Safaaradaha Sweden maxay baasaboorka soomaliga u dalbadaan?

8

Su’aashaan waxay ka mid ahayd suaalo aan waydiiyay Laanta Socdaalka Sweden wareysigii ugu dambeeyay ee aan la yeeshay balse Laanta Socdaalka ayaysan u suurto galin in jawaabta siiyaan xiligaas ayagoo balan qaaday in ay dib iga siin doonaan jawaabta. Hadaba jawaabtii ayay ii soo direen ayagoo u sharaxay sidatan…

Baasaboorka Soomaaliga looma aqoonsana dukument lagu safri karo balse wuxuu qayb ka qaadan karaa nidaamka aan u isticmaalno in aan ku cadeyn aqoonsiga qofka. Baasaboorka kaliya cadeyn ma noqonayo balse markii lagu daro cadeymo kale iyo wixii warqado ah ee uu qofku keeno waxaa loo isticmaali karaa in la isku dayo in ay qofka cadeyn u noqon karaan.

Hadaba jawaabtii waa taas. Sida muuqata waa macno daro waayo Laanta Socdaalka baasaboorka mana aqoonsana cadeyna ma noqon karo, ayadoo xitaa haddii qofku uu keeno cadeymo kale ay aad u adagtahay in qofka Soomaali ah laga aqbalo warqado uu kala yimid Soomaaliya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here