“Ragga qurbaha ayaa guurkii qaali iyo macno la’aan ka dhigay”

“Hablo badan ee dalka waxay u arkaan ragga Qurbaha ka yimid inay yihin dadka ugu wanaagsan oo kaliyaa la guursan karo si dhoof loo helo. Wakhtigii aan guursanayey, guurka wuxuu ahaa mid sharaf leh, waxay ahayd saldhig lagu abuuro guri barwaaqo. Lacagta badan laguma xidhi jirin oo waxaa la eegi jiray, gurigaan inu abuuro qoys cusub oo farxaad ku nolaada. Ninkana inuu yahay mid karti badan oo ragga kala garab socon kara.

Waxayaabaha kale ee aan qiimayn jirin waxaa ka mid ahaa gabadhu guriga ay dagayso oo hadii uu reerkooda dhex gaynayo ama qol yar uu gaynayo qiimo lama siin jirin oo heblaayo waa la guursaday ayaa anaga sharaf noo ahayd. Laakin hadda waxaas oo dhan waa laga tagay oo dan baa laysku guursadaa. Gabadhu hadii aay dhoof rabto ninka waxay uu guursanaysaa inay dhoof ka hesho wiilkuna waa saas, waxaaabaha guurkii qiimo tiray bay kamid tahay oo hada hadaad uu fiirsado in badan gabdhaheena waddanka jooga waxay aaminsan yihiin ragga dibadda jooga ee laga yaabo inuuna shaqayn ama waxba gacanta ku hayn laakiin kan waxbartay shaqaysta ninba uma haysato.

Dhibaatada kale ee jirta guurka waa lacagta faraha badan ee lagu bixinayo. Waxaan mar ka qeybgalay aroos lagu bixiyey $30,000. Ragga magaaladda degena niyad jab baa ku dhacay. Wiilkii wax haystay oo markay gabadhii meel adag uu istaagto wiilkii wuu iska daynayaa guurba. Markaas bey tahriibaan oo naftooda qatar galiyaan, ayagoo suurtagal u arkin iney dhulkooda hooyo ku guursadaan.”

Burco, wareysigaan waxaa lagu daabacay bogga Somali Faces 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. Kaw says:

    Runta waxsheegaba gabadhanaan arkay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. siraad says:

    Asc wale gabdhaan in baa runsheektay wayo somaliya waxa ladhahaa hebla waxaa guursadey nin yurub ka yimiid ama ama USA ka imaday. Waxa laga yaah wiilkaada inu aha misaan wali gips shaqeeynayo ama saaqid noqdaay oo waliidkìs wadaan waxaan ka bixinayaan. Guur waa sharaaf oo wanaag waa naxariis Allah nasiyeey ee mahaan sidan mode xoolo lacaag iyo saro inu leyahaay wiilka ama gabadha tona.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Luul says:

    asc
    waa sax waxa ey gabadhan sheegtay lkin dhibaatooyinka dowlad la aanta laga dhaxlay ayey ka mid tahay in reera badan ey dumaan sababto ah ninki somalya joogay waxa uu qiil ka dhigtay meel uu nin wax ka qabakaro ma jirtee waa in dumarku shaqeeyaan qaarna intey soo guursadaan ayey waalidiinti ku dhibaan owlaadooda intey dhexda u xiran lahaayeen awlaadooda markaaley dumarka dhibaato badan la kulmaan taasina waxaa u dheer in mararka qaar gacan loo qaado ragga ha tashadaano oo wadanka iyo dhaqanka wax haka bedelaano

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. waryaa says:

    Dumarka somaliyeed weligood we jeclaan jireen raga dibada ka imaadan ineey guursadan, siiba kuwa saudia arabia ka imaadaan oo caloosha waaweyn😀

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1