Safarkaygii Islaamka: Kate waa gabadh Swedish ah [Video]

Waa markale iyo khisooyinkii xiisaha badnaa ee ku saabsan Muslimiinta cusub ee diinta Islaamka qaatay. Gabadha lagu magacaabo Kate waxay ku nooshahay magaalada Varberg ee galbeedka Sweden. Ka dib markii ay Muslimtay ayay telefishinka Sweden (SVT) ugu warantahay sababtii ka dambeysay in ay Muslim noqoto. 

Kate waxay ku soo dhex barbaartay reer Kiristaan ah, waxayna fikrado badan oo qaldan ka haysatay Islaamka intii aysan dhex galin oo baran diinta. Waxay sheegtay in ay raadineysay XORIYAD taasoo keentay in ay si fiican u barato kiristaanka iyo xitaa in ay tijaabisay Budhismka

Kate waxay ka warantahay in ay gabadh Muslim ah oo ka soo jeeda Afghanista is barteen oo markii ay diinta ka wada hadleen ayba u sheegtay gabadhii in Kate ay hadaba la midtahay Muslimiinta. Arintaas ayaa ku dhalisay Kate in ay la saaxiibto gabadha Muslimada ah taasoo kama dambeystii keentay in ay go’aansato in ay Muslimto. Waxay sheegtay in ay shahaadada ku sameysay guriga saaxiibteed.

Kate waxay isku dayday bilowgii markii ay Muslimtay in ay xirato xijaabka balse waxay sheegtay in ay la kulantay naceyb iyo waji xumo badan. Waxay isbarbar dhigtay markii aysan xijaabka xiran jirin iyo markii ay bilowday sida aragtida dadku isku badashay.

Mar la waydiiyay qorshaheeda mustaqbalka ayay sheegtay in ay dooneyso in ay Islaamka si fiican u barato, balse waxay sheegtay in hada ay dareemeyso wehel la’aan maadaama ay adagtahay in la helo Muslimiinta kale ee diinta soo galay. qaasatan magaalada Varberg oo aan sidaa u weyneyn.

Waqtiga laga qaaday wareysiga ayaa ahayd Ramadaankii 2008. Kate waxay sheegtay in ay hada soontay 3 isbuuc oo si fiican dareemeyso marka laga reebo cidlo.  Ka dib markii ay Muslimtay ayay la baxday magaca Khadija.

DAAWO MUUQAALKA.

 

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. abooto says:

    maanshaa allaah gabadhaan soo islaamtay allaha u adkeeyo islaamnimadeeda xaqa aad fahamtana waa ku soo dhaweynaynaa hadaan nahay umada muslimka ah waxaan ku leeyahay välkommen

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  2. Mohamed says:

    Masha Allah uqtii waxaa ku leeyahay Allaha kugaran siiyey xaqa ayaa mahad leh labad hada kadib waxa tahay walashayn muslimada Ah qadiija
    Välkomna

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Khadija says:

    Maashaa Allaah walaasheyda muslintey een isku magaca nahay waxan u rajeynayaa inuu Alle siiyo wehel wanaagsan oo islaamnimadeeda u xoojiya inshaa Allaah.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. Ayuub says:

    Ilaahey xaqa fahansiiyay ayaa mahad iska leh. waad guuleysatay maasha alaah.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. George Afrax says:

    Gabadha afghanistaanka ah kolleey waxeey ka soo carartey dagaalada ka socda wadankeeda, Khadijah! waa magac fiican: oo macnihiisu yahy afka carabiga”dhicis ama ilma dhasha intowsan bila dhameeysan” lakiin waxoow ku caan baxey magacaan waa ummu al mu’miniin: khadiijah bint khuweeylid, war xiiso leh! lakiin waxaa naxdin leh kan: anoo ka soo xiganaaya ALJAZEERA” well there are now 1.5 million churches whose congregations account for 46 million people. In every hour, 667 Muslims convert to Christianity. Everyday, 16,000 Muslims convert to Christianity. Ever year, 6 million Muslims convert to Christianity. These numbers are very large indeed ?..
    ” waxoow sheegay in Africa eey islaamka iskaga baxaan 6000000-lix millyan oo Qof sanad walba oo eey kristian noqdaan, taasoo sheikh wal wal ka muu jiyey. seey aljazeera sheegtay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  6. Ali-burao says:

    maasha alllllllllllah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Najma says:

    Asv,wr,wbr.Dhamaan walaalaha muslimiinta ah! To George afrax: horta intaadan wax sheegin inaad hubsato ayaa kafiican magaca khadija waa magaca aduunka ugu khayrka badan ee ogow! teedakale adugu magaalbaa tahay waanba kaa shakiyay. Walciyaadu bilaaah, Ilaahay ayaan kamagan galnaye! Waa adiga barobagaando ufidinaaya gaalada iyo beenta ay dunida kula wareegaayaan :Afrika iska daaye Europ ayaa lafilaayaa in ay 50%-60%Muslim noqoto haday saan kusiisocoto.Oomiyaadan arag qoraalada ay midoowga yurub uga digayso Germany iyo Englan in ay kotonka sanno ee soocota hadaanan qaxootiga islaamka ah layarayn in aay 100% ay muslim noqon doonaa oo ay halis kutilmaantay.Walaal waad hurudaa ee toos. Fidida Muslimka waa mid uu ilaahay balanqaday horayna quraanka loogusheegay wayna muuqataa: waqtigiii Islaamku Roma tagi lahaa ayaa soo dhaw. waanka xumahay adoo afsoomaali ku hadlaaya in aad been bulshada kula dhex wareegto!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!wabilaahi towfiiq!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. Geeeeorge Afrax says:

    @najma; waxaa tiri “Afrika iska daaye Europ ayaa lafilaayaa in ay 50%-60%Muslim noqoto haday saan kusiisocoto” oo walaal markaas xeggeebaa la sika dhiibi doonaa oo Qaxooti loo raadsan doonaa, illeen waan is naqaanee!?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

    • Mallu says:

      Thank you very much, Huda. We would love to receive the recpeis that you cherish and would like to share with us and the rest of the Xawaash family. It is indeed very generous of you. One of our dreams was to make this website a repository for traditional recpeis from Somalia, its neighbours and beyond. Please send us the recpeis and we will gladly post them.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. nasra says:

    maasha allaah ilahaybay mahadi u sugnatay alle waa ka hanunuja bixiya bal gabadhaas ka dhalatay rerka kiristanka ah hadana go ansatay ineey muslinto waa hidaaya alle masha allaah ilaahow u sahal wehel qayr leh oo islaam qalis ah oo xujaabka u xira amiin u duceeya in alle u siyaadiyo gabadhaas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. raaxeeye says:

    mansha allah waa aala mahadi ale aya qeerka bixixyo waa inaan ku faraxna una ducaayno wehel qeer qabo ale usahlo anaga islaam ayaan ku dhalana y waan ka carareen gaalan iska daba socona gabadhaana iyo kuwo kale dinta ayeey usoo cararaayaan aloow hanuuni umadaada kuwa ad qerka ladontay aloow magu dfar kuwaad qeerka la donatay inta islamka ah amiin aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Record says:

    KhadijaA&L. aad iyo aad ayad u mahadsantihin, waalalo waxa aad tihiin laba ruxo oo umada intii baratay iyo walidkuba u duceeeyay. Dish kasta oo aad samaysaanba aad ayu noo cajabgaliya dhman dawasdysh qimaha leh iyo anigaba, mrksta shaqo wacan ayaad no qabtaan, ihay ha idiinka ajar siyo waad salamantihin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0