Rag Göteborg lagu xiray oo la sheegay in ay shabaab xiriir la leeyihiin

Afar qof oo shalay lagu xiray magaalada Göteborg ka dib markii la sheegay in ay maleegayeen weerar argagixiso oo lagu qaado xarun masxaf ah ayaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin ururka Alshabaab. Dadkaan ayaa la sheegay in ay doonayeen in weerar isugu jira rasaaseyn iyo qaraxyo ku qaadan xarunta  Röda Stens Konsthall.

Wargeyska Göteborgs Posten ayaa qoray in dadkaan ay yihiin dhamaantood rag dadooda u dhaxayso 23  ilaa 26. Wargeyska ayaa intaas ku daray in booliska ay ka soo xigteen in raggaan ay xiriir la leeyihiin xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Wargeyska ayaa sheegay in sababta ay raggaan u doonayeen weerarka masxafka ay ahayd in uu halkaas imaan lahaa ninka lagu magacaabo Lars Vilks oo horey u aflagaadeeyay nabiga (scw) balse ka baaqday kulankaas.

Hay’ada amniga ee Säpo ayaa diiday in ay wax faahfaahin ah ay ka bixiyaan ragga la soo xiray iyo eedeymaha la xiriira Al-shabaab.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

19 Responses

  1. somali says:

    Waxaan qabaa in ay talaabo wanaagsan qaadeen laanta amniga sverige sababtoo ah waa cadawga úmada somaliyeed iyo cadawga diinteena dalkeena dadkeena oo inooga soo duulay dalalshisheeye Alshabaab talaabo in laga qadaana waa ila haboontahay cidkasta oo alshabaab lug kuleh, in aan dhalin yarada lagu xad gudbin hadayna lugkulanayna waa arin wanaagsan, balse sirdoonku bilaash wax iskagama qabtaa waxay tabataagan yihiin ayaan aamin sanahay xogo wax ku oola

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 3

  2. omar says:

    asc wallal jimcaale dadkaas la qabtey yey u dhasheen soomaali mise mida kale bro waaberi ayaa ka hadley arimaha familyada ayaa maqley wax maka ogtahey mahadsanid

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. I HATE ALSHABAAB says:

    KUWAAN SOMALIYE EY UMADI KALAREBENE HADANA MA SWEDEN EY QARXIS ISKU DAYEEN,XABSIGOODA MARKEY DHAMEESTAAN SHARCIGA INTA KACESHTAAN TAHRIIB HA KU DIREEN.

    DAD MAGANGALYO KU SIIYEY HADANA NOLOSHA KU FUDUDEYAYA ABAALKOODA SAAS MAAHA.

    NINKA XUN OO BAQTIGAA OO NABIGA CSW WAX KASHEEGAYKAAS ILAAH AYAA KAJASEYNAYA CIQAABNA WAXA UGU FILAN NAXDINTA IYO CABSIDA UU MALIN WALBA KU JIRO 24 SACADOOD WARDIYO UU LEE YAHAY.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 2

  4. mohamed aweys mohmed says:

    asc dhamaan baahda somliska
    salaan ka dib raga la qabtay hadii arggixso yihiin sidey wadanka ku joogeen mana lagu arkay wax cadeen h oo muujinayo arintaas mise waa tuhunka waqtiydaan dambe somlida laga aamin san yahay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. faa,id says:

    Afar ruux ee shalayto lagu qabtay magaalada Göteborg ayaa maanta lagu soo oogay dacwad loogu tuhunsan yahay iney fal-argagixisnimo ku talo jireen. Afarta ruux ayaa ah rag ey da’doodu u dhaxeeyso 23 – 26 jir, sida ey qortay hayadda wararka ee TT, inkastoo hayadd nabad-sugidda ee Säpo, farahana ku haysa baaritaanka howshaa ey ka gaabsadeen iney shegaan waxyaabaha lagu tuhunsan yahay iyo sidoo kale iney xubno ka yihiin urur ama koox gaar ah. radio Sweden. qeybta Soomaaliga

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Abu-Xudayfah says:

    Waa Arin Hubaasheeda Mugdi ku jiro sidaan filaa , waana Caadadooda in qofkii ay doonaanba Magac u Yeeshaan ,

    Maxaa yeelay Sanadkaan Gudihiisa ayay ahayd markii sidaan oo kale 4 wiil oo Soomaaliyeed Argagaxiso lagu eedeeyay ee la xiray isla markaana Danbi lagu waayay , Mar La Sharaf dilay , oo aysan Sweden Dhexdeed Shaqo ka dalban Karin !!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  7. fatima uqtu says:

    Waa Arin lugu farxo runtii balse waa ka xumahey in Qorshihii ay rabeen si fiican ugu fulin,, alla ha difaaco mujahidiinta alle iyo rasuul u dhimanaayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

    • faa,id says:

      Waa mujaahidiintaas,e mujaahid ayaa warkiis ba,ay in dadka la iska laayo oo mujaahid lagu sheeko miyaan weli laga jaahil bixin.

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  8. hasan hilaal says:

    jimcaale mimankaan ma somali baa la qabtay?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. maxamed says:

    naagta lagu maagacabo matima miyad walantahay mise waxad lajirta in mujahidiinta eey dhib geysato naaya walahay waxad ku wacan tahay caawa in aan ogahay meshaad ka joogto aduunka waxad ku jirta naagaha mujahidiinta wasto ee xaranta kula seexda waayo mujahiliinta naagta ma mehersadan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  10. Qaboobe says:

    Asc marka waa wanaagsantahay in gaalkii nabigeena aflagadeeyay ladilo lkn wexey kufiicantahay siqarsoodi ah inloo dilo maahane inladhameeyo bulsho aan dhib geysan lamarabo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. jimcale2 says:

    ASC all somaliska.com waan idin salamay arintaan waa arin ila wanagsan oo raga somalida ku dhaqaaqday maxa yeelay Al shabaab waa qolo saxan ASC

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. amir says:

    ASC ..cayda ha la joojiyo oo yaaan hablaha la caayin ragow … nimanka afarta ah ee la qabtey saddex ka mid ah waa somaali kan afraadna waa iraqi sida wargeyska göteborg posten sheegay sadex ka mid ah lakiin waxay haysteen passport weyn ee wadanka almicna wa medborgare …. october ban egi donaa marka maxkamada la soo taago sidaa bay shegeen hayada dambi badhista ee sapo… lakiin ha aan u duceyno in aan lagu helin wax dambi ah waa tuhun wali wax cadeyn ah oo la so bandhigay ma jiro … wa scw allah khierka ha ina waafajiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. ibrahim says:

    waxaan leenahay ALLAH haka badbadiyo galada cadowga ah waa wiilal muslimiin ah insha Allahu waxba ma arkayaan asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  14. Abdiraxman says:

    Asc all somali ragan qawarijta shabab ka xirirka laleh hadu danbigas kucadado waxey kuxukun yihin cadawga dintena suban kusodulay wana munafaqin raba dintena dadka nacsiyaan lanta amanka swedan xabsi dain hakuxukunto ama diltogashaa ciqabtoda sas ah aqirana cadabki ala sugaya hursharul qalqa walqaliqati biladanka kuwa ugusharta badanwaye shabab iyo waxiracsanba umada iyo dintaba alaha kaqabto amin amin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  15. mursal says:

    Ninka xun eee rasuulka caayey wax la dilo misana lagubo waayahay waxkastaba ha nagu qaadateee kaaas yaala dayn meelkasto oo lagu arko shaydaan waaye ragaasna allaha ufududeeyo aniga sweden in la isku qarxiyo maqbo laakin inkaas waan qabaa inta kale iswidhiska waxba nooma gaysan laakiin kaas yaaladayn

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  16. abdalle says:

    Qof walba waxaa ku waajib ah in uu la socdo ubadkiisa saaxiib qaali ahna la noqdo si aan cadawga umada uga faa,iideeysan magaca umada soomaaliyeedna u dhaawicin, waxaa nahay markaan ku noolahay sverige dad lasoo dhoweeyay, aad loo tixgaliyay lana siiyay xuquuq buuxda oo bini,aadan nimo, waxaa naloo ogolaaday in aan lamid noqono dadka u dhashay wadanka, wax xad gudub lama kulano, waxaa si weeyn wax looga qabtay nolosheena, waxaa naloo ogolaaday in aan shaqaysano,waxbarano.hadii intaa ay noo suura gali weydana waxaa meel naloo saaray nolosheena,wadama badan oo caalamka ah weey adagtahay in sidaan nalooga tixgaliyo, markaa maxaa nagu waajib ah, waxaa nagu waajib ah in aan ilaalino sharciga swedan karaamada swedan. qof waloo danbi kagalay ilaah iyo diintiisa asaga ayaa ka abaal marinaaya waxaad kanacdaa laabta, hadaad u carootay ninkaas ha hilmaamin inta ku garab taagan ee diyaar kuula ah wanaag

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  17. Ahmed says:

    anigu ma amin sani in arintaan saxtahay oo xataa ay dooanyeen in ay sameeyaan qarax ee police waxay doonayaan in ay hubiyaan wxa jira waa baritaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. nin culus says:

    waa salaamantihiin dhamaan . teeda kale waxaa leeyahay ilaahow adaa weyn somalida caqli u yeel . aduunka meel kasta waa nalganacay hadana sverige oo nasoo dhaweysay oo wax walba na siisay ayaa hadana caqliga ku fikaray in leesku qarxiyo ilaahow datkaan caqli uyeel .ilaahow datkaan caqli u yeel .war magacii somalia waad haleeseen dhulkii waa soo gubteen ma hadana sverige maa guba rabtiin . ma lagu fikiray hadey hadey wax qarxis dhacaan anagoo somaalia ah waxa nagu dhici doono , dat duleysan ayaa tahiin umad qaribmatay ayaa tihiin ee inta idinka dambeesa oo halkaan joogta u naxa .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0