Somaliska.com lacag miyaa laga dhigay?

Horta inta aanan su’aashaas ka jawaabin waxaa haboon in aan fahano farqiga u dhexeeya Somaliska.com iyo websiteyada kale ee Soomaalida.

Somaliska waa bogg ka shaqeeya in uu macluumaad muhiim ah oo faaiido leh u soo gudbiyo Soomaalida ku nool Sweden iyo kuwa doonaya in ay Sweden yimaadaan. Ma ahan bogg wareed oo keliya balse waa goob laga helo talo iyo tusaale muhiim ah. Somaliska waa bogg xafiis leh oo telefoon iyo addrees lagala soo xiriira leh.

Somaliska kama qeyb qaato hurinta colaada Somaliya bulshadana uma kala qeybiyo qabiil iyo gobolgobol.

Hadda maadaama aan fahanay intaas, su’aasha ayaan ka jawaabayaa. Somaliska lacag miyaa laga dhigay? Jawaabtu waa Haa iyo Maya. Sida aan kor ku xusay Somaliska waa bogg xafiis leh oo qarash ku baxayo, sidaa darteed cid bilaash ku shaqeyn karta ma jirto. Aniga waqtigayga bilaash waan ku bixin karaa balse shirkada telefoonka iyo internetka bilaash kuma bixinayso, korontada bilaash ma aha, Tareenka la raacayo ama shidaalka baxaya haddii la doonayo in war la raadiyo bilaash ma ahan.

Sidaa darteed qofkii fahansan qiimaha bogga iyo sida uu uga duwanyahay websiteyada kale isla markaana ugu adeego bulsahada ku nool Sweden waxaan filayaa in uusan waxba u arkeyn in uu bixiyo 90kr oo 6 bilood ah oo u dhiganta bishii 15kr. Waxaan kale oo sameeyay in uusan bogga ka xirmin qofka aan lacagta bixin oo uu wali akhrisan karo. Marka jawaabta saxda ah waa Qofkii doonaya in uu taageero bogga waxa uu bixinayaa 90kr. Qofkii aan lacag bixina wali waa akhrisan karaa bogga. Intaas waxaa sii dheer in dadka ku nool dibada Sweden aan laga doonayn waxna.

Waxaan rajeynayaa in aad ila fahanteen. Qofkii aan fahmina waxaan leeyahay sxb baqiilnimada isak dhaaf!!!

Halkaan ka akhrisato Faahfaahinta ku saabsan barnaamijkaan. 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

22 Responses

  1. hodan says:

    asc dhamantiin waa arin wanaagsan 90 waxa ka qiima badan shaqada uu inoo haayo webkaan masha allah waxan leyahay guuleesta somaliska.com

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. POSITIVE MAN. says:

    WAAN FAHANAY ADEER LAKIIN SU,AAL KALE HADANA, WAAN OGOL NAHAY 90 KR WAX BADANA MAAHAN WAA LACAG AAD U YAR MARKA LA BAR BAR DHIGO QIIMAHA WEBKU KU FADHIYO, EE WAA HALKEE HALKA LAGU SOO HAGAAJINAYO 90 KR HADABA?.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. POSITIVE MAN. says:

    WAA WAX FIICAN RUNTII WANAN FAHANAY, EE HALKEE LAGU SOO HAGAJINAYAA ANIGAA UGU HORAYNAYEE?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Daade-yare says:

    ASC/DHAMAAN?intas kadib WLH, wa arin qofwalbo niyad fiyow uu kugarabikaro wana arin lagama marman ah in u qofku kugu sacidikaro xogisa balse usan kugu sacidi karin dhaqalo dabcan mabahesto o wuxu kabadin wayay bariskisa? Somalidana wexey kumah mahda xusul dhaqaqay xurmad mudan marka walalayal 15KR, waxbo maha ayan qaba markilofiriyo maclumadka u JMC, nokeno mana ahan maclumadka isagaxata in ukuhelo sidankuhelno anaga wuxu uradiyo dabcan xafisyo kala fog waxana kubaxa uguyaran lacak,wabkana maha sida kuwa somalida okale kuwasomalida waxey waxkahelan xayeysis iyo barnamijyo kale usan qaban somaliska marka hadey il kale o waxkasogalan usan lahen sow maxirmayo tasna dan noma aha waxa lagu weydistayna wa mucawino e maha sharud marka an wax fahno walalayal?JMC uguhoren ani diyar ayey igatahay e inten kusohagajiya walal thx inti qalbigoda nadiftahayne waxan umalena inan iskusi wax ufahnay WCS”

