Shacabka Sweden oo aan dhibaato u arag magangalyo doonka

Baaritaan lagu sameeyay sida shacabka Sweden ay u arkaan tirada magangalyo doonka ayaa waxaa lagu soo bandhigay insweden2  dadka Sweden inta badan aysan ka soo horjeedin soo galootiga. Warbixintaan oo ay samaysay shirkada caanka ah ee Sifo ayaa lagu soo bandhigya in 37% shacabka Sweden ay u arkaan tirada soo galootigu in ay badantahay.

Baaritaankaan mid la mid ah oo la sameeyay sanadkii 2001 ayaa tirada dadka Sweden ee aan la dhacsanayn soo galootiga waxay ahayd 55% taasoo hada aad hoos ugu dhacday. Sababta ka dambaysa in Swedishku ay soo dhaweeyaan soo galootiga ayaa lagu micneeyay in ay la socoto guud ahaan wadamada Yurub oo dadka shacabka ay gacmaha u furayaan soo galootiga. Swedishka ayaa qaasatan la sheegay in ay yihiin dad jecel xuquuqda bani’aadamka iyo sinaanshaha dadka.

Baaritaankaan ayaa la sameeyay ka dib markii Wasiirka Socdaalka Tobias Billström aad loogu cambaareeyay hadalo uu jeediyay oo ahaa in tirada soo galootiga ay aad u badantahay. Hadalkaas ayaa xitaa waxaa ka carooday xisbiga cunsuriga ah ee SD kuwaasoo sheegay in Billström uu afkooda ku hadlayo.

Si kastaba ha ahaatee xisbgia SD ayaa bilihii la soo dhaafay ay aad kor ugu kacday taageerada ay ka haystaan shacabka Sweden. Taas ayaa lagu micneeyay in dadka ka soo horjeeda soo galootiga ay isgu aruursadeen codbixiyaasha xisbigaas.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. somaliland boy says:

    war wanaagsan, aniga waxaba qabaa hadaaney ogaleed muwadininta wadakani soo galootiga inaan wax yar lagu noladeeen så wxn dhihi karaa waa dad aad u wanaagsan 70%
    marka laga tago inyar oo taag daran oo cinsuriyiin ah, markaa inta wanaagsan uun aynu kaeegno

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  2. abdi says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 11

  3. abdi says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 3 Thumb down 11

  4. Cadde says:

    waxaa ay mujiyeen dadka reer sweden xil kasnimo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  5. Cabdirisaaq says:

    Swedishka oogalootiga Muslimiinta ah jecel,
    soogalootiga yurubta gaajada/gaalada/caddaanka ah neceb
    kuwaas ayaa ah CUNSURIYIINTA dhabta ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  6. Saacid says:

    ASC cabdirisaaq wiilkan sheegtayow warkaaga dhinacee u jeedaa waxbaa ka aqaldan saxib ee isa sax cunsiriga waxba kama adan fahmin baan filaya warkagu xiiso ha yeesho sxb

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  7. Cadde says:

    masha alah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. zaaaaaaaaab says:

    sxp war bixinadaade waa kuwo jahwareer ah waayo maalinba wixii hore aad sheegtay wax khilaafsan aad sheegaysaa marka war bixiintaada sal hayeelato

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  9. scadeey says:

    dhamaan wan idin wada salamay horda dadkaan anagaa u imanay hadane waa dowlada ama dad nasoo dhaweyey gurya nasiiyey iyo nolol intaasba waxa jira wadama laka heleyn marka waxaan filaa dhibaato in aan qabin xitaa aan iska ilowno wax yabaha yar yar kasoo qaad hada nahay somali ma kusoo dhawen laheen dad ajaaniib ah wadankeena waa maya ilaa dad arkay nolasha qurbaha oo xaqiiq saday in lasoo dhaweyey asgana manta diyaar u yahay in u so dhaweyo wad mahad santihiin dhamaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  10. Cadde says:

    ok

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. somali dhaba says:

    NIN LA SUGAYOOW MAXAAD SUGAYSAAA walalyaal dallkii ayaa idin sugaya ee ka kaca hurdada oo toosa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. samiryare says:

    ASC dhamaan asxabta iyo mr jimcaale saxib waad ku mahad santahay aqbartaada hana u jojin kuwa aan wax garadka aheen ee aan waligood ilbaxeynin masha allaaaaah shacabka rer sweden waa dad wax garad ah ajaanibkane isfahmeen marka dad is jeceyl ayaanu nahay waayo adunka waxaa la qeymeyaa shaqabka sida oow ula dhaqmo ajaanib ka %75 aad ayey u wanaag san yahiin ayanu lenahay mana ahan in aan u jojina 25% oo cunsur ah markastane waxaad ogataan somaliyey in oow jira erayga cusuriga ah somaliya xataa wey ledahay cunsuri marka dulqaadka aanu mujino facil aad sameysaa samir baa ufican ee u samira waad gareysaan dan tinee waad mahad san tahiin nabad galyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. rooble says:

    maante waxaan tagay xarun caafimaad oo kutaal magaaladeyda waa gobolka smaland waxaan tagay anigoo xanuunsan xanuunkeyga waa dhiig kar dhiigeyga oo kacsanaa marke waxaan kacodsaday qolade kashaqeyso isbitaalka in ey dhaqtar ii gudbiyaan waa iga diideen waxaan usheegay in aan qabo dhiigkar oo aan dareemaayo inaan xanuunsanahay waa iga diideen ok waxaan kacodsaday iney iga qaadaan test ama tijaabo ah qiyaasta dhiiga waa iga diideen oo waxay igu dhaheen balan ayaan kuu sameynaynaa waxaan ku iri hade waan xanuunsanahay walaahi waa iga diideen oo birito kaalay bey igu dhaheen waxaan ku irti birito ma imaankaro marke waxaan mar mar maqli jiray in swedeshka ey qaarkood ey yihiin cunsuri kuwa ugu xun aduunka maante ayaan arakay ciil inta iqabtay ayaan misne isku celiyi mar waxaan rabay inaan caayo hadane waxaan is iri adaa utimid wadankooda marke ilaa iyo markaan soo xusuusto marke gurige ayaan imid waa iska yar nastay kaniini ii yaalay ayaan cunay marke waxaan layaabanahay testige xattaa waa iga diideen macnuhu dhimo hadaad doonto

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  14. mudane saakir says:

    TO,ROOBLOOW xuquuuqda aaaaaad sooomaaliya kawayday sweden miyaaaad ugu cadhooon? lama huraaaaan waaaaa caws jilaaaaaal kolay saaaaan aminsanahay sooomaliya cid dhiiig kaaa cabirta kamaaad waydeeen yaaaaaan looo cadhooon sweden u cadhooood dadka babiyay dalkaaaagiiii iyo dadkaaaadiiii kuna bahdilay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. rooble says:

    mudane saakir waa anigoo sidii dhaamo alxamdulilaaah bini aadamka iskumid ma aha waa ogahay taas oo dunida oo dhan dad xun iyo dad fiicanba meelkasto wey joogaan wadankaan aynu kunoolnahay ee sverige dadka udhashay ee udhashay ee asal ahaan ah swedeshka intooda badan waa dad wanaagsan waxaa jiro kuwa meelo kale kayimid oo cunsuriyiin ah ama kuwa udhashay intaba laakiin kuwaas waxaa kabadan dadka wanaagsan marke anage somali ahaan wadankaan abaalke ey noo galeen iyo sida sharafta leh ay noo soo dhaweyeen anagoo wadankeenii hooyo 20 sano kudhawaad dagaalo iyo qala laaso siyaasadeed ay kataagantahay waxaa noo haboon inaan wadankaan aan dhoorno waxii sharaf noo ah oo aan iska ilaalino wax yaabaha qaladaadka ah iyo danbiyada ok

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0