Siiriyaanka, Soomaalida & Dooda Siyaasada

Tirada dadka magangalyada ka dalbaday Sweden ayaa sanadkaan labo jibaarantay ka dib colaada ka taagan wadanka Syria iyo furitaanka mideynta reeraha Soomaalida.

Qaasatan arinta Siiriyaanka ayay qeylo dhaan ka muujiyeen Laanta Socdaalka iyadoo hada isbuucii ay wadanka soo galaan in ka badan 1100 qof oo magangalyo doon Siiriyaan ah. Sanadkaan ayaa la filayaa Sweden in ay sharci siiso in ka badan 40,000 oo magangalyo doon ah iyadoo sanadka soo socda tiradaas gaari doonto 50,000.

Arintaan ayaa dood siyaasadeed ka dhalisay Sweden, iyadoo xalay ay fooda isdareen madaxda hogaamisa xisbiyada ugu waaweyn Sweden oo ay kala hogaaminayeen raysal wasaare Fredrik Reinfeldt iyo hogaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna Stefan Löfven. Inkastoo inta badan xisbiyada waaweyn ay isku raaceen in la soo dhaweeyo magangalyo doonka ayaa waxaa dhinac u baxay hogaamiyaha xisbiga cunsuriyiinta ee Sverige Demokraterna oo sheegay in aysan Sweden qaabili karin dadkaan tirada badan.

Hogaamiyaasha kale ayaa ku goobtay Jimmie Åkesson iyagoo si weyn u cambaareeyay siyaasadiisa ku wajahan soo galootiga oo keliya. Hogaamiyaasha ayaa sidoo kale ka dooday arimo badan oo ay ku jiraan shaqooyinka iyo deegaanka.

Iyadoo bilowgii sanadkaan ay Soomaalidu ahaayeen dadka ugu badan ee Sweden iska dhiiba kowaasoo ay soo raacaan Afghanida, ayaa hada goobkii waxaa la wareegay reer Syria oo noqday dadkii ugu badnaa ee Sweden soo gala mudo sidaa u gaaban. 4200 Syrian ah ayaa Sweden iska dhiibay sanadkaan.

Inkastoo la filayo in ay soo socota mideynta reeraha Soomaalida ee caruurta leh, ayay u badantahay in Laanta Socdaalku ay wax ka badali doonto qaabilaada Soomaalida wadanka iska dhiibta ee sheegan jirtay in ay ka soo carareen Al-shabaab maadaama isbedal uu ka dhacay Soomaaliya.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

22 Responses

  1. muuse says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 3 Thumb down 11

    • somali sax ah says:

      @Muuse@
      jimcaale xaqiiqda jirta uu ka hadlay ee somali wax xun kama sheegin ee sida qaloocan aad warka u dhigayso jooji, Shabaabna waa jabeen oo kala firxadeen,
      Alle sooma celshee maxaad indhaha isku tiraysaa waataas Xamar iftiinkeedii baxaayee loona damaashaad tagaayo xeebto Liido, ee iska dhanka qaloocan aad waxa ka eegayso

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  2. fatimaa says:

    MUUSE KKKK MA YAABTAY

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  3. fatimaa says:

    XISBIYADA WAXAY DOODOODA KUSOO GABA GABEEYEEN NOOMA AADAN SHEEGIN JIMCAALE

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  4. fatimaa says:

    MAWDUUCA FURITAANKA REERAHA SOOMALIDA WAX INOOGA SHEEG

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  5. Abdi says:

    sxb jimcaale walaal waxaan ku salaamayaa marka hore marka xiga walaal waad ku mahadsan tahay sida naxariista leh ee aad akhbaaraha noogu soo gudbiso walaal hadaan ku weydiiyo su.aal adoo mahadsan walaal waxaa la ii ogolaadey ilmihii laakiin waxaan rabaa in aad ii sheegto qaabka tikidka ay ku imaanayaan?
    thanks

