo talyaani oo kale kuwa cusub oo soo cararo ee dadka fahma kamatagan waana kataajiran marka xaga shaqada waa kafiican yahay swden lkn xaga ceerta iyo soo dhoweyska ay kafiican tahay lkn taas maxey kugasha inaa sanad dhibtooto kadib ad lacag samayso iyo inaa waligaa ceer taagno adiga fahan tii roon

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. B,N,C says:

    Haa waan ku raacsanahay maxaa yeelay qofka markuu shaqaysto ayuu sharaf leeyahay markaasaana waa taajir ama waxbuu haystaa lagu tilmaami karaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Ahmed says:

    Yes
    becouse i am here two and halv years i have no job everyday i go the internet place i apply but i didnt get any think

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. hodan says:

    waakuraacsanaha maxaa yeelay jaajo gacangeed cunsuri dultimid ayaa nahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. amadeyo says:

    asc aniga waa ku racsanahay in somalida kunol swden ay yihin kuwa ugu dhaqalaha yar ,lakin ma oranayo waa faqiir ,sababtoo ah maba shaqaysaninee maxa lagu dhahaaa waa faqir, waxana u sababayaa wadanka ay martida u yihin oo xerxeran ,ma aminsani in somalida ay yihin kuwa mashaqaystayal ah waxan ka aminsanahay in ay yihin dad ku fican wax so sarka , adiga i sweydii suasha ah 100.000 kun qofod ku dhawad aya u nolo dhamantood ma xuman karaan waa maya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0