Sadex sano maxay ka badalaysaa aqoonsigayga?

Waxaa sidaa u sheegay wargeyska Falköpings Tidning Mohamed Husein oo ah afhayeenka ururka Somaliska Kulturföreningen i Skaraborg isagoo uga waramay wargeyska dhibaatada ka haysata Soomaalida in ay sugaan 8 -sano baasaboorka halka soo galootiga kale ay sugayaan 5-sano oo keliya.

Mohamed ayaa sheegay in uu doonayo in Swedishku ay ogaadaan in Soomaalida faqooq lagu haayo, arintaana ay muhiimtahay maadaama laga soocay Soomaalida soo galootiga kale. Wargeyska ayuu si fiican ugu sharaxay caqabadaha ay arintaan ku hayso Soomaalida isagoo siyaasiyiinta ka dalbaday in ay arintaan wax ka badalaan.

Waxa uu sheegay in uu la xiriiray wasiirka Socdaalka Morgan Johansson kaasoo u balan-qaaday in uu jawaab ku soo celin doono. Mohamed Husein ayaa xitaa sheegay in ay mudaharaadyo abaabuli doonaan haddii loo baahdo.

Arinta ay sameeyeen Soomaalida Skaraborg ayaa ah mid muhiim ah, iyadoo loo baahanyahay Soomaalida guud ahaan daafaha wadanka in ay la xiriiraan saxaafada gudaha isla markaana ay ogeysiiyaan siyaasiyiintooda arintaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

17 Responses

  1. asmaa says:

    bra jobbet.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  2. asmaa says:

    bra

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. mr umeå says:

    ASC dhaman asxaabta ku xiran whabsatka jimcaale brq jobbet ayaan le yahay somalida wada hoshan quruxda badan anuga waxan oean laha dagmo walba ha la xiriran wargeysyada insha alaah waxba is badali doona somali arintan wan ka wada simanahay xooga ha la saaro

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  4. nur elmi says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 3 Thumb down 11

  5. sanan says:

    Masha Allaah waxaad qabatay shaqo fican Mohamed Husein aad iyo aaad ayan kugu mahad celinaya

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  6. Abdulahi says:

    waa wax lalayaabo in dad kaadanbeeyi oo luqade xataa laga yaabaa in uu kaaliito oo sidaadoo kale qaxootinimo kuyimi Sverige in uu kaa hor qaato dhalashada adigane aad sanado kabacdi laga yaabo inaad heshid ama waysid

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  7. muhanad salah says:

    Waa arin wanaagsan oo somalida wada dageeridoonto insha allah guul ayaan rajeeynaya

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. baarka says:

    Soomaliyeey kaca and lets fight our rights. Saan cadaalad daro weeyaan in ajaanibta kale 5 sano lagu siiyo anagana 8sano. Qaladka anaga ayaa iska leh oo iska hurudno. Dowladana weey ogyihiin soomalida ineysan xaqooda dhacsan. Kaca kaca kaca meelkasto aad kajoogtaan sverige.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  9. mohamed says:

    asc sxb jimacale waan kuu salamay marka hore salaan kabacdi waxan rabaa inan suuaal kuu weediyo adoo rali ah barnamshka somaliska lifos lag bestämmelse sweden sow intaad gasho mac luumaad kamasoo qorikartit oo sooma turjumikartit sxb marka aad nagula wareegeeysid arimaha maalaayacniga ah mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  11. Awale says:

    Asc waa runti wilkasi , aniga maxa 3 sano oo siyado ah somali logu daray , maxaa iska kay badali kadib 3 sano , somali maa ku noqona , walahi waa fuquq caad calamka maa ka jirto , dhamantod waxaan kama iin ay necb yihin somali , niyad jaab weyn waye , maxaa daadka ajanibta ah aay inoga diib dhigeen dhinac walba ? waa xaaqi umaad dhaan waxa lagu tumanayo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. fuaad says:

    Nice job

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. saadiq says:

    asxabtii 2 sano wayahan warkod lama hayee maxaa dhacay hada ogolaasho ayaa lawada helay Ayaan u gartay asxaabey codsigii online ka wax miyaaa iska bedeley qofkii faaah faahin ka hayaaa ha ii jawaabo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Mahad says:

    Asmc dhamaan waan idin salaame somalida ku xiran wabka jimcaale sidii kel jimcaale ayaa umahad celinaa mida pasaborka taas cadaalo daro waaye ee Aawe midii dadka labada sanno sidoo usheege wiilka iga horeeye sxb taah intee ku danbese ayada wax wax iska weydaayo malaha ayaanta waan daalne sidaan ufiireene wep marka codsi qofkii wax oo aqbaar eh kahaayo hanoo sheego inidkoo dhamaan wada mahadsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. liban says:

    waa arin wax ku ool ah waana kutageraya somalida utagan dhibatoyinka lagu hayo qoomiyada somalid gartayna ineey ka hortagan wax walba oo caqabad ah teeda kale dhibatooyinka waa badan yihiin mahan kaliya passporka in laso gaaabiyo mudadi lagu qadan laha waxa jira somali badan oo wadankan kunool 6lix sano oo hadana aan helin xuquuuqdoodi qaxootinmo waliba waxa lagu sameyay si eeyna u muduharadin ama u banaan bixin 2laba meel ayaa lageeyay waxa lagu heestana lama yaqaano iyo qaar kaloo badan marka muhiim weeye somalida sweden kunool ineey hurdada ka kacaan oo hal mid noqdaan si aan uga baxno gumesiga iyo cunsiryada nalgu hayo waa mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. Somali says:

    Aad iyo aad ban usoo dhawaynayaa arin tan waa mar hore lo bahnaa Waa inaan hurdada ka kacnaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. Iga Daa says:

    asc dhamaan asxaabta waxan idin leeyahy malin wanagsan Shaqo wacan buu qabtay lkn garab is taag buu doonaya somalina kala qeybsanan kafogaada. SAADIQ AND MAHAD. .Fariin Gaar ah. dadka hada xareeyay dacwada waxay qadanaysaa mudo 12bil illa 18bil in laga amusnaanayo taasna hala ogaado waxbadan ayan arkay ayan uleyahay asxabta dadka 2bo sano akyar mar hore aya goan kas laga garay lkn inyar ayaa idinkala cadeynaya dadka wey sii kala qadeyn qof inta uusan iman wadanka sweden ooo xaas lahaay dhan walba ha ahatee dadkas waa loo wada ogolaaday. lkn qofkii baxay asigo sweden katagay kadibna so gursaday oo caruurna isku hayan dadkas ayaa loo diiday dhowr qof oo diidmo lasiiyayna wan aqaan- lkn aniga waxa ka mid ahay dadka 2boda sano kayaray oo inta wadanka sweden imaan xaas i dii wangalsanay alx hada mudo dhowr bill kahor ayaana la ikenay dhamana sidokale ayan idin rajeynaya.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0