Sharciyada cusub ee dhaqan galay 1 January

15

Sida caadada ah ayaa dowlada Sweden waxay dhaqan galisaa sharciyada cusub ka bilaabata 1-da bisha riksdagenJanaayo sanadkasta. iyadoo shalay ay dhaqan galeen ilaa 30 sharci oo taabanaya qeybaha kala duwan ee nolosha iyo ganacsiga wadanka Sweden.

Sharciyada shalay dhaqan galay ayaa waxaa ugu muhiim sanaa kuwa taabanaya.

  • Lacagta waalidka ee loo yaqaan (föräldrapenning) ayaa la siyaadiyay iyadoo horay u ahayd 180kr hadana laga dhigay 225kr maalintii.
  • Canshuur dhimis loo samaynayo qarashka ku baxaya macalimiinta caruurta guriga casharka ugu celiya (Skattereduktion för läxhjälp).
  • Dadka waaweyn ayaa iyagana loo sameeyay canshuur dhimis.
  • Maamulada gobolada ayaa lagu amray in ay bixiyaan talaal bilaash ah.
  • Sidoo kale baarlamaanka ayaa mamnuucay in dadka qaarkood adeegyada qaarkood loo diido da’dooda dartiis (Ã¥ldersdiskriminering). Sida in dadka da’da yar ay qaataan moobeelada.

1-da bisha July ee sanadkaan ayaa waxaa sidoo kale dhaqan galaya sharciyada cusub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here