Reer Nairobi iyo rajada Sweden

3

Khaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee deganaanshaha ka sugaya dalka Sweden ayaa bilaabay in ay dib ugu noqdaan Soomaaliya ka dib markii ay ka niyad jabeen Sweden. Sanadkii la soo dhaafayay ayay ahayd markii Sweden ay shuruud dul dhigtay Soomaalida in ay aqoonsigooda cadeeyaan arintaas oo keentay in dadkii codsiyada gudbistay loo soo tuuray diidmo ama appeal khaarna aanba loo soo jawaabin mudo sanad ka badan.

Dadka ku laabanaya Soomaaliya oo ay colaad uga soo carareen ayaa sheegaya in aysan ku noolaan karin maciishada qaaliga ah ee Nairobi ayadoo intaas u dheertay dadkooda Sweden ku nool oo mardhow sharciga qaatay kuwaas oo aan shaqeyn.

Dadka sugaya in Sweden ay xayiraada ka qaado ayaan kaliya ku sugneyn Kenya ayagoo kala jooga wadamada Ethiopia iyo Uganda. Boqolaal qoys ayaa kala qeybsan oo jahweerar ku sugan kuwaasoo codsi u diraya dowlada Sweden in ay il naxariis ah ku eegto oo ay shuruuda ka qaado.

C/Wahaab Xasan, Nairobi – Kenya

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here