Shir ku saabsan isdhexgalka Soomaalida oo lagu qabtay Stockholm

Shalay waxaa magaalada Stockholm ka dhacay kulan ku saabsan sidii Soomaalida ku nool Sweden loogu Stockholm-fores-somaliertaageeri lahaa isdhexgalka bulshada. Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay buug cusub oo laga qoray Soomaalida Sweden.

Shirkaan oo uu ka soo qeyb galay wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag iyo madax kale ayaa waxaa looga hadlay caqabadaha hortaagan Soomaalida ku nool wadankaan iyo sida looga gudbi karo. Waxaa goobta lagu soo bandhigay buug cusub oo loogu magacdaray “Somalier i Sverige – Mellan förtvivlan & hopp” taasoo lagu turjumi karo “Soomaalida Sweden – Waxay u dhexeeyaan jahwareer iyo rajjo” buugaan ayaa waxaa qoray qorayaal isugu jira Soomaali iyo Swedish.

Macluumaadka buuga lagu soo bandhigay ayaa ah kuwo muhiim ah kaasoo ka hadlaya dhibaatooyinka ay Soomaalidu ka maraan nolosha Sweden, sidii ay reerahooda ku keeni lahaayeen halkaan iyo talooyin ku saabsan sida looga gudbi karo caqabadaha hortaagan isdhexgalka bulshada oo loo jeediyay dowlada Sweden.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay xubnaha qoray buuga iyo wasiirka. Dadka ka soo qeyb galay kulanka ayaa fikradahooda ka dhiibtay mowduuca iyo su’aalo la weydiiyay qorayaasha iyo wasiirka.

Shirka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay ururka ka shaqeeya arimaha bulshada ee lagu magacaabo Fores kuwaasoo sidoo kale gacan ka geystay qoriga buugga cusub.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. hassan says:

    asc jimcaale sxb su aal baan qabaa iiga jawaab adigoo raali ah aqoonsiga dowlada somaliya aqoonsaden yurub iyo amerika arigtida iwedhan maka badaleysaa basaboorka somaliga oo malaga yabaa in ay mesha ka saraan sharuudi ahed ma cada aqoonsigaga somlinimo thnks jimcaale isoo jawaab walal

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. luul says:

    asc waa wax fiican hadii wax soomaalida ka turjuma la helo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. my name says:

    buuga xagee kaheli karaa oo soomalda laga qoray

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  4. omar says:

    Qorshaha dawladda ayaanu ku jirin howlo la xiriira sidii loo dhimi lahaa tirada dadyoowga magan-gelyo doonka dalkan u yimaada, sida uu sheegay Erik Ullenhag isaga oo jawaab ka bixinayay hadal dhowaantan ka soo yeeray wasiirka socdaalka Tobias Billström iyo in la dhimo tirada dadyoowga magan-gelyada dalkan u yimaada, mar uu Ullenhag ku sugnaa salaasadii goob lagu soo ban-dhigayey xarunta ururka madaxa-bannaan ee Fores:

    – Muhiimad waxaa xisbiga Shacabka ugu fadhida siyaasadda la xiriirta bani’aadminimada iyo in aannu u furfurnaanno bulshada caalamka. Xisbiyada kala duwanina waxey leeyihiin guddiyo kala duwan, hase yeeshee siyaasadda dawladda kama mid ah in la dhimo tirada dadyoowga magan-gelyada dalkan ku timaada iyo in la adkeeyo siyaasadda soo-galootiga.

    Xisbiga Mudaraatka ayaa dhowaantan ku dhawaaqay inuu saaray guddi uu madax u yahay wasiirka socdaalka ee ka soo baaraan-dega sidii is-bedel loogu sameeyn lahaa siyaasadda soo-galootiga iyo midda la xiriirta is-dhex-galka. Iyadoona uu dabadeed sheegay wasiirka socdaalka Tobias Billström in dood laga abuuro sidii loo dhimi lahaa tirada dadyoowga magan-gelyada dalkan ku timaada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. runshegta says:

    waxan salamaya dhamaan dad ka ka warama somaliska iyo dadka qorayasha ah waxan qaba su aal ah wax deganahay wadan ka afar sano waxan kala maqanahay nin kagi wax an bishi 2012.12.22 waxan dhalay cudhug waxa iga dhintay cudhugaygi wa iga dhintay alxamdulilaah waxan had weydeynaya su aal inta soqorta somaliska mala ikenaya nin kaga mase wax rajo ah alagama qabo in somali dame lakeeno rajo wa tan alle ee wax ey igu yiraheen di en eegi wa ku hayna kuwa cusbatalku barka pls wax taan igu weyn wax eytahay ilamo ha ladhalo aye dheheen ee ilamihi wan dhalay alle senoma deyn maxay samanayan marka jemcale walaale inta islam ah somali ah oo arinta war u ahaysa isoqora

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Deeq,darajo says:

    TO-JIMCALE,?&INTAKALE, O U,HILINKARTA,WALALAHODA SOMALIYED, intaskadib sida, an lasocono,ayantan warbahinta sweden iyo siyasadaba,waxey ku qotonta arimaha socdalka,iyo sogalotiga waxa socda warar les dhafsanayo o xisbiyada ey warbahinta isu marinayan,hadaba, idaacada, (sveriges Radio) qebihisa kaladuwan waxa kujira warar manta iyo kuwo hada ah 7:30pm, ah, o kulugot quseya somalida, waxa kahadlaya rezal wazaraha, o wasirka socdalka u jawabaya, iyo lanta socdalka qudheda o warbixin koban kadiyarisay arimaha qasatan somalida ey kushegeyso dadki ey shegen in ey iman donan sweden o familada marki 3 loqeybiyo in xata eysan ka iman hal? Marka jimcale & holwadenada, somliska.com, walala yal arimahas noso turjuma,mahadsanit

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. Abdullahi says:

    Asxaabeey waa idiin salaamay arimihii 2 sano maxaa ka soo cusboonaaday . yeey maxkamada uuga soo jawaabtay. idinkoo raali ah ii soo jawaaba.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  8. caaqil says:

    asc jim caale sxb hadalka raisalwasaraha soo tar jum sxb waxa uu kahadlay hadalke wasiirka socdaalka ee sxb nooga soo jawaab

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. hanad says:

    asc asxaabta dhamaan aad baa idin wada salamayaa ayamahan arimihi 2sano wax kahadlaya lama maqale ma afki baaa juuqda gabey bal wixi so kordha qof walba ha inala so socodsiiyo isha allaah alle wax khyr qaba ka rajenaynaa dhamaanteen amiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. macquul says:

    ASC DHAMAAN ASAXAABTA WAXAAN SUAAL KA QABAA NINKAAN QORAAGA ISKU SHEEGAA EE ABUKAR ALBADRI AH WARKA UU DHAHAY SIDEE IDIINLA MUUQDAA MA NIN FIYOOWBAA MASE WAA NIN WAALAN WAXA UU DHAHAY SOMALIDA BADANODA MAGAC BEENA AYEEY SWEDEN KU JOOGAAN WAXA KALE OO UU DHAHAY SOMALIDA SFI MA AADI LAHEEN HADII LACAGTA AAN LAGU XIRI LAHEEN SIDAAS AYUU BUUGA KU QORAY MA SOMALI AYUU CEEBEYNAYAY MASE SOMALI AYUU SHARAFTEEDA KOR U QAADAYAY FADLAN HALAGA SOO JAWAABO

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0