“Qurba-joogtu waa xaasidiin oo tahriibka iyo nolosha Yurub runta kama sheegaan”

Dhagayso wareysi aan dhawaan siiyay idaacada Sweden oo ku saabsan dhibaatooyinka ay qaxootiga Soomaalidu kala kulmaan tahriibka saxaraha iyo Libya. Wareysiga ayaan sidoo kale diirada ku saarnay doorka qurba-joogtu ay ku leeyihiin tahriibka iyo sida ay qeyb uga qaadan lahaayeen in dhalinyarada Soomaaliyeed la fahansiiyo qataraha tahriibka iyo xaqiiqada nolosha Yurub.

Dhagaysi wacan:

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. Gob jabtay says:

    Jomacle Adaa ugu horeeyo qurba joogta macanaha waxa kawada adoo gurigaaga hagajin guri kale ma hagajin kartid waxa laga raba Dadka long tid jogay orapA ama america oon kuso dayanY iney isbadal dhab ah layimadan oo Dib unoqosho ah! Aan kula kaftame jimacale Xamar ma uguuresa ado madalaxada da,yarta laso qaldy kashaqeneYo say wallhi kkkk ama waa uun qawda maqashi waxnA ha uqaban ­čśÇ

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  2. daade says:

    ASC salaan kadib hadaan kahadlo fakarkeeyga gaaban mowduucan oo ah Qurbo joogta waa xaasisiin oo kama hadlaan runta walaal markaan Afriko joogay ruuxaan dhaho kawaran qurbaha iyo meeshaat joogto haduu runta ii sheego oo uu idhaho war meeshan meel maha hoos ayaan ka oran jiray waa xaasit oo hadeysan meel aheeyn maxuu asaga ka haaya muu kasoo tago habartaa cun anaat isiree oo kama yeeli jirin lkn markaan imit waan arkay marka hada ruuxa soo socda amaba soo tahriibaaya hadaat dhahdo walaaloow meeshaan meel maha anaga ku soo lug go nay ee iska daa sidaan aniga dhihi jiray kuwii hore unbuu idha haa dhegna shalaq ii siin maayo aan runta isu sheegno soomaali aanahay qof afriko joogo iska daa yurub iyo USA kaama yeelaayo qaasatan Soomalida wabilaahi towfiiq.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  3. wiil somaiyeet says:

    Asc-.. hadii fikirkeyga aanka dhiibto Arinta uu ka hadlayo jimcaale…marka hore su aal Jimcaale waa adiga leh qurba joogta waa xaasidiin. adiga webkan somaliska mudo badan ayuu furna wali kuma arkin adigoo dadka ka waaninaayo tahriibka iyo dhibta heysato. markii aad ogaatey in lacak lagu heli karo oo unicef ka shaqo heshey miyaa lee dahey tahriibka waa arin aan wanaagsaneen….. su aasheyda kale imisa adiga familkada ah ayaa tahriib ku yimid last 4 yr waa tiro malahan sida ka war qabno.. marka hore naftada wax u sheek ka dib umada waani

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  4. Amal says:

    Wcs walaal Daade walaahi waaruntaa waxaan aheen isku mid waxaan dhihi jiray dadka waa xaasid qof madhageysan Laakin maanta aan runta arkay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • Moh'ed Hassan Abdi says:

      kolay siday sheegeen amal iyo daade soomalidu waxay ku maahmaahdaa wan wayni ilaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkaan.
      Taa waxaan ka wadaa sidaynu ogsoonahay somalidu talada iskama maqlaan mida kale ilaa ay dhibtu isaga qabsato ma rumaysanayo waxan kula talin laha somalidu meelkasta ooy jogo inay iskaga fogaadaan aafadaa tahriibka. Waayo wadamada reer galbeedka islaam lagama doonayo somalina hadalkeedaba daa markaa illahay meelkasta wax uu kugu siine illahay isku dhiiba intaad gaal isku dhiibaysaan.wabilaahi towfiiq

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Abdifatah says:

    war soomalay waxaa la yiri hadba saaladu say kuu qabto ayaa laa tukadaa maanta yurub waa joogtan qofki hami waala hankaraa waana waayi kareaa wixii uu ku fekareayay marka maanta nin walba fikirkii uu ka ahystay yurub waa arkay inta dhiman waa arki doontaa qofkii ilaahay ka badbaadiyo mahii qofkuna meesha calafkiisu yaal waa la gaynayaa marka maanta fikirkeena iyo qoraalkii ilaahay ayaa ku nimi waxaan halkaan uga ducaynayaa inta ku dhiban yurub ee muslimiinta ah kuwa ku ladana ilaahay ha u mahdiyeen alx jimcaale adigana sxb qofka maanta nooga dhow wacyigalinta waa adiga waxaa leedahay web adigana ha kamid noqon soomalida xaasidka aha aad sheegaysid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. waryaa says:

    hal qof somali oo nolosha kadhacay ayaa 5 kale somali oo waxba ogeyn nolosha karidi kara, niyadana kajibin kara inuu u shekeyo keliya o waxyaabo qalad kadhaadhiciyo. hadalkaas waxan ula jeedaa somalida wixii layiri ayee kudhaqmaan kkkkkkk. teeda kale, waxaa dhici karto qofkaas doonta kusoo tahriibaya inuu nolol heersaro iyo waxbarasho heersaro kagaaro yurub, kan mudado dheer jogayna kuqasaaray. yurub iyo qurbahoo dhan waa qofkasta nasiibkiisa iyo dadaalkisa. bye

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0