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. reer talyaani says:

    sxbow adiga maa swden ah ama magarshanaka ka shaqeeyo muuse sii as ku sheegay waaye cunsir ayaa tahay bacaw yahaw somali meel weliba ay tagaan waa iska dhiibi karaan anagana waa iska dhiibeen meel weliba inaa wax been ah aad sheegto ma aheen hadii ay xeraan ilaahay wadankeena noo hagaajinaayo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  7. hassan says:

    yaa rabi somali u gargaaar meel u roonba malahan dadyahoow idiinkana iska daaya jimcaale isaga waxuu haayo malahan wax uu arko uun buu soo qoraaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. saredo1 says:

    Aloow noogargaar aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. layab says:

    WAXAN LAYAbe ethoipia ndhibatada kajirto ee wax ka hadloyo anajirin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Amina mohamed says:

    ASC WALAYAAL DHAMAN INTA SOOO BOOQATO SOMALISKA BACDA SALAN WAXAN IDIN WAYDIINAA MAJIRTAA WARKA AH IN LAYIRI WAAN AAD HORAY ISU QABTEEN AMA AAD ISLA NOOLAYDEEN LABADA LAMAANE MUDO 2 SANO WALAYAAL YAA ARKAY WARKAAS OO XAQIIQDEEDA ISIINAYO ANIGA IYO DAD BADAN OO IS WAYDIINAAYO AYAA JIRO MAHADSANIDIIN ASC

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Amina mohamed says:

    ASC WALAYAAL DHAMAN INTA SOOO BOOQATO SOMALISKA BACDA SALAN WAXAN IDIN WAYDIINAA MAJIRTAA WARKA AH IN LAYIRI WAAN AAD HORAY ISU QABTEEN AMA AAD ISLA NOOLAYDEEN LABADA LAMAANE MUDO 2 SANO WALAYAAL YAA ARKAY WARKAAS OO XAQIIQDEEDA ISIINAYO ANIGA IYO DAD BADAN OO IS WAYDIINAAYO AYAA JIRO MAHADSANIDIIN ASC

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. muuse gabow says:

    ASC dhaman waa idin salamay walayaal sidoo kale waxaan qabaa su aashan aniga gabar coments soo qortay warkaan waan arkay marka xaqiiqda warkaan yaa hayo asaxaabta aqridata somaliska kolay meelo farabadan ayaa laga aqristaa yaa noo haayo warkaan haddii ama qof argtay asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  13. ayaan basey says:

    asc jumacaale iyo inta ku xiran shabakada somaliska, walalyaal haldhibaato ayaa i heysato dhibkaasi oo ah ninkeyga iyo canugeyga oo aan wada dhalnay ninkeyga iyo aniga, marka ninkeyga iyo cunuga waxey mareen DNA kadibna aniga ayaa marey DNAga kadib waxey isoo siyeen jawaab oo ah DNAga waa sax waad wada dhasheen cunuga laakin adiga iyo ninkaaga mawada nooleen 2 sano oo go’ah, hadaa aniga iyo ninkeyga waxaan wada nooleen sano iyo 10 bil marka waxey igu yiraahdeen maadaama aad wada nooleedeen in kayar 2 sano xaq waxaad u leedahay inaan kusoo qaadno cunugaaga, laaakin aabaha wax badan Ma isla joogina labadiina waloo aaad wada dhasheen cunugaaan marka laga yaabo inaad dib u furtid dacwad markuu cunuga kuu yimaado midaasi waan ka diidey Handlagerkeyga marka jawaab iga siiya walaalyaal hadey jirto wax ila qabo dhabaataaan oo ila soo gudboonaaatay, jawaab wacan Jumcaale iyo inta ku xiran shabakada somaliska.com
    Wabilaahi towfiiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. ayaan basey says:

    Asc jumacaale iyo inta ku xiran shabakada somaliska, walalyaal haldhibaato ayaa i heysato dhibkaasi oo ah ninkeyga iyo canugeyga oo aan wada dhalnay först ninkeyga iyo cunuga waxey mareen DNA kadibna aniga ayaa marey DNAga kadib waxey isoo siyeen jawaab oo ah DNAga waa sax waad wada dhasheen cunuga laakin adiga iyo ninkaaga mawada nooleen 2 sano oo go’ah, marka aniga iyo ninkeyga waxaan wada nooleen sano iyo 10 bil marka waxey igu yiraahdeen maadaama aad wada nooleedeen in kayar 2 sano xaq waxaad u leedahay inaan kusoo qaadno cunugaaga, laaakin aabaha wax badan Ma isla joogina labadiina waloo aaad wada dhasheen cunugaaan marka laga yaabo inaad dib u furtid dacwad markuu cunuga kuu yimaado midaasi waan ka diidey Handlagerkeyga marka jawaab iga siiya walaalyaal hadey jirto wax ila qabo dhibaatadaan oo ila soo gudboonaaatay, jawaab wacan jumcaale iyo inta ku xiran shabakada somaliska wa bilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. sanka cade says:

    waxaan dadka soomaaliyeed ee aqrista somaliska waydiinayaa meesha uu k akeenay jimcaale arinta ah in qaabilaada soomaalida la joojin doono iyo nabada ka dhacday soomaaliya iyo ka bixitaanka al shabaab dalka soomaaliya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. wadani says:

    asc walalayan qasatan aamina ahmed iyo ayan basey
    walalayal hadi an idinkaga warama arintan ah islama nolenina ninkaga 2 wax ka badan waa sax waa wax jira kaligina maha dad badan aya sas la so yiray hadi ad malinta iswedhan imanesay isla noleden hal sano iyo 11 bilod sharcigas aya ku qabanaya waa sida ay yirahden marka insha alah iyadana waa la fedi dona in sha alah lkn waxan idinkula talina un racfan ka qata insha alah maxkamada go an ka qadan donta weli un lama hayo maxkamad ku racday didmadas marka insha alah qer aya fileyna igana rali ahada hadi ad jawabta qof qas ah ka rabten aniga waxa an ka ogahay len idin shegay mahadsanidin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  17. fatimaa says:

    waxaad ku sheekeeneesan wax jira ma arko waayo dad soo guursaday ayaaba raja ka leh in loo keeno xaaskooda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. bashir cadow says:

    ASC jimcaale iyo inta ku xiran somaliska arintan ah labada sano lamaanaha horay in ay isula noolaayeen yaa war buuxa naga siinaayo kolay dad aad wax garad u ah oo arimaha sifiican u og way jiraan waxaan ka codsanaa aqiyaarta somaliska soo booqdo in ay war naga siiyaan .JAZAAKUMULAAHU KHAYRAAN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Yahya says:

    Jimcaale walaalo miyaad nooga jawaabtid shuruudan ah in ay dadka is qabaa lama sano soo wada noolaayeen, maxaad la aamusantahay.
    Dad badan ayaa ku weydiinayaa su aashan ee waxaad ka fahansantahay ama aad ka og tahay noo sheeg.

    Jawaabta su aashan oo sax ahi waa noo muhiim

    Madasanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. runloow says:

    dhamaan dadka jimcaale su,aasha ku saabsan famillada aan horay u wada noolaan jirin ka hor inta ayna iman sweden waxaad ka dhegeysataan -SOMALISKA RADIO SVERIGE- markaad webkaas gasho dhinaca midigta waxaad arkeysaa cinwaan ah DHEGEYSIGA UGU BADAN,hoostiisa waxaa ku yaalla cinwaan kale oo ah CIDDII DIIDMO HORAY U HAYSATAY DIB HA U XAREYSO cinwaankaas isaga ah ku dhufo oo dhageyso qof somali ah oo immigrationka howl wadeen ka ah ayaa somaliska radio sverige wareysanayaa halkaas ayaad ka heli doonaan jawaabaha aad jimcaale weydiineysaan ,wareysiguna waa af somaali.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  21. muuse gabow says:

    asc dhamaan runlow sxbow waxa uu kahadlaayo waa arima kale wax laxariira ma aha marka aqiyaarta sharafta leh ee arinkaan wax macluumaada leh waxaan ka codsanaa in ay ii sharaxaan aniga iyo yahye iyo dad kale oo badan waad mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0