SIDA oo ku hanjabtay in ay joojin doonto mashruucyada ay ka samayso wadamada faqiirka ah

Hay’ada Sweden u qaabilsan deeqaha caalamiga ah ee SIDA ayaa dowlada uga digtay in ay u isticmaasho lacagta deeqda ah si ay u soo dhaweyso qaxootiga ku soo qulqulaya Sweden. Wasiirka maaliyada Sweden Magdalena Andersson ayaa sheegtay in ay doonayso in la isticmaalo 60% lacagta deeqda loogu tagalay in lagu soo dhaweeyo qaxootiga cusub ee wadanka iska dhiibaya.

SIDA ayaa sheegtay in haddii ay dowladu isticmaasho lacagta deeqda loogu tagalay ay joojin doonto isla markaana ay ka noqon doonto heshiisyadii ay horey ula gashay ururada NGO-yada ee ka shaqeeya wadamada¬†faqiirka ah. Waxay intaas ku dareen in natiijadu ay noqon doonto in kumanaan caruur ah ay iskuul la’aan ku dhacdo isla markaana dad kumanaan gaaraya ay biyo nadiif ah heli waayaan.

Miisaaniyada SIDA ee sanadkaan 2015 ayaa ah 40 bilyan oo kr taasoo loogu tala galay in lagu maalgaliyo mashruucyada horumarinta ee wadamada faqiirka ah oo ay ku jidho Somalia. Dowlada ayaa la sheegay in ay doonayso in lacagtaas 60% ay hada ku qarashgarayso kumanaanka qaxootiga ah ee soo galaya wadanka, taasoo dadka qaarkiis ay u arkaan mid xadgudub ku ah niyadsamida Swedishka oo caalamka ugu faana in ay yihiin kuwo aad ugu fiican deeqda balse hada aan doonayn in ay lacag dheeri ah ku bixiyaan qaxootiga badan ee wadanka sharciga ka dalbanaya.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. Xudayfa says:

    Jimcaale waad Mahadsantahay, aniga ayaaba ka mida dadka ka soo shaqeeyay NGO ay maal galiso SIDA oo somalia ka shaqaya, waxay NGO yada kala shaqeeyaa WASH wax la dhaho oo ah biyo nadiif sidii bulshadu u heli lahayd iyo livelihood wax loo yaqaan oo ay ka mid tahay waxbarashada iyo beerista dalaga beeraha markaa sumcad wayn ayay u ahayd Sweden fund garayntaas ay dadka Tabaalaysan wax ugu qaban jirtay ee africa, waa in aysan joojin \

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Baarka says:

    Awalba lacagta loogu tala galay dadka masaakinta tuugo ayaa qaadanjirtay halaha yar kasoo harto tuugada ayee heli jireen masaakinta. Waxaan maalinhore joornalka ka aqriyay nin u shaqeeynayay safaarada sweden ee kutaala Uganda mudo 11 sano ah ayaa 14 millionKr si tartiib ah uga xaday lacagihii loogu talo galay dadkaas dhibaateysan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0