Sharciyada cusub ee Sweden ka dhaqan-galay maanta

12

Maanta waxaa dhaqan-galay 70 sharciyo cusub oo uu baarlamaanka Sweden ansixiyay sanadkii tagay. Sharciyadaan cusub ayaa qabanaya qeybo badan oo ka mid ah nolosha bulshada ku dhaqan wadanka. Hoos waxaan ku soo koobeynaa kuwa ugu muhiimsan.

  • Aqoonsiga oo laysku waydiin doona xuduudaha Sweden, qaasatan xuduuda Denmark. Qof aan aqoonsi wadan looma ogolaan doono in uu raaco tareenada, doomaha iyo basaska ka dhex-shaqeeya labada wadan.
  • Daawada oo lacag la’aan looga dhigayo caruurta da’dooda ka yartahay 18-sano.
  • Dadka waayeelka ah ee dhaqaalahooda ka yaryahay 240.000 sanadkii ayaa canshuurta laga dhimi doonaa.
  • Jaaliyadaha ayaan bixin doonin canshuurta MOMS marka ay wax ka iibsadaan dukaamada iibiya alaabaha macmalka ah.
  • Lacagtii xanaanada caruurta (vÃ¥rdnadsbidraget) oo la joojinayo ka bilaabata 1 febraayo.
  • Aabayaasha ayaa xaq loo siin doonaa 1 bil oo dheeri ah in ay caruurtooda la qaataan.
  • Lacagta canshuurta wadada ee laga qaado baabuurta Stockholm ayaa la kordhinayaa, iyadoo laga dhigi doono 35 kr halka ay maanta tahay 20 kr.
  • Canshuurta shidaalka oo la kordhinayo.
  • Lacag dheeri ah oo la siinayo kamuunada iyo hay’daha dowlada si ay u boobsiiyaan suuq galinta qaxootiga cusub.

Sharcidaas ayaa ugu muhiimsan kuwa dhaqan-galaya maanta oo taariikhdu tahay 1 Janaayo 2016.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here