Raysal wasaaraha: Shirkadaha Swedishku waa cunsuriyiin

Raysal wasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa shirkadaha wadanka ku eedeeyay in ay yihiin cunsuriyiin aan doonayn in ay shaqaalaysiiyaan dadka soo galootiga ah. Raysal wasaaraha ayaa qirtay in Sweden ay ku fashilantay arimaha isdhexgalka balse waxaa uu eeda inta badan saaray shirkadaha.

In shirkadaha Swedishku ay cunsuriyeeyaan soo galootiga ayaa ah mid la wada ogyahay oo markii dadka magaca ajaanibta leh ay shaqo dalbadaan aan xitaa wareysi loogu wicin. Intaas waxaa sii dheer in ajaanib badan oo waxbarasho sare leh ay ka shaqeeyaan shaqooyin aad u hooseeya oo aan u qalmin waxbarashooda.

Ganacsatada Sweden ayaa inta badan waxay u codeeyaan xisbiga Moderaterna (M) iyagoo ka soo horjeeda siyaasada xisbiga Socialdemokraterna (S) ee uu hogaamiyo raysal wasaare Stefan Löfven. Bilihii dambe ayaa xitaa waxaa soo baxay in qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn iyo ururada matala shirkadaha in ay la shaqeeyaan xisbiga cunsuriga ah ee SD.

Si kastaba ha ahaatee raysal wasaaraha ayaa intaas ku daray in xaaladu ay hada soo hagaagayso.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. MASSAGO says:

    RW Lofven hadii awba saas ula socdo dhibka ajaanibta laguhayo waa qeeyr ee xaalagu xali karaaa.. tusaale ahaan hadii ladhaho Shirkadi qaadato 20 qof waa ineey 4,5 kadhigtaa shaqada si qaxotigu aw jaanis u helo. Tankale oo ay macquultahay inaan suuqa shaqada kuheli karno waxaa waaye in tayada waxbarshada loo sinaado Mellan Eric,,, Mohammed taas hadii lahelo waxaan aaminsanahay in waxkabadalmi karaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  2. Abdirahman says:

    WAN ok nahay taas Wayo is wedhashku Malaga yabo iney KUyeraa marka ad shaqo dalbato Wayo waxey firiyaan magaca hadey arkan magacaaga inoow SAN aheen swedhish waa kaa gudbayaan Wayo qof awedhish ah bey ujedaan marka hafilanin inaa shaqad lagu siyo inta swedhish joogo marka Waxaa loga gudbikaraa ina sogalotiga joga wadanka iney ayaga furtaan maharado ganacsi eyna shaqaleyaan sogalotiga an mel furakariin is cawiyaan Cml lakin cusuri Majirin swedhishkan Wayo WAN arkney

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. Bushra says:

    Warkan waxa uu u eg yahay in Stefan löven dartiisa ay dadkaan qaxootiga ah ugu nool yihiin Sweden.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Hassan adde says:

    waa arin fiicn runtii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Hassan adde says:

    lkn sweden wadan jiro ma ahn dhn wlibo xaga waxbarsho dhnka shaqo iyo dhnka is dhax galka allow umuraaha sahal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Sama Tinle says:

    Kkkkk waaba hadaan shaqo udoonto shirkadahooda. Waxbarashadayda freega ah baan iska wadan illaa jaamacada ka dhameeyo markaan dhameystane dubai ka shaqeyn anoo dhahaado MR jaamacadeed oo sweden ah wata passaportne ka wata inta ka horeysane ceyrtayda iska jaqi keyl iyo qabowba iguma hayso shaqo la’aantooda marba lacag igu filan iyo guri aan ku noolaado haysto waxbarasho iyo caafimaad free ahne haysto alxamdulilaah
    Raysulwasaaraha iyo dawlada swedene waan u mahad celin alle ka sokow.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0