Raysal wasaaraha Sweden oo shacabka ugu baaqay in ay u dulqaataan qaxootiga

Raysal wasaaraha Sweden ahna gudoomiyaha xisbiga Moderaterna (M)  Fredrik Reinfeldt ayaa qudbadiisii xagaaga ugu baaqay shacabka Sweden in ay dulqaad u muujiyaan qaxootiga faraha badan ee wadanka ku soo qulqulaya.

Raysal wasaaraha oo dareensan culeyska ay keeneen qaxootiga ka soo cararaya wadamada Syria iyo Iraq ayaa Swedishka ugu baaqay in ay u dulqaataan qaxootiga oo ay qalbigooda u furaan. Sanadkaan ayaa la filayaa in magangalyo doonka iska dhiibaya Sweden ay gaaraan tiradii ugu badnayn abid.

Raysal wasaaraha ayaa guud ahaan qudbadiisa ku soo qaatay doorashada nagu soo aadan, isagoo xisbigiisa ay fooda isdari doonaan xisbiga mucaaradka ee Socialdemokraterna (S) ee uu hogaamiyo Stefan Löfven.

Reinfeldt ayaa sheegay in haddii shacabka Sweden ay doonayaan in dhaqaalaha wadanka uu ahaado mid wanaagsan ay u codeeyaan xisbigiisa.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. um alwalid says:

    sc walaalayaal ayaantaan waa la wada aamusay maxaa cusub oo soo ziyaaday arintii 2da sano

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Mohamed Abdi says:

    Wlhi waa wax laku farxo waana qorsho wax tar uleh qoxoti walbo oo wadanka soo gala waana arin Noo wada fiican FIFA Sweden

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. faarax says:

    Jimcaale sxb waxa kuweydiina teori ga afsomaliga websitekan kujiro iyo teoriga trafikverkets ma isku egyihiin? Waxaan rabaa inaan iibsado sxb. Mahadsanid.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. BOOLIDIID says:

    SALANKADIB.. WAA ARIN SHARAF IYO QIIMO WEYN ULEH SHACABKAN IYO DAWLADAM SWEDEN SABABTOO AH MADAXA UGU SAREEYO DAWLADA DALKAN SVERIGE INUU SHACAB UU DAR DAARAN SIIYO OO UU KULADARDAARMO DULQAAD IYO SABAR IYO INEY QALBIGE UFURAAN DADKA QAXOOTIGE AH EE SOO QULQULAAYO TAAS WAXEY KUTUSEYSAA HURUMARKA IYO WAAYA ARAGNIMADA EY SVERIGE EY GAARTAY RUNTII WAA SAX IN DAD CUNSURI AH EY JIRAAN OO XIZBI KUJIRO BAARLAMAANKA OO CUNSURI AH MARKE WAA OK WAX LAGU FARXO

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  5. sahra says:

    salaan kadib syri iyo ciraaq waaba lashegee somalida jokto ooo sharci la,aanta yaa umaqan bilaash ayaad uku farxeesiin reysulwasaraha muusan dhihin qaxootika ee dalal qaas ayuu shegay ee ha loo kaco somalida diidmada wada heesato oo mudooyin badan joka sweden iyo inta sugesa hada jwbta ee wax aqbaar kahayo halka somalida looku olalenayo iyo xisbika utagan in uu tageero somalida qaxootika ah hala sheeko iyo wax aqbaar inta kaheeso aqayaarta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  6. jaabiri says:

    Waar fadhiga halaga koco Somalida bilaa sharciha ah iyo kuwa loo reerahoodii diidmada lagu taagow. xaqiina dhacsada oo xisbiyada shuruudo LA gala hadii ay helaan oo yaga la taageero waxay u qabanayaan somalida dhiban’ halkan uun haiska hadlina uune xaqiina LA duudsiyay u dooda dadbaa sanaawaad kala maqan oo meelo kala fog Ku kala nool.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1