Isbuucaan ayaa xoghayaha xisbiga SocialDemokraterna Carin Jämtin dood culus ka dhalisay Sweden ka dib markii ay ku baaqday in la aqoonsado ciidamaha Muslimiinta oo lagu badalo mid ka mid ah kuwa Kiristaanka maadaama Sweden ay hada tahay wadan umado kala duwan ku noolyihiin. Hadaba Carin Jämtin ayaa dib uga noqotay hadalkeedii ka dib markii si weyn ay u cambaareeyeen cunsuriyiinta Sweden iyo xitaa dad ka mid ah xisbigeeda. "Maya, ma dooneyno fasaxyo cusub, sidaa darteed ma dooneyno in aan ciidal-fitri ka dhigno fasax. Waan ku qanacsanahay ciidamaha Sweden waa sidaas aragtida xisbigeena" ayay idaacada Sweden u sheegtay Carin Jämtin. Hadalkaas ayaa lid ku ah hadalkeedii hore oo ahaa in ciidal-fikri laga dhigo safax. Cunsuriyiinta ayaa ku dooday in Sweden aysan u baahneyn ciid cusub oo ku saleysan diin maadaama wadankaan uu yahay mid aan diin gaar ah lahayn.

SocialDemokraterna oo dib uga noqday dalabkii ciidaha Muslimiinta

Isbuucaan ayaa xoghayaha xisbiga SocialDemokraterna Carin Jämtin dood culus ka dhalisay Sweden ka dib markii ay ku baaqday in la aqoonsado ciidamaha Muslimiinta oo lagu badalo mid ka mid ah kuwa Kiristaanka maadaama Sweden ay hada tahay wadan umado kala duwan ku noolyihiin.

Hadaba Carin Jämtin ayaa dib uga noqotay hadalkeedii ka dib markii si weyn ay u cambaareeyeen cunsuriyiinta Sweden iyo xitaa dad ka mid ah xisbigeeda.

“Maya, ma dooneyno fasaxyo cusub, sidaa darteed ma dooneyno in aan ciidal-fitri ka dhigno fasax. Waan ku qanacsanahay ciidamaha Sweden waa sidaas aragtida xisbigeena” ayay idaacada Sweden u sheegtay Carin Jämtin.

Hadalkaas ayaa lid ku ah hadalkeedii hore oo ahaa in ciidal-fikri laga dhigo safax. Cunsuriyiinta ayaa ku dooday in Sweden aysan u baahneyn ciid cusub oo ku saleysan diin maadaama wadankaan uu yahay mid aan diin gaar ah lahayn.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

1 Response

  1. MassGO says:

    WADANKAAN SIDA HORAY LOO SHEEGAY MA,AHIN WADAN CIIDAHA MUSLIMKA LAGA OGOL YAHAY AMA LAGA ICTIRAAFSANYAHAY WAXAANA LAGU DHAHAA WAA WADAN DIMIQURADI AH OO QOF KASTO AW XUR U YAHAY DIINTIISA,,DABEECADIISA IWM LKN MA,AHIN MID JIRTO TAAS TEEDA KALE KANISADA INEY GALBIHI DHALOW DHALOW TIRAA WAXBA LAMA AHIN LKKN MASAAJID IN LAGA ADIMO WAXEEY LATAHAY WAX QALAD AH. NB-GA XUBNAHA MUSLIMKA AH OO KUJURO INEEY SOO HOR DHIGAAN RIKISTA SI LOOGU DARO CIIDAHA AYAA LAGA RABAAAAA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0