“Sidaad iila dhaqantahay, hooyadaa ula dhaqmi maayo”

Gabadha lagu magacaabo Sagal Yusuf ayaa waxaa cunsuriyad foolxun lagu sameeyay iyada oo tareenka sugaysa. Sagal ayaa sheegtay in iyada oo iska fadhida ay haweenay ku soo dhawaatay oo hadalo cunsuriyad ah ku tiri.

“Soo galooti xun, ma waxaad isku malaysaan in aad wadanka leedihiin. Waxaad ku nooshihin cayrteena. Waxaad tahay neger xun. Waxaan sugayaa inta SD ay doorashada ku guulaysanayaan oo soo galootiga laga nadiifinayo wadanka” ayay haweenaydu ku tiri¬†Sagal Yusuf.

Dhowr maalmood ka dib, iyada oo Sagal ku sugan goobta ay ka shaqayso oo lagu daryeelo dadka waayeelka ah ayaa waxaa irida soo istaagay haweenaydii cunsuriyaysay Sagal. Xiligaas ayay Sagal waxay daryeelsiinaysay hooyada haweenaydaan.

Haweeneydaan ayaa hadalkii ku xirmay, iyadoo aan hal eray oron ayay albaabka ka dhaqaaqi wayday. Markaasi ayay Sagal ku tiri “Ha walwalin, sidaad iila dhaqantay marnaba ula dhaqmi maayo hooyadaa”.

Sagal ayaa boggeeda Facebook ku daabacday qiyasada, iyadoo si weyn loo faafiyay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Sagal ay la kulanto cunsuriyad.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. Alla maxaad been iyo qiyaali kala dhigdhigtay

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 8 Thumb down 12

  2. Abdiraxmaan says:

    Mahadsanid
    Jimcaale waa wax maalinkasta ku dhaca
    Dadka dalkooda aan joogin.
    Bal fiiri dadka s.afrika lagu dilaayo
    Tani waava hadale.
    Waxaan u sgeegayaa ninka wata cabdifataax adeer hadayna adi ku qabsanin dad bay ku dhacday ee.ha beeninin dhacdada.
    Thxks—jimcaale.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 3

  3. Sabiriin says:

    Sheeko been ah waaye sweden.cunsuri majoogo soomali kacunsurisan Hadan nahay

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 5

  4. Hello says:

    Macha ALAH wlsheen Sagal si fcn ayay samaysay iyada oo maskaxdeedu dagantahay ayay si tartiib ah wax ugu sheegtay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 6

  6. Ula dhaqmi maayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  7. Sagal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. nuurtomacalin12 @hotmail. com says:

    Asc Abaayo waxba ha ku dayan Allah dartii u sabir gobonimo waa u dhalsho

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0