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  5. fadumo says:

    asc all waa arin fiican qofwalbona ha isku dayo inuu bixyo maxa yele web waxa u hayo aya ka weyn lacagta wax ay tareso ma jirto idinkuna aad aya ugu mahadsan tihiin sida wanaagsan aya wararka nugu so gudbisaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. Bashir abass says:

    Marka hore aad iyo aad ayan ogumahad celin laha jimcale &raga lahowl galo,aniga wadanka dibadisa ayan kuno lahay,blse waxan kutalin laha inan isku xirsamayno rag iyo dumar shir aan kumartiqaadno jimcale is barano aad bay uficnan lahayd,maxa yelay waxad gashan websetyada kale adoon cidna waydi’inin ayad garani qabilka iska leh,cayda propagandada beenta dacayada iskudirka colad hurinta,cajib.blse wallah o billah o tallah inanan garanaynin jimcale iyo cida uyahay,waxa keenay guushaas iskuxirka iyo walibo ixtiramka midki jogay hargaysa ki jogay muqdisho ama garawe ama jijigo nbi ama johanisbarg ama meela kale ayu nin walbo kaso jwbi su’ashisa maxa ka ixtiram badan,waxan leyahay akhristayasha cod aan uqaadno inan ninka jimcale martiqad usamayno,iyo inkale,

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. mr Aniga says:

    waxaan salaamaya halw wadeenada bogan waanad ku mahad san tahiin hawsha aad u hasyaan bulshada.
    hadan xaga dad waynaha la hadlo somalidu waxay dhahdaaa yeel badh ah nin diiday mid buuxa ayuu qaadaa waxan uga socdaa waxaan 15 kr hadad bixin waydaan wax kabadan ayaay idun ku kacaysaa inaad warka uu idin siiyo somaliska ku heshaan hadii la waayo ee hawraar san aan dhahno ¨waad mahad san tahiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  8. Ayuub says:

    loooooooooool QOLKAAGA HURDA AYAA KA SOO QORTAA MA XAFIIS BUU NOQDEY ,,, cuqdad iyo qabiil ayaa kaa buuxda ,,, lacagna sidaas laguma doono ee si qurux ku doon ,,,, somaliska hadalo ayuu soo copy gareeya ,, fikradaha khilaafsan waa uu tirtiraa comments ka ay soo qoraan ,,,,,, mawduucyada iyo ciwaankuna isma lahan inta badan ,,,,,, maalin dhaweed ninkii 400 oo somalida ah ka qeylinayey cunsuri ayaa ku sheegtay markii runta aan kuu sheegnayna dee waa tirtirtay fikradii,,,,,, marka fikrad ku darso ha na dhihin !!!!! 90 kr lacag ma ahan lakiin web kaan ma u qalmo !!!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  9. Bashir abass says:

    Ana ku jwbi ayub haa o maye,maye o waxan jacelnahay somali hadan nahay dagdag waxa kaliye een donaynana wa dacwadi iswidan xagay mari,haa o webkan wa midka kaliye e u istagay somalida yurub jogo iyo kuwa africa ama mela kale iskuxiray,blse hadad rabtay in layirahdo manta waxa u dagal riiqmay dhaxmaray belaha sacad iyo saleban ama dhulmahante iyo isaaq ama abgal aya jowhar dad kuxirxiray.dee aan kutilmame ayub sxb waxad gashaa http://www.waagacusub.com ama waamonews.com.ama ijaaranews.com way badanyihin marka webkan wa isha kaliye e aan siyasad kushaqaynin kahar sxb.rali ahadaa hadad idhibsatan wa iga mathal,as

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Bashir abass says:

    Ok,su,asha ayub hadan iskudayo ha o maye o maqalmo wararka dag dag ah sababtuna marku shirdhaco ama somalida iskuxirkeda laga waramo unban umalayn inu war heli karo,haa o wu uqalma maxa yelay qabyalad kumashaqeyo ama siyasad aadbayna oguyartahay somalida media kushaqeyo.jimcale adna dulqaad yelo,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. POSITIVE MAN. says:

    KUBADA DAJIYA ABTI CAADI ISKA DHIGA.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. cadefidow says:

    asc ayuub waad fududaatay bro arinkaana adiga iyo waxlamid ah umataalo soomaaliween ayuu uyaalaa sxb kuwa adigookalaa oofikirka qaldan waan garan karnaa waan kaxumahay inaad kutilmaanto qabiil jimcaale qoraalkaadana markaan dib udaalayac adigaaba kaabuuxdaa qabiil iyo qurun magaranaayo maanta jimcaale qabiilkiisa laakiin waxaan dareensanahay in uuyahay ruux wanaagsan sxb marka waxaan kugula talinaa marka aadqof waxkasheegeeyso in aad soo luqluqato kadibna aadfiiriso afkaada iyo waxa aadkahadleeyso,
    asc inta wanaaga jecel

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  13. Massago says:

    ASC-anoo daba joogo warka Ayuub sxb horta qofka Saxafiga ah waxa aw qoro waxeey naqa karaan wax lasoo guurshay ama aw asiga goob joog u ahay lkn mel loo raaco leh oo sugan marka haku xadgudbin shaqada Jimcale,
    Jimcaale adigana waasax xoogaaga iyo xoolahaga iskuma dareeysid oo qofta inaw caawimaad helo waaaa qasab hadii kale mawadi shaqada fikrad wanaagsan waaye lkn 90 Kr hadii 30% skatt laga jaro waxa kontada Somaliska soo galaaayo waa wax yar taas malagu xisaabtay mase efter skatt waaye 90-kaas????????????????

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Mohamed says:

    A/s ? waan idiin salaamay asxaabta Somaliska.com Wabka waa la lacageeyay sidaan ufahmay , kkkk weliba waa bixi lacagta ama sug daqiiqad ganaax ah kkk intaa waa iga kaftan .

    Lakiin waxaa iga sual ah , Wabsaydyada kale ee aduunka kajiraaba , qarashaadaa kubaxa sikala ayaayna isu dabaraa dadkana lacaga lama weeydiiya ee Somaliska.com qaabkaloo qarashaadkeeda kudabarata ma weeysay ? sida in aay lacaga kaqaadato xayeeysiinta iyo progoramyada kala ee aay bixisa iskuulka waa laga qurxoonyahay in dadka sitoos ah wax loo weeydiiyo , Weligeeyna ma arag wabsayd wargadanaya kkk intaas waa kaftan kkk Cafis hadii aan qaldanahay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Waa mahadsantahay Mohamed sida wanaagsan ee aad fikirkaaga u soo bandhigtay. Aniga ma fahmin sababta Soomaalida ay ugu maleeyaan in websiteyada oo dhan ay bilaash yihiin, waa jiraan kumaan website oo aan bilaash ahayn waxaa ka mid ah wargeysyada New York times, Wall Street Journal iwm. Mida kale Somaliska guud ahaan lacag ma ahan balse waa qofkii doonaya in uu bixiyo ee aan dooneyn in uu sugo 45 sakan. taxadar badan ayaan sameeyay arintaan.

      Dhinaca kale akhristayaasha qaar ayaa waxay soo qoreen in ay ceebtahay in dadka lacag la waydiiyo!! su’aashu waxay tahay maxaa ceeb ka dhigay? wargeysyada la iibsato oo dukaamada yaala ma ceebaa? Websiteyadu waa kala duwanyihiin sida aan kor ku xusay…websitekastana waxaa lagu qiimeeyaa waxtarkiisa.

      Massago sxb waa sax wax badan ma ahan canshuurtana waa la socotaa balse soo ma maqal Quraanjo aruurtay bulac waa qaaadaa!! 😀

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  15. brave-man says:

    website waxeey lacag kasoo gashaa inta qofood ee booqata , xaqiiqda marki loo hadlo , laakin ma aqaan sababta lacag la isku weydiinayo !!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  16. MOHAMED says:

    SIDA AAN NAQAANO AMA LA OGYAHAY WEBSITE-YADDA IN AKHRISTO LACAG AH WAA YAR YIHIIN LAAKIIN WALAALKEEN JIMCAALE WAXAA U SOO JEEDIN LAHAA IN MEESHA LACAG DHIHI WAXYAABAHA XAYEYSIIMAHA IYO WARARKA QAAR IN UU LACAG DHAHO SI HALKAA SHAQADDA UGA SOCODSIIYO BALSE IN AQRISTO LACAG LA DHAHO DAD AAD AQBAARAADKA U QOREEYSO AYAA YARAAN DOONA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Lacag ha la isiiyo miyaa Baqiilnimada la iska dhaafaa says:

    Hello sxb
    Somalida kale sida ay lacagta u raadsato u raadso dee adigaba, maxaa kugu diray mujtamaca cayrta qaato oo aad ka dooneysid lacag ayaga oo bixin la’a lacagta radiotjäst ee saddexa bil ah.

    Fadlan dib isugu noqo oo si kale wax u raadi.

    Mhadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  18. HASSAN KAAMILL says:

    Asc dhaamanten gar ahaan mr jimcaale sln bacdigeed

    war somaliyeey goormaad wax fahantaan??
    Qoraalka jimcaale qufti an ku qancin mey iska dhaafto?
    Yaa faahfaahin dhere ah u dirsaday? Intii ku qanacday ayaaa kabadane!

    Mr jimcaale adne u dulqaado inta wax magaratada ah! Inta kasoo hurjeeda qeybtoda anaa bixinaayo inbadan oo igu raacdana wala helayaa e mesha laguso diraa ciwankeyga iguso dir! Wana ku mahadsantahay dadalkada wana kugu dheri galeynaa e meshada kasi wad dadaalka bro

    ruuxaan aqoon waxa walalka wadaniga ah ka mudanyahay warkiisa ha u bixin!! Bro inta fikirka saxda kadhibatna wala jira ayan leyahay!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  19. HASSAN KAAMILL says:

    Hadaan kusi darsado anigu maalintii 50 website o somali ledahay wan galaa
    news&war deg deg ah&kuwa dagalka shegaya&mesha lakala jogo aragti&maqaal kuwa ku faloda wn aragnay kuwa diinta faafiya wn aragnay kuwa music&filimada fafiya wn aragnay kuwa xayeysis kafaloda wn aragnay kuwa kahadlaaya siyaasadaha isdidan&shisheyaha nagu dul waregaya kahadlaya wn aragnay lkn wale ma arag kuwa si toos ah uga hadlaya arimaha mideynta reeraha waana arin mashaqadida leh marka somaliska.com waxaanbo dhihi kara meshi kadhineyd ayow kaqabtay!

    Intaan aqrinayay wabsite afsomali ku hadla ma arag wax kahadlaa barnimijka ow kahadlo somaliska.com waxaa kuso xiga asaguna soomaalidamaanta.com&somaliweyn.com labaduba waa ka hadlan arinta qoysaska kala maqan lkn saan u fahmay iyagu xitaa somaliska.com ayey kaso qatan! Ceebne ma ahan wayo danta umada aya lawada hayaa inkasto iyaguna yahin wabsiteya qima leh walibo saxafiyin wadni ah howl waden kayihin marka an isla fahano oo an isku fahano cida loo daneynayaa ambo somaliska.com u daneynayaa waa kuma? Oo asaga maxaa uga ba,aa hadow iska dhaafo?
    Mayee inagu intaan kaheleynaa infor quseysa danteyna?
    Rali iga ahada wn idinku badiyay qoralka e waxan qalday cafis

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  20. DEEQO says:

    ANIGA HADAAN FIKIRKEYGA KU DARSADO WAXAY ILA TAHAY IN WEBSEDYADA SOOMAALIDA DHAN LACAG LAGA DHIGO SI DADKU U OGAADAAN WARARKA LOO SOO QORAAYO IN QARASH IYO WAQTIBA UU KU BAXAY SOOMAALIDU WAX AAN FAAIIDO LAHEYN AYEEY WAX KU BIXIYAAN MAXAA U DIIDAAYO INEY SOMALISKA KU BIXIYAN WELIBA DADKA SWEDEN KU NOOL WAXAAD U SOO RAADSATAAN WARARKII UGU DAMBEEYEY EE SWEDEN KA DHACEY OO WELIBA XAQIIQO AH. MAHADSANID JIMCAALE SIDAAD YEESHEY WAAN TAAGEERSANAHAY DADKAAN HA ISKA BIXIYAAN LACAGTA WAX WEYN MAAHANEE

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  21. Dib cune says:

    Cayalka xafada ani hadey jiq igu tahay maxa la sameynaa macnaha ma aqrisanaayi miyaa jimcaale 🙂

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0