Somaliska.com – Dib u habeyn, horumarin iyo hor u kac

Subax wanaagsan, galab wanaagsan ama habeen wanaagsan xiligii aad akhrisato Somaliska.com – Sida aad ku soo baraarugteen bogga waxaa lagu sameeyay isbedel muhiim ah oo xaga naqshada ah balse waxaan kaloo ku sameyn doonaa isbedel xaga qoraalada ah.

Siyaasada Somaliska.com waa in uusan galin qalalaasaha Somaliya oo aan xooga saarno Sweden iyo Iskaandaneeviya balse taas macnaheeda ma ahan in aysan jirin waxyaabo kale oo xiiso leh, sidaa darteed ka bilaabta maanta waxaan xooga saari doonaa sidii loo camiri lahaa bogga. Naqshada cusub waxaa looga gol’leeyahay in boos loo helo mowduucyada kala duwan ee ay ugu horeyso nolosha Sweden balse sidoo kale Arimaha Bulshada, Teknoolojiyada iwm.

Haddii aan waxyar idinkaga taabto horumarka uu sameeyay bogga, maalintii aan bilaabey ee April 22, 2010 waxaa soo booqatay 3 qof :). Bishaan waxaa soo booqatay 75,000 oo kala jooga 90 wadan balse 80% dadkaas waxay ku nool yihiin 290 magaalo ka badan oo ku yaala Sweden. Kiruna ilaa Malmö.

Hadaba waxaan idin leeyahay ku xirnaada oo garabkiina ha yaalo Somaliska.com – Waad ka faaidi doontaan, waana kala faaideysan doonaa.

Xasuusin: Wali ma dhamaan dib u habeynta bogga, marka wixii cilad ah ha layska dulqaato waan xalin doonaa Insha Allah.

Wsc.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. qudus says:

    as ckm waan ku salaamey jimcaale ,sxb aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad wax noogu soo tebisid waanu la dhacsanahay si reeyso,mida kale waa arin fiican moowduucyada aad ku soo kordhisey ee ah arimaha caalamaiga weynu daneyneynaa ,sxb waan kuu hambalyeynaaa waxyaabaha aad ku soo kordhisey ,sxb waxaan qof xiriir toos ula ah somaliska,com marki aan hurdada ka soo tooso waxaa i caado ah inaan furo webkaan ,mida kale waxaan kuu weydinaya hadii aay suuro gal tahay inaad ku soo kordhisio lexkinka maqal si aan uga barano ku dhawaaqiska kelmadaha mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  2. mhamed says:

    maliin wanagsan dhaaman akhyarta lasocoto somaliska horta aniga ahan hadii aan aroortii markan kaco aan furin wabka somaliska waba igeeri waayo waxan ka dhigtay balwad inta badana waxan ku raxeysta dadka sobooqda waxay iswaydarsadan mahadsanid sxb jimcale dee waxaad kalo xasuusatan walalaha laxariira wabka somaliskacom in aad ninka wax laqabatan waayo waxay ahad in xita lagabixiyo shiidalka marku nodonayo wararka ku sabsan midaanta reeraha hadana wa lagaray wakhtigi ee bal tashada bahda reer somaliska in aan ninka waxno radiya sii uun uga cajisin shaqada wax laqabta wa iga dardaran mahadsanid dhaman bahda somaliskacom

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. HASSAN KAAMILL says:

    Asc dhamaan asxaabta somaliska.com ku xiran gaar ahaaan milkilaha webka mr jimcaale sxb wd ku mahadsantahay wana kugu taageraya marka an kahadllo tan iquseya waa webka ugu hureyo oo an furu waxaa ku nolahay sout africa lkn sababta an ugu jeclahay ayaa ahay howsha culus o ow ino hayo&inoow ka madax banaan yahay siyaasadaha is diidan&kuwa is ogolba e dalkeyna hoyo marka sxb howl culus ayad bulshada u heydaaa qaasatan dadka kala maqan ee laiso diday oo on dhowraya wax kucusub manta arintoda

    anyway halyaay somaliyey aya tahay

    waana ku taagertay bulshadu sxb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. ifrah says:

    salaan sare dhaaman bahda reer jimcale wana ku farxay kor u kaca ku yimi somaliska maanta midakale waxan salaamaya walaalkey jimcale waayo wan ka maqna malmahan somaliska.com mahadsanid

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. qudus says:

    as ckm walaalken jimcaale adoo mahadsan hoowsha aad inoo heyso ,sxb waxaan ku weydiina hadii ey suurto gal tahay in aad isku daydid oo aad hormuud u noqotid sameynta googletarnslate oo ah af soomali iyo swedhis ,waxaan ku aragnaa luuqado badan laakiin malahan luuqada soomliga ,hadii ey taas suurto gasho ,waxaan talo ahaan u soo jeedin lahaa in afsoomaliga aanaan gobol keliya lagu soo qoran lahjadiisa ,tarjumida ha noqoto,waqooyi,koonfur labadaba iyo galbeed wabilaahi toowfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. umu hani says:

    mashaa allah somaliska.com aad iyo aad ayaan idinku hamabalyeyna meshina kasi wada waa dadashen xaqiiqo abalkinana waxan filaa in aan la gudi karin mar waliba waxan idin rajeeyna horumar wanagsan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Abdirashid Ali says:

    Asc jimcaale iyo bahda somaliska dhamaantood… aad iyo aad ayaan ugu farxay markaan arkay sida wanaagsan oo loo qurxiyay website ka Somaliska Maashaa-allah. waxaan rajaynayaa haduu ilaahey yiraahdo inuu noqdo website ka ugu wanaagsan uguna caansan ee somali yeelato!!!!!!! Next 22 April 2011 naqshadaan mid ka wanaagsan ayaan rajaynayaa…. SOMALISKA FOREVER…..

    Rashka..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. ramla says:

    waan idiin salamay bahda somaliska waan idiin hambalyeeynayaa horumar wanaagsan wax badana yaad noo qabataan waana mahadsan tihiin masha allah meshiina kasi wada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Abdiraxman says:

    Asc aqyarta somaliska .com kuxiran salan kadib waxaan aad usalamayaa waxgaradka ween ee jimcale xaqiiqdi wumudan yahay shaqsi la amano waayo waxuu isku xilsaray enuu uadego walalihiisa somaliyeed aqii ama walal isbadalka aad kusameysa wabka waa hormar aad ufican anaka wanka faedeysan donaa walal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0