Shir Soomaalida ku saabsan oo ka dhacay Stockholm

Maanta waxaan ka qeyb galay shir ka dhacay xarunta dhexe ee bangiga Swedbank ee magaalada Stockholm kasoo looga hadlaayay arimaha Soomaalida qaasatan shaqada iyo isdhexgalka oo uu soo qabanqaabiyay agaasimaha Swedbank Michael Wolf iyo gudoomiyaha magaalada Fagersta Stig Henriksson.

Shirkaan ayaa looga hadlaayay arimo ku saabsan Soomaalida iyo sidii suuqa shaqada ay u gali lahaayeen iyadoo ay ka soo qayb galeen madax muhiim ah oo ay ka midyihiin agaasimaha Arbetsförmedligen Angeles Bermudez Svankvist iyo haweeneyda dowlada u qaabilsan arimaha shaqada Catharina Bildt iyo xubno kale oo ka socday shirkado iyo haydaha dowlada.

Qodbooyin dheer ayaa laga soo jeediyay halkaa oo ku saabsan Soomaalida iyo sababta ay suuqa shaqada u gali lahaayeen iyo sida bangiga Swedbank uu uga qayb qaadan karo horumarinta Soomaalida iyadoo loo marayo mashruuc uu bangigu waday mudo labo sano ah oo loogu talagalay dadka dhalinyarada ah.

Maamulka magaalada Fagersta ayaa si firfircoon u doonaya sidii shaqo loogu abuuri lahaa Soomaalida halkaan ku nool iyadoo gudoomiyaha degmada Fagersta Stig Henriksson uu ku goodiyay in ay noqonayaan magaalada ugu wanaagsan.

Waxaa sidoo kale goobta warbixin dheer oo ku saabsan xaalada Soomaaliya ku soo bandhigay safiirka  u qaabilsan geeska Afrika Marika Fahlen. Goobta waxaa sidoo kale ka hadlay dhalinyaro Soomaali ah. Aniga ayaa sidoo kale ka jeediyay qudbad kooban oo aan uga hadlay caqabada Soomaalida ka haysta suuqa shaqada iyo in loo baahanyahay in Soomaalida xaga waxbarashada iyo warbixinta laga saacido.

Guntii iyo gunaanadkii ayaa Swedbank waxay balanqaadeen in ay il gaar ah ku fiirin doonaan Soomaalida isla markaana ay ku boorin doonaan shirkadaha iyo bangiyada kale in ay ka qeyb qaataan suuq galinta Soomaalida.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. Somali says:

    Waaw waa rayi aad uwanaagsan waxaana dhihi karaa hadaa somali nahay maanta suuqa shaqo wax nooga jaanis badan majiraan oo hada ayuuba noo furfurmay ama noo furfurmaa lakin waxaan kuboorin lahaa walaalaha somalida hadii ay shaqo wanaagsan helaan ineey siwanaagsan ugasoo baxaan saacidaana walaalaha kale ee somali.

    Mid muhiim ah ogow marka aad meel kashaqeeneso waxaad xambaarsantahay magaca somali oo hadaa kudheesho ama aadan siwanagsan ugasoo bixin somaliyoow dhanna waa sidaa ayaa laleyahay ee hebel laguma dhahaayo marka fadlan aan ilaashano magaca somali.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  2. nasra says:

    maxey tahay sababta ay ooga hadlayaah arimaha somalda dadkii udhashay somalyaba dantooda garan waye ma datooda ayaan laguqasbi kara aqof waa mayajawaabta mida kale suuq geenta soomalida ayanb ayaanta isk daba imaneeysoo maxeeytahay u jeedada ka muqata meshaas waxeey tahahy in ay gaa ree go aan dhamaan shirkadah iyo warsjhadaha iyo dhamaa wixii shaqo bixin kara oo la yir somalida iska ilaalsha oo igooni ah u yeesha waay looga hadli waayay qoomiyadah kale e ku dhaqan wadanka masomali kaliya ayaa kunool dalka waa may ee meesha waxzaa ka muuqato in ay jiro farro godnaan somalida ah kaliya sxb

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  3. Jawaab ,,ku Nasra says:

    Waa figir wanaagsan hada saas ufagirtay ee xasuusno ine somalida ee ku cusub yihiin wadanga hadana ee udheertahay ine yihin dad ku soo badanooyo dhulka siiba wuqoyga Yuryb,,,, xaqiiqadan markan joogay wadankeeygi Nacas ayaan ahaa markan imaaday qurbaha waloo aan aqoon barasho watadiisa saaranahay wax un ba kafaaiday oo qali xakeeyga ka ah oo ah Nabad hadi aan waayo wixi aan rabay waxan dareeymay inaan qasab qof kulaheen dabcan Shirkaan faaido le aya imuqato inkasto qasarana kulaban tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. ifraax ladan says:

    maasha allah waa arin aad uwanagsan walahi waana inaan ka faa idaysanaa
    hadaan nahay somali mida kale waa ogaa taan in magaca somali uu naga wada dhaxeeyo kii xumoow magaca hanaga wasaqeen aan wada ilaashano magaceena marka dhamaan somalida ha isku dayeen inaad fadhiga ka kacdaan oo shaqaysataan saas ayaad sharaf ku leedahay ee guri fadhiyo iyo ceer waa inaad ka kaaftoontaan wa bilaahi towfiiq somaliyay isku tiirsanada .

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. mursal says:

    aad iyo aad baan usoo dhawaynayaaa arintaan waayo in badan ayaa shaqo ku helikarto hadii laga dhabeeyo intoo kale way shaqo gaynkartaa wixii wanaagsan waa la taageeraa in aan lagulaba hadlin soo kama roona waxaa kaloo jira dadbadan oo rabo in shaqo la geeyo oo aan luqada garaneyn ama u baahan in la caawi in badana iyagaa raadsan karo marka gabdhaha hadalkooda waan soo dhawaynayaa SIDA IFRAAH SHEEGTAY HALA SHAQO TAGO MEESHA KA ISTAAGA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  6. Madina Cumar says:

    Waa fikrad fiican waana in laga faa iideystaa hadaan nahay qomiyadda soomaali waa inaan hurdada ka kacnaa oo aan sharaf ku yeelanaa dunidan aan ku noolnahay hadii kale waxaan

    galeynaa buugga madow waxaana naladhihi doonaa mashaqeystayaasha somalida marka iska ilaalsha inaad noqotaan dadka lagu sheekeeysto tuugsiga iyo shaqo naceybka ee

    noqda dad lagu dayo karo dadaalkooda iyo waxqabsashadooda wabillaahi towfiiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. ramla says:

    waa wax fiiican in soomalida loo sameeyo shaqo waan ka faideeysan donaa insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. ilyas says:

    walaalayaal horta wadankenii ilaahy ha inoo dajiyo ta xigta dad wax qabsan kara han ahaannao meel kastooy joogaan dunida sharfna inooma ah inaan 3000kor ee caydha uun arsaaqka dhiganno…………..ilahay inooma koobin arsaaqdee…………….wsc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. abiyow cadde says:

    waa arin fiican waxaan soomaalida dhaman dhahayaa fadhiga ha laga kaco yaanan noola arkin dad ma shaqaystayaal ah asc all

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Axmadeer diikow says:

    Soomalida waxey taqaanaa sida ilmo loo dhalo oo bidrag ama ceer loogu qaato bas mahane sida loo shaqeysto kuma fekeraan sweden shaqo wey buuxdaa lakin somalida iyagaanan rabin iney dhaqeystaan oo fadhiga ka kacaan gabdhaha yeysan ku xisaabtamin ilmo iska dhala lacag aadan shaqeysan iska qaata walaahi wey idinka jeeban tahay praktik iyo adoonsi ayey idinkusoo galeysaa lacagta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Deeo says:

    ASC Jimacaale walaal waxaan raba inaan ogoodo ra’yigii 5 sano qofka uu wadan kaga maqnaan karey miyaa la isku raacey mise waa wali adigoo raali mahadsanid ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Deeqo says:

    ASC Jimacaale walaal waxaan raba inaan ogoodo ra’yigii 5 sano qofka uu wadan kaga maqnaan karey miyaa la isku raacey mise waa wali adigoo raali mahadsanid ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Deeqo sharcigaas ma jiro wali, ee waxa uu ahaa talo soo jeedin oo keliya. Ilaa hada lama dhaqan galin inta aan ogahay.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Deeqo says:

    aad ayaad ugu mahadsan tahey jawaabtaada deg dega ah Walaal Jimcaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Abdulkadir says:

    asc shaqada maahaan mid guriga kugu imaanayso ee waxa la doonayaa inaa adiga radsato dadka qarkis xataa hadii pratik loo diro wa diidan waana waxa kaliya oo qofka ku helayo shaqo ama qirbada shaqada inaa barato marka hadaa rabto inaa wadanka ka shaqayso koow wax baro laba hadiidin pratik sadax dadkooda la saxiib si aa ku hesho xariir waayo xariirka waa kan sahla soo galita suuqa shaqada ayadoo aan meesha ka sarayn luqada oo ah waxa fura waxkasta oo qofka aad la shaqaynayso ugu jawabi kartaa ama marka shirka shaqalaha la qabo aad fikir ugu dhiiban kartaa . dadaala wuu garaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0