Shirkada Coca-Cola oo iska dhaaftay magaca Mohammed

Shirkada cabitaanka Coca-cola ayaa go’aan ku gaadhay in aysan dhalooyinkooda ku qorin magaca nabiga Mohammed (nnkh). coca-colaAfhayeen u hadlay shirkada Coca-cola ayaa sheegay in ay isaga dhaafeen magaca Mohammed si ay uga fogaadaan xiisad ka dhalata arintaas.

Shirkada Coco-cola ayaa bilaabaysa olale ay magacyada ugu caansan Sweden ku badalayso magaca shirkada ee ku qoran caagadaha iyo dhalooyinka cabitaanka. Magacyada caanka ah sida Daniel, Anna, Emma, Sara iyo Johan ayaa ka mid ah magacyada loo doortay olalahaan. Magaca Mohammed ayaa ka mid ah magacyada ragga ee ugu caansan Sweden.

Afhayeen u hadlay Coca-cola ayaa sheegay in ay magaca Mohammed uga tageeen ka dib markii ay yeesheen wadahadal ku saabsan arintaas iyagoo sidoo kale wadatashi la sameeyay ururada Muslimiinta. Waxa uu sheegay in  maadaama Coca-cola ay tahay shirkad laga leeyahay maraykanka ay arintaas keeni karto xiisad.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah Muslimiinta ayaa ka carooday in laga tagay Magaca Mohammed. Hadaba sidee u aragtaa in Coca-cola ay magaca Mohammed ku qorto ama aysan ku qorin dhalooyinkooda? Ku darso fikradaada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. iga dhac says:

    wax haboon maahan in magaca sharafta badan lagu qoro caag lagu rido qashinka in lagu daabaco magaca nabigeena muxamed nnkh

    Fikrad lala dhacay Thumb up 30 Thumb down 1

  2. Nin says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 22

  3. abdallah says:

    coca cola waxan uma maqlay ineey tahay af carabi macana heeduna ay tahay laa maka laa mohamed labagooraba ma aha in magaca nabi mohamed nnk ahaatee in lagu soo qoro hada waa okey waxana ufurmi doona suuqa dad badan oo muslimiin ah ayaan arintaas owgeed cabi jirin coca cola

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  4. Faa,id F.M says:

    Waxaan ku talin lahaa in aan maghacaan sharafta badan aan lagu qorin caagag ganacsi oo la iska tuuraayo markii cabitaanka laga cabo walow hal iyo laba kr laga helo caaga faaruqaa. xayey siis iyo sharaf iyo karaamo illaahbaa u dhameeyey oo magaciisa raacshay, qof aan qiriuna janno iyo islaanimoba waa ka xaaraaan.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

    • istaahil says:

      mansha allah waa wax lagu farxa waayo caag xun oo musqul lala galaayo ma ahan in lagu qoro magaca nabigena muxamed scw ee sharafta leh

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. oday says:

    Uma qalmo magaca suuban ee aan jecelahay in lagu qoro quraaradaha kudaafada lagu tuurayo wayna ku sax sanyihiin inay ka reebaan Coca Cola waayo waxay noqonaysaa godob ay ka galeen bilaayiin qof oo Muslimiin ah waana dad aragti gaaban dadka ka xanaaqsan ee leh maaxaa loogu qori waayay ee looga eebay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. abdifatah says:

    Asc Wr Wbr

    Maxammed CSW bas ma ahanahee xataa waxaa ku qornaa maxamed ma jiro iyo makka ma jirto yahuuda waa qiyaanoolooyin ilaah ayaana na noo sheegay aniga waxaan soo jedinyaa shirkadaas biyaheeda yaana la cabin qofkii ilah dartiis u sameyn karo maxa yelay qamrina wuu ku jiraa waa se sir arinkaa. ogaada wallayaal

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. mohamed says:

    kolee aniga waxaan qabaa wax ma soo kordhineyso hadaa lagu qoro ama lagu qorinba waa isku mid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. keynaanyare says:

    asc dhamaan musliminta mel waliba oo ay dunida ka joogaan waan idin salaamay salaan kadib waxaa sharaf xumo inoo ah hadii aanahay muslimiinta in magaca qiimaha iyo qayaha badan ee mohamed oo an magaca nabigena nnkh lagu qor shey la istimalayo misana markii laga bogtana qashinka lagu xorayo runti waa wax aad loga xumaado in wax diintena macaan ee islamka kusabasan lasoo faragashtana waan ka soo hor jeenaaaaaaaa
    mahansanidin by keynaanyare

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. saadaq says:

    ¨waxba masoo kordhineyso ineey ku qoraan amaba iska dayaan aniga waxaba isla wanaagsan ineeysan ku qorin sababto ah mohamed waa magac ku qaali ah muslimka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. saahid says:

    ASC waxaan talo ku bixinayaa in hada iyo mar danbaba aan lagu qorin magaca nebigeena muxamamed nnkh scw dhalo ama shey suuliga iyo meelaha munaasibka ahayn lagu tuurayo mida kale ebi muxamed nnkh waxaw ilaah kasooo amaaney ama uu ku xusey 7 samo korkooda ugamana baahna shirkad ianay magaciisa isticmaasho

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Abubakr says:

    Asc wr dhamaan umada Islaamka ah, Maxamed waa magac hadii loola jeedo warka xun (Xabiibii Rasuulalaah , Maxmed inbu cabdilaah ) ma ahan jecelkiisa hadal iyo wax aqka laga sheego waa qowl iyo camal is raacsan in sunadiisa la raaco si dhab ah. shirkada Coca cola wax ka weyn ayaan ka socdo aduunka kaas hala firiyo ayaan dhihi lahaa , waxaan ula jeedaa dadka ahlul cuquulka ah . shukran.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Amina says:

    Asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. maxamed says:

    waa arin qalad ah i magaca maxaed lagu soo qoroh caag xun meel kasta lagu tuurikaro ama lala galikaroh sababtoo ah cocacola waxaa leh yahuud taas ogaadah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. asc bacda salan qofki kaxumada in laga tiro magaca muxamed waxay ilatahay inuu yahay wax magarad wayoo magaca muxamed waa midka ifka ugu qaalisan mana lagu qorin karo dhalo xun oo gaalo ay gacnaha ku qabayso mida kale rabitaan ama naxariis uguma aysan qorin marki hore ee waan bahdil loo gaysanayo islamka midakale hada waa benin labeninayo nibiga hsws oo ah laa muxamed walaa maka oo ay ulejedan maxmedna majirto makana majirto magacan asalkisi waxaa kentay yahuud

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0