Shaqo la’aanta oo hoos u dhacday

Xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) ayaa sheegay in tirada dadka shaqo la’aanta ah ay hoos u dhacday sanadkaan. Tiradada dadka shaqo doonka ah ee ka diiwaan gashan xafiiska ayaa hada ah 404,000 qof taasoo u dhiganta 8.5% shacabka wadanka.

Dhalinyarada ayaa shaqo la’aanta ugu badan haysataa iyadoo dadka da’dooda u dhaxayso 18-24 ay shaqo la’aan badan haysato. Xafiisyada kala duwan ee Arbetsförmedlingen ayaa soo bandhigay in bilihii la soo dhaafay ay kor u kacday tirada shirkadaha raadinaya shaqaalaha. Arintaas ayaa lagu tilmaamay mid ifafaalo fiican u ah dhaqaalaha Sweden.

Shaqada ayaa waxay ka midtahay mowduucyada ugu kulul ee sanadkaan looga doodayo doorashada dhici doonta bisha September. Qaasatan shaqo la’aanta dhalinyarada ayaa ah mid si gooni ah isha loogu hayo. Dadka soo galootiga ah ayaa iyagu ah kuwa ugu badan ee shaqo la’aantu haysato.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. Yasin says:

    Masha alaah waa wax fiican in shaqo la,aantu
    hoos u dhacdo waana sax arintaas .
    waana mahadsan tahay Jimcaale .

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. 2 sano says:

    asc sxb shaqa waa heersare hadeey helaan dad badane sxb jimcaale arinka 2 sanan raadi bal oo wax ka soo qor taas ayaan aad ugu baahanahay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  3. c/raxmaan ismaciil says:

    asc wa ariin wanaagsan waxan ku weydinayaa mr jicaale arinka singelka war maka aheysaa sxb sare

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  4. far says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 10

  5. aweys dheere says:

    asc waan idin salaamay dhamaan jim.aale adiga iyo asxaabta kaala shaqeyso somaliska iyo dhamaan dadka fikradahooda fiican ka dhiibanaaya halkaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  6. ku far. um alwaled says:

    sc walaalaha la xiriirta webkan waad wada salaaman tihiin walaal FAR waxaan umaleynaa adiga wax famil la dhaho kaama maqna hadeey kaa maqnaanaan lahaayeen xaaskaaga iyo caruurtaada waad dareemi laheed xanuunka dadka wax ka maqan yihiin haayo laakiin waan ka xumahay inaadan walaalkaa muslin ah oo hada isku wadan aad tihiin aadan dareemeeynin xanuunkiisa maxaa dhibaayo haduu wareeysto arin isaga iyo dad kale oo badan quseeyso yaa ku dhahay tii ilaahay lama xusuusna laakiin ilaahay dadaal ayuu ku dhahay anne waan kula jiraa aduunka maa gadoomay haduu wareesto jimcaale misa meesha waxaad ka aqrisay jumcaalow familkeeyga ii keen subxaanalaah soomaalideena intaan hadalka soo tuurin hadaan ka fiki laheen waxaan dhaheeyno mar horeey soomaaliya toosi laheed qof walba meelaa laga heystaaye ilaahay amuurta alaha noo wada saqiro scw.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  7. Saalax says:

    Ilahay h adu u qoray way imaanaayaan laakin mresha uu su’aasha kuweydiinaayo jimcaale aa qalad ah waayo shaqo kuma lahan mowduuca laga hadlaayo iyo waxa uu dadka weydiinaayo.
    Jimcalena migration ka uma shaqeyo ee waa qof adi kula mida oo wariye ah markaa taas maad xasuusatan markad marwalbo su’aalo aan meesha ku haboonayn soo qoraysiin. War hooy caqliga adeegsada.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  8. says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  9. abdi says:

    asc dhamaantiin wlalayaal waxaa igu ducaysaan in illahay shaaqo khayr qabta iga siiyo sverige

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. somali dhaba says:

    ASC aqayaarta reer sveriga waxan joogaa magaalada muqdisho waxan kasoo baxay sveriga 2012 dec waxan haystaa ganacsi aad u heer sareeya waxan is aragnaa maalin walba dad kala duwan oo ka yimid swedan waxana kawada hadalnaa siday xaalku yahay waxaana inta badan furaa webkan oo aan u arko inuu soo qoro waxyaalaha ka jira sveriga waxaan rabaa inaan halkaan idinkula wadaago maanta shaqo iyo lacag somaliya ayey taalaa HAWO fican nolol aan laga dhergeyn walhi ee waa inaad awoodaan inaad dhulkina kusoo noqotaan kana shaqeysataan anigu ma haysto passborka weyn waxan joogay sveriga 2 sano kaliya maantana uma baahni waxaan idinku dhiira galinaa inaad usoo jeesataan dhulikiinii iyo wadankiina

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0