Ragg Soomaali ah oo loo soo xiray dilkii Ludvika

Wiil Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 18 sano iyo wiil 22 sano jir ah oo ka soo jeeda Kongo ayaa loo soo qabtay dilkii loogu geystay nin 44 jir ah wadooyinka magaalada Ludvika 17 bishaan. Wiilka Soomaaliga ah oo aan wali dambiga lagu cadeyn ayaa la amray in xabsiga lagu sii hayo.

Raggaan oo ku nool magaalada Ludvika ayaa la sheegay in ninka oo ka yimid xaflad Kirismas ay si naxariis daro ah u garaaceen ka dibna uu ku geeriyooday hospitalka. Lama yaqaan sababta ka dambeysay dilka loo gaystay ninkaan oo caruur lahaa, booliska ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in ninka la dilay iyo raggaan wax dilay uusan xiriir ka dhaxayn.

Waxaa sidoo kale la soo xiray nin sadexaad oo isagana la sheegay in uu Soomaali yahay oo la sheegay in uu ku lug lahaa dilka. Qaar ka mid ah raggaan ayaa la sheegay in ay dambiyo hore uga diiwaan gashanaayeen Booliska.

Magaalada Ludvika ayaa qalalaase badan ka dhacay isbuucii la soo dhaafay iyadoo ninkaan lagu dilay wado cad halka ninka kale oo 28 sano jir ahna lagu dilay magaalada sabtidii.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. ASC says:

    Waa Arin Naxdin leh In ee soomaali ku lug leedahay dilka Ludvika .

    Shaqo Ayaan U tagaa Ludvika wiig kasta halmar Somalida Dagan Ludvika
    Waa Dad Wadanka Ku Cusub Dhamaantood Dagmada mardhow soo
    dagay Ma Wanaagsana In sawir qaldan laga fahmo iyo in ey ku lug
    leeyihiin Fal dil ah iyaga oo ku cusub dagmada , Waxaa Iga Talo Ah in ey kulan iskugu yimaadaan ee ka wada hadlan heerka arinta ee gaarsiisantahay jaaliyad hadii ey jirto ee la shaqeeyaan hadii kale eysan jaaliyad laheyn la xariiraan Somaliska Riksförbundet i Sverige Ururka ugu weyn umada soomaaliyeed ee dagan wadanka Sweden Si Loo siiyo tilmaam Iyo Caawinaad Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. Massago says:

    Somalida waxa loogu daray waxeey ila tahay yaan wax baxsan wixi xumba xaawaa leh camal maadaama ay tahay Jinsiyada kaliya oo 80% xumaan loo maleey karo Lkn waxaan dhihi lahay Somalida kunool Sverige hasameeyaaan arimahan siloosoo deeyo cunugaas. 1 cunta joojin ama soo gadashada loo yaqaan Julrabbat-ka 2 wixi lacag ah oo Faktura ahaan ugu yaal guruga yey dhiibin 3 skoolaadka yaan la,aadin 4 basaska shuud iyo indhacdees halagu raaaco mm intaas hadii lahelo ilaa 1-da jan waxaan filaa in lasoo deey doono muluqaas Allahana kasoo baxsho gacanta cadawga intow dulmi u dhoodaalay maxaa yeelay asiga yaa yiri ii aad ciid gaaleed masiyaarti Macalim Nuur aw u qabay mase Sh, Biyamaaloow asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. ASC says:

    Masago Sxb Waligey Ma Arag Nin Kaa Talo Xun War Moog Ayaa Tahay

    Qof Walba oo 18 sano jir ka badan Sweden isaga ayaa masuul iska ah Qofka jabiya heshiis uu la galay shirkad guri ama hey ad uu wada shaqeyn kala dhaxeyso qafkaas isaga ayaa masuul ka ah . marka sxb fadlan talo xumo barafkaan ayaa na keentay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. rashka says:

    sxb massago markaan qoraalkaga aqriyay wan qoslay si kal iyo laab ah,sxb ma ogid miyaa in cunto aad dido dadkale waxbo ka galin, ama lacag hadad lacag dhiibi weyso in 10-k number gaduud laga gelinayo,Sverige cid ku heysato malahan hadad adiga qalad gelin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. abdinasir borle says:

    waaaaa suu rashka shegay banankiis mare maradiisa ged ma, qabsato maxa is qab qabsi kenay ma, bananka la, maro ader tallo ahan tayda niki wax dilaaaa ciqaaaab ha la, marsiiyo asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. wadani says:

    wadankaan cadaalad ayaa kajirto haddii uusan denbi laheyna waa layska deynayaa, haddiise uu denbi yeesho sharciga ayaa la marinaa, ma ahan in debiga leyskugu kaalmeeyo,
    walaalkaa hadduu qaldan yahay qabo haddii laga qaldanyahayna qabo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Massago says:

    RASHKA
    SXBOOW DHI IYO DHEEF SIDEEDABA WAXAA SOO HOREEYO
    DHIBKA MUGA 10 LAMBAR WAXEEY SHEGEE MALEH KUWA ILLAAHEEY AA NOO QURXOONANAA HADEEY KU DHEELAAN KUWA SVERIGE SAASAA KEENTAY INAAN IRAAA HAKAGU DAYO AIRIMAHAAN DAMEERKI KAC DIIDO KEEYNA WAA LAGU DAYAAHE